Home » Warar »

Axmadu Oulad Cabdalla oo lagu Cadaadinayo in uu ka tago shaqada Ergeynimo ee Soomaaliya

Axmadu Oulad Cabdalla oo ah Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa soo baxayey ama soo gaarayey maalmahan Dhaliilo kaga imaanayey qaar ka mid ah Beesha Caalamka iyo Xubno ka tirsan Dowlada Federaalka ka dib markii uu ku guuldareystey in uu wax ka qabto xaaladda soomaaliya oo marba marka ka dambeysa ay sii xumaaneyso islamarkaana Dagaalada ka sii socd soomaaliya ay ku dhimanayaan dad raiyid oo aan waxba galabsan

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo muddo hada laga joogo 3 sano laga dhigay wakiilka Qaramada Midoobay Soomaaliya ayaa wararka qaar sheegayaan maalmaha soo socda uu gaari doono Magaalada Newyork ee Dalka Mareykanka si wax looga weydiiyo xaaladda soomaaliya oo haatan mareysa meeshii ugu xumeyd iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in laga yaabo in la bedelo ergeygaas waxaana soo dedejinaya in laga eryo shaqada markii 3 dii sano ee tagtay soomaaliya ay ku dhinteen dad ku dhow 22,000.kun oo qof.

Cadaadiska ugu badan waxaa uu kaga imaanayey Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo iyagu sheegey in uu wax ka qaban waayey murankii u dhaxeeyey Gudoonka Sare ee Baarlamaanka iyo qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka ka dib markii xildhibaanadaas ay sheegeen in uu dhamaadey waqtigii Sheikh aadan Madoobe.

Mudane Mawliid Macane oo ka tirsan baarlamaanka KMG ayaa ku eedeeyay Mr. Cabdalla inuu isagu ka dambeeyo khilaafka hada ka dhex jira mudanayaasha iyo gudoonka baarlamaanka.

Kuwa ka soo horjeedo siyaasada Axmadu Oulad Cabdalla ayaa sheegaya in uu Mr. Cabdalla sabab u ahaa mucaaradada hubaysan ee hada ka jirta Soomaaliya maadaama uu ka doortay koox ka mid ahayd kuwii la dagaalamayay dowladii Cabdullahi Yussuf.

Sidoo kale Mr. Cabdalla ayaa lagu tilmaamay mid aanan xiriir la sameeynin kooxaha mucaaradka ah balse uu taageeradiisa ku koobay dowladda KMG oo ah mid aad u taag daran.

Mudadii dagaalada ka jireen soomaaliya waxaa soo marey dhowr ergey oo ay soo magacawdey Qaramada Midoobey dhamaantood waxay noqdeen kuwo aan waxba ka qaban Xaaladda soomaaliya waxaana sii xumaanayey arrinta soomaaliya oo haatan gashey mar xaladii ugu xumeyd.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Taariikhda Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya

Xafiiska Ergeyga Khaaska ah ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo hadda xaruntiisu tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa madax xilligan ka ah Axmed Walad Cabdalla. Haddaba waxaan si kooban u guud maraynaa taariikh ahaan sidii uu ku bilowday iyo ciddii xilalka ka soo qabatay iyo shaqada xafiiskaas.

Xoghayahii Guud ee Qarammada Midoobay (January 1, 1982 – January 1, 1992) Javier Pérez de Cuéllar, oo u dhashay dalka Peru, ayaa Decmber 1991 waxa uu Soomaaliya u diray wafti xaqiiqo raadis ah si ay u soo ogaadaan xaaladda dhabta ah ee ka jirtay Soomaaliya. Waftigaas waxaa hoggaaminayey James O.C. Jonah, oo u dhashay dalka Sierra Leone. Waftigaasi waxay soo diyaariyeen warbixin ay aad uga dayriyeen xaaladda Soomaaliya. Warbixintaas ayaa la tilmaamaa in ay sabab u ahayd in Qarammada Midoobay ay Ergey ama wakiil gaar ah u magacawdo Soomaaliya.

Xoghayahii Guud ee Qarammada Midoobay (1 January 1992 – 1 January 1997) Boutros Boutros-Ghali, oo u dhashay dalka Masar, ayaa April 28, 1992 waxa uu Wakiilkiisa Gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay Maxamed Sahnoun, oo u dhashay dalka Algeria. Waa xilligii UNOSOM I (April 1992 – March 1993). Laakiin October 26, 1992 ayaa Sahnoun iska casilay xilkaas kaddib, sida la sheegay, markii khilaaf soo kala dhex-galay isaga xoghayaha guud QM.

Markaas ayaa waxaa Xoghayaha Guud ee QM waxa uu November 8, 1992 Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay Ismat T. Kittani oo reer Ciraaq ah. Ismat Kittani waxa uu ahaa ergeyga gaarka ilaa March 1993 markaas oo ay bilaabatay UNOSOM II (March 1993 – March 1995) iyo xilligii hawlgalkii UNITAF ee “raja soo celinta Soomaaliya” (December 5, 1992 ilaa May 4, 1993).

