Home » Warar »

Kulan Sannadeedkii Labaad ee Ducaadda Gobolka Western Cape ee Koonfur Afrika 2009/2010

Waxaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 09/05/2010 lagu qabtay magaalada Cape Town Kulan sannadeedkii labaad 2009/2010 ee ducaadda iyo waxgaradka ku nool Gobolka Western Cape ee Waddanka K/Afrika, Kulankan waxaa soo qaban-qaabiyay Xafiiska dacwada ee Majlisa Albayaan Al-Islaami faraciisa(Wetern Cape), waxaana lagu qabtay Madarasada As-sunnah oo ku taalla xaafadda soomaalidu ku badan tahay ee Bellville, waxaana ka soo qayb galay dad badan.  

Waxaa halkaa warbixin dheer oo ku saabsan horumarkii iyo waxqabadkii guddiga dacwada ee gobolka Western Cape 2009/2010 ka soo jeediyay Sh.Maxamuud Maxamed Adar oo ah Gudoomiye Ku Xigeenka Majlis Al-Bayaan Al-islaami, isla markaana ah Mas,uulka Dacwada ee Gobolka Western Cape, ayadoo ay bulshadii ka soo qayb gashay kulankaas si aad iyo aad ah ugu riyaaqeen wax-qabadka ay guddigu muujiyeen muddadii sanadka ahayd ee la soo dhaafay.  

Waxaa Muxaadaro diini ah oo magaceedu yahay “Waajibaadka Saaran Ganacsadaha Muslimka ah” khadka teleefonka kaga soo jeediyay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo jooga Nairobi dalka Kenya iyo Sheekh Dr.Cali Maxamed Saalax oo ka hadlay “Aafooyinka Adduun Jacaylka” isagoo joogay magaalada Oslo ee dalka Norwey, sidoo kale waxaa muxaadaro ka jeediyay Imaamka Masjidka As-sunnah Sheekh Cabdullahi Cabdi Ibrahim oo ka hadlay “Amaanada”, axkaamteeda, waajibaadkeda, sidoo kale waxaa Muxaadaro ka soo jeediyay Sh.cabdicasiis Hilowle oo ah Mas’uulka Dacwada gobolka Eastern Cape, oo isaguna ka hadlay “Xumaanta Sinada”. 

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
  
Kulankan oo sannadkiiba mar la qabto ayaa ujeedadiisu waxay ahayd baraarujinta ducaadda iyo waxgaradka, kor u qaadidda isku xidhnaanta bulshada iyo is xusuusinta u shaqaynta Diinta Ilaaheey. 
  
Sidoo kale waxaa warbixin guud oo waddanka oo dhan ah ka soo jeediyay Sh.Axmed Maxamuud “Axmed Dheere” oo ah Xoghayaha Guud ee Majlis Al-Bayaan eee Wadanka Koonfur Afrika, isagoo bulshadii goobta isugu timid dareensiiyay mas’uuliyadda qof walba ka saaran dacwada guud ahaan, ugana sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee ay dacwadu soo martay, gaar ahaan wax-qabadka Majliska iyo hawlaha uu bulshada u qabto, isagoo uga mahad celiyay bulshada guud ahaan sida ay mar walba ula garab taagan yihiin hiil iyo hooba faafinta diinta Islaamka . 
  
Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Sh.Maxamed Marooko oo ka warramay dhibaatooyinka qurbaha,waxaa kaloo jirtay marti sharaf kale oo halkaa hadalo baraarujin ah kasoo jeediyay iyo inay Guddiga dacwada ugu hambalyaynayaan shaqada wacan ee ay qabteen.

 Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
  
Xafiiska Dacwada Western Cape

Majlis Al-Bayaan Al-Islaami

almuctadil@hotmail.com

10/05/2010

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.