Home » Warar »

Ciidamada AMISOM oo guriga shaqaalaha mar kale Xasuuq ka geystay

Gaari hoomey ah oo marayey agagaarka guriga shaqaalaha isla markaana siday dad rakaab rayid ah oo u socday KM 4 ayaa waxaa risaas xogan la eegtay qaar ka tiran askarta Ugaandha ee fadhisinka ku leh guriga shaqalaha ee wadada Maka al mukarama ee Mgaalada Muqdisho.

Risaastan ayaa sababtay dhimashada 5 ka mid ah dadkii rakaabka ahaa ee gaariga saarnaa iyada oo dhawac soo garay in ka badan 10 qof oo dhamaantood wada ahaa rayid aqaladooda u hoyanayey .

Askarta AMISOM ee fadhiisinka ku leh wadada maka almukarama gaar ahaa guriga shaqaalaha ayaa risaasta ku furey gaariga nooca loo yaqaan caasiga ee sida dadka rayidka ah xili u wadada marayey mana jirin wax dagaal ah oo ka socday halkaas .

Gaarigaan oo ahaa gawaarida la kireysto ee dadka badan oo aan is aqooni wada raacaan ayaa ka tagay isgoyska howlwadaag isaga oo u socday boosteejada KM4 ee  Magaalada Muqdisho xiligii u marayey guriga shaqaalaha risaas xoogan oo aan loo meel dayin ku furey cidamada AMISOM ee halka fadhiisinka kuleh gaar ahaa kuwa saaran dabaqa sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa goobta xiligii uu xasuuqu dhacayey waxaana loo maleynayaa in ay gariga ka shakiyeen .

Sida ay shegayaan dad goobjoogayaal ah waxaa halkaa ku geeriyooday risaastii ay ku qarqiyeen gariga ilaa 5 ka mid ah dadkii gariga saarnaa ee hoyashada u socday waxaana dhawacyo kala duwani ka soo gaareen in ka badan 10 qof waxaana dhici karta in dhimashada iyo dhwacuba intaa ka bato waxaana jiray dad badan oo gariga isaga dagay kuwaas oo horey ugu cararay wadooyinka xaafadaha gala kuwaas oo risaas la raacsiinayey halkii ay u cararayeen .

Dadka mashaqadaani ku dhacday ayaa dhamantood ahaa rakaabkii gariga saarnaa waxaana warku inta ku darayaa in xiligaasi uu san soconin wax dagaal ah .
Dadkii dhawacmay iyo kuwii dhintay ayaa goobta laga qaaday inkasto oo meydka haweeney la garan waayey ay halkaa tiil ilaa waqti danbe .

Qaar ka mid ah dadkii gariga saarnaa oo ka badbaaday risaasta lagu asqeysiiyey oo qalqal xoogan laga dareemayey ayaa saxaafada la hadashay ayaa sheegtay in cidamada ay risaas xoogan huwiyeen gaariga waxayna intaa ku dartay in ay indhaheeda ku aragtay 5 qof oo u dhintay risaastii gariga lagu furey halka dhawaca ay aragtayn ku sheegtay ku dhawaad 10 qof waxayna intaa ku daratay in wixii ay aragtay ay ahaayeen wax la yaab leh oo aan laga sheekeyn Karin iyada oo ku macneysay indho xumo iyo rafaad .

Arinta ayaa ka dhacay guriga shaqalaha xaafada waaberi wadada leybeyriya agagaarka shineemo Somali haweyneydaan ayaa sidoo kale sheegtay in uu garigu buuxay isla markaana markii xabada lagu bilaabay dadkii qaar kami ah ay carareen wuxuuna ku socday xaga Km4 isaga oo ka yimid dhanka dabka .

Dad goobjogayaal ah oo kale ayaa sheegay in dadka goobka ku geriyooday dhamaantood wada ahaayen dad rayid ah .

Ma aha markii ugu horey ee cidamada AMISOM ay xasuuq ka geystaan wadadaan waxaana 2 /2/o9 ayey aheyd markii gaari kooster ah oo halkaan marayey ay risaas la beegsadeen isla markaana ku laayeen dad farabadan oo gaariga saarnaa waxaana xiligaa ciidamada lala beegsaday qarax ismiidaamin ah gari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey hase yeeshee waxay risaata la beegsadeen gariga BL ka ahaa iyo dadkiisaarnaa taas oo sababaytay in ay halkaa ku geriyoodaan in ku dhaw 50 qof .

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.