March 9, 1993 ayaa  Admiral Jonathan T. Howe, oo u dhashay Maraykanka, waxaa uu noqday Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya. Waxana uu xilkaas hayey ilaa February 1994 markaas oo uu is-casilay.

Waxaa markaas (February 1994) Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya si kumeel gaar ah u sii qabtay kuxigeenkii oo ahaa Lansana Kouyaté, oo dhashay dalka Guinea.

July 1, 1994 ayaa Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay, Boutros-Ghali, waxa uu Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay James Victor Gbeho (oo ah reer Ghana).

March 1995 markii ay ciidamadii UNOSOM II ay ka baxeen Muqdisho, waxaa Qarammada Midoobay u muuqatay xagga nabadgelyada awgeed in aysan xafiiskeeda ergeyga gaarka ah uusan sii ahaan karin Muqdisho.

Sidaas daraadeed waxaa April 15, 1995 ay Qarammada Midoobay xafiis qaabilsan arrimaha Soomaaliya ka furtay Nairobi, xafiiskaas oo loo bixiyay United Nations Political Office for Somalia (UNPOS). Qarammada Midoobay waxay sheegtay in xafiiskaasi loogu talo galay “Horumarinta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta ayadoo lala kulmayo hoggaamiyaasha Soomaalida, ururada bulshada iyo dalalka iyo ururada danaynaya.”

Sida ku cad shabakada un-Somalia.org, xafiiska UNPOS hawshiisu waa mid siyaasadeed, waxaana garab siiya oo korka kala socda Qarammada Midoobay Waaxdeeda Arrimaha Siyaasadda ee loo soo gaabiyo DPA (Department of Political Affairs).

Waxaa xafiiskaas UNPOS madax ka ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, kaas oo si dhaw ula socda xaaladda gudaha Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira Soomaaliya. Ergeyga Khaaska ah waxa uu Xoghayaha Guud ee QM u gudbiyaa warbixinno waqtiyo ah oo kooban, waxa kale oo uu warbixino u gudbiyaa Golaha Ammaanka ee QM. Xafiiska Soomaaliya u qaabilsan QM (UNPOS) waxa uu bixiyaa hagid siyaasadeed markii loo baahdo, oo uu siinayo rugaha Qarammada Midoobay iyo hay’adaha UN-ta ee maaraynaya mucaawinada bini’aadamino iyo ururada UN-ta ee dalka Soomaaliya, sidaas waxaa qortay shabaka xafiiskaas ee Nairobi.

Waxa kale oo shabakada xafiiska UNPOS ku qoran in Xafiiskaasi uu taageero soojeedinta dalalka gobolka ee ku aadan in la horumariyo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya. Waxa kale oo shabakaasi (www.un-somalia.org) xustay in ammaanka Soomaaliya oo liita awgeed uu xafiiska UNPOS ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya in uu ka hawl galo Nairobi Kenya.

Dabayaaqadii September 1995 ayaa Ergeyga Soomaaliya loo maagacaabay Dr. Abdul Hamid Kabia oo u dhashay Sierra Leone, isagoo xilka hayey ilaa October 1996.

November 1996 ilaa September 1997 waxaa Ergeyga Soomaaliya ee QM hayey Felix Mosha oo u dhashay Tanzania.

October 1997 ilaa February 2002 Ergeyga Soomaaliya waxaa haa David Stephen oo u dhashay dalka Britain.

Xoghayahii Guud ee QM (1 January 1997 – 1 January 2007) Kofi Atta Annan, oo u dhashay dalka Ghana, ayaa February 25, 2002 waxa uu Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay Winston A. Tubman oo u dhashay  Liberia. Waxana uu xilkaas hayey ilaa  April 2005.

Kofi Annan waxa markaas kaddib ergeygiisa khaaska ah ee Soomaaliya uu May 3, 2005 u magacaabay François Lonseny Fall, oo u dhashay dalka Guinea, waxa uu xilkaas hayey ilaa September 2007. (Waxay ku beegan tahay xilligii ciidamada Itoobiya ay galeen Muqdisho December 28, 2006 ilaa Janauary 15, 2009).

Xoghaha Guud ee QM (ee xilka qabtay January 1, 2007) Ban Ki-moon, oo u dhashay dalka South Korean, ayaa Ergeygiisa Gaarka ah ee Soomaaliya waxa uu September 12, 2007 u magacaabay Axmed Walad Cabdalla (Ahmedou Ould-Abdallah) oo u dhashay dalka Mauritania, oo xilkaas hadda haya, isagoo ah madaxa xafiiska UNPOS.

Tarjumadii: SomaliTalk.com: http://www.somalitalk.com/2009/may/13/badda108.html

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.