Home » Warar »

Haya’dda Maxaliga ee Relief for Africa (RFA) waxay ka qaybgelisaa Tartanka Shirkadda Pepsi ka wado dalka Mareynka Gudahiisa

VOTE NOW !

Halkan codkaaga ka dhiibo:

http://www.refresheverything.com/empoweryouth  

Waxay Shirkadda Pepsi bilowday bishii Febraayo 2010 tartan loogu magic daray U Codeynta Afkaarta Cusub ee wax looga qabanayo arrimaha Bulshada iyo Deegaannada, wuxuuna yahay mid bile ah ee u furan dadweynaha, ganacsatada, iyo Haya’ddaha Daryeelka ee aan ahayn faaiidodoon ee ku sugan Dalka Mareykanka. Waxaan tartanka hadda socda ee May 1 illaa May 31, 2010 ka qayb galaya Haya’dda Relief for Africa , http://www.reliefforafrica.org  oo ay wadaan hawlaheeda Soomaalida Qurbojoogta ah iyo Soomaaliyaba.

Waxaa tartanka hadda socda ka qaybgalayo 1344 tartameyaal, waxayna Shirkadda Pepsi ku bixinaysaa lacag dhan $1,300,000 (hal milyan iyo saddex boqol oo kun ee Dollarka Mareykanka) Haya’dda RFA waxay u tartamaysaa inay ka hesho lacagtaas tartanka weyn loogu jiro lacag dhan $50,000 (Koton kun ee Dollarka Mareykanka), haddii ay kuu guuleysatona waxay ku gadeysa, ku cusboonaysiineysaa Dhismooyin Duug ee hadda jaban oo ay ugu talogashay Xarunta Horumarinta Hawlaha Dhalinyarada Soomaalida, xarumo iyo xafiisyo Ururada Jaalliyada Michigan, USA.

Sidoo kale, wuxuu soo gebogeboonayaa tartankaan May 31, 2010 , waxaana natiijada lagu dhawaaqayaa June 1, 2010 , iyadoo dib loo bilaabayo mid cusub isla waqtigaas. Marka mashruucaan oo u ah arrin lagu ogaanayo kaalinta codka Soomaalida Qurbojoogta dalkaan Mareykanka, ayaa lagu boorinayaa inay ka qayb qaataan fursadaan dhammaan Soommalida idilkeed. Si gaar ah waxaan arritaan looga codsanyaa Qofkasta oo inaga mid ah iyo cidkasta oo ay saaxiib yihiin inay codkooda siiyaan hawshaan qiimaha weyn noogu fadhido. Dhinaca kale waxaa codkooda dhiiban kara maalin walba inta laga gaarayo 31ka Maajo qofkasta ee 13 jir ah, lehna E-mail, Qofkaan lahayna waa inuu sameyso si looga faaiiddeysto fursadaan.

Haddaba Qaabka loo codeenayo waa side? Waxaad isku diiwaangelin kartaa halkan, sidoo kale waxaa maalinkasta u codeyn kartaa sidatan hoos ku qoran:-

Waxaa ku geli kartaa maalinkasta mid uun labadaan Xiriir (Link):
A.  http://www.refresheverything.com/empoweryouth  
ama
B. http://www.reliefforafrica.org/

2. Waxaa riixdaa calaamada Vote for this idea, geli E-mail Address.

a. Haddii aad cusub tahay, calaamadee NO, ka dibna riix Sign In, geli khaanadaha Macluumaadka lagu weydiiyo magacaaga, sameyso Password (6-10 xaraf) u gaar ah haddii aad doonto Mashruucaan (waa inaad xasuusasato ama adeegsato markasta aad codeyneyso). Markaad dhammeyso riix Done. Markaas bilow inaad codkaaga dhiibato. Waxaad maalinkasta leedahay 10 cod. Waxaan kaa codsaneynaa hal cod oo qura. Sagaal kale, waad iska deyn kartaa, ama waa iska dayn kartaa. Maalinta xigta waxaa leedahay 10 cod ee hor leh illaa inta laga gaarayo May 31, 2010 .

b. Haddii aad ku soo noqoto codeynta waa Yes, geli Password, riix Sign In. riix Vote for this Idia. Waxaa kuu soo baxayo 10kii cod oo noqonayo 9gaal cod. Dabadeed sign out.

Ugu dambeyntii waxay jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkaan Mareynkana iyo saaxiibadooda ka codsanaysaa taageeraan Ururkan cusub, haddana inay siiyaan codkooda si uu Ururka RFA uu ugu guuleysto Hawlaha ay ka wado Dalkan USA iyo Soomaaliyaba ee wajahan arrimaha Waxbarashada, Dhaqanka, Caafimaadka, Biyaha, Deegaanka, xuquuqda, iskaashiga iyo horumarka Soomaalida.

Halkan codkaaga ka dhiibo: http://www.refresheverything.com/empoweryouth  

Mahadsanidin,

Abdishakur Geyre
Director
Relief for Africa
ashakur5@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.