Home » Warar »

Shir balaaran oo ay isugu Yimaadeen Soomaalida ku nool dalwaynaha shiinaha.

iyo Ganacsato Soomaaliyeed oo heshiis hor-u-dhac la galay Ganacsato reer Turkey ah…

… Warbixin: Shiinaha: Kulan ballaaran oo ka dhacay Gobolka Hubei

Waxaa dhawaan ka dhacay Magaalada Wuhan ee Gobolka Hubei ee dhul waynaha shiinaha, kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen soomaali ku kala nool Gobolada kala gadisan ee shiinaha.

Kulankaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay safaarada Soomaalida ee dalka shiinaha, Ganacