Home » Warar »

Maxamed Yuusuf Xeefow” heshiiskii aan la gaarney Dowlada waa naga go’an tahay in aan fulino

Iyadoo dhawaan heshiis ay wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Ururka Ahlusunna Waljameeca ayaa haddan Guddoomiyaha guud ee Ahlusunna Waljameeca Macallin Maxamuud Sheekh Xasan waxa uu ku dhawaaqay isla markaana meel fagaare ah ka sheegay in gebi ahaanba uu burburay heshiiskii Ahlusunna Waljameeca iyo Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in heshiiskaasi ay gacanta la soo galeen koox saddexaad oo uu ku tilmaamay in ay yihiin qabqablayaal dagaal.
 
Guddoomiyaha fulinta ee ururka Ahlusunna Waljameeca Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa isagu weli ku adkeysanaya in heshiiskaasi uu dhaqangalay, wixii dhimana  maalmaha soo socda la dhameystiri doono, hase yeeshee Guddoomiyaha kama uusan jawaabin hadalkii ka soo yeeray Macallin Maxamuud Sheekh Xasan ee ahaa in uu gebi ahaanba uu burburay heshiiskaasi.
 
Maxamed Yuusuf Xeefow oo isagu dadaal ugu jiray  in uusan burburin heshiiska ayaa u dhaqaaqay dhinaca degmada Guriceel si uu wada hadal ula yeesho Macallin Maxamuud Sheekh Xasan, hase yeeshee wararka aanu ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay sheegayaan in Guddoomiyaha guud ee ururka Ahlusunna Waljameeca Macallin Maxamuud uu isna u dhoofay Magaalada Nairobi markii ay Guriceel gaareen wafdi uu hogaaminayey Maxamed Yuusuf Xeefow wuxuu sheegey in safarka Gudoomiyaha uu ahaa mid qorsheysanaa  ayna isku soo aadeen imaanshaheenna iyo Bixitaankiisa , wuxuu kaloo uu sheegey in heshiiskii ay la gaareen Dowladda Federaalka uu sidiisii yahay islamarkaana maalmaha soo socda ay la kulmi doonaan Macalin Maxamuud isagoo sheegey in ay ka dhaadhicin doonaa wixii ay kala soo kulmeen Magaalada Muqdisho wuxuu kaloo intaa ku darey in heshiishka si weyn looga soo dhaweeyey Dhawaana ay qaban doonaan Banaanbax  lagu taageerayo heshiiskaas
 
Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ka socda kullamo ay yeelanayaan wafdigii Ahlusunna Waljameeca iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada lamana garanayo sababaha soo dedejiyey in guddoomiyuhu uu si dhaqsi leh uga ambabaxo magaalada Dhuusamareeb oo uu ku sugnaa, waxaana la sheegay in Dowladda Federaalka ay maalmaha soo socda ku dhawaaqi doonto xilal kale oo la siin doono Ahlusunna Waljameeca.
 
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.