Home » Warar »

Wabiga Shabeelle oo Kusoo fatahay qaar kamid ah Xaafadaha Magaalada B/weyne

Mar qura ayaa habeenimadii Isniinta saqdii dhexe waxaa dadku ay maqleen qaylada Raha oo yeerta marka ay biyo kasoo baxaan Wabiga, iyadoo dadkii daganaa Xaafadaha Dhagax Jibis, Bacaadaha ay iskaga baxeen guryahooda markii ay biyaha Wabiga ugu soo galeen.

Xaafadaha qaar ayaa ah kuwa haawanayay markii qoysaskii daganaa ay iskaga baxeen, kuwaasi oo dagay Xaafado kale oo aysan biyaha wali gaarin halka kuwa kalana ay aadeen deegaano kamid ah Gobolka Hiiraan.

Waxaad arkaysaa Caruur iyo gaadiid lagu raraayo agabkii guryaha iyo biyaha oo kusii socdo Xaafado kale oo aysan wali biyaha saamayn, iyadoona biyaha sida ay u socdaan ay yihiin si xowli ah oo saacadaha soo socdo lafilan karo in ay sababaan in guud ahaan Magaalada B/weyne looga baxo fatahaada Wabiga Shabeelle oo mudooyinka si aad ah loo hadal haayay.

Halkan ka daawo sawirada fatahaadda webiga

Sikastaba ha ahaatee Maamulka Islaamiga ah ee ka jira Magaalada B/weyne ayaa maalintii shalay Hay’addaha iyo ganacsaada ugu baaqay in ay u istaagaan sidii looga hortagi lahaa fatahaada Wabiga,iyadoo taasina u muuqato mid aan laxakamayn Karin,maadaamaa Wabiga jihooyin kala duwan oo ka qarshubo.

Halkan ka daawo sawirada fatahaadda webiga

Warbixintii:
Muuse Maxamuud Jiisow

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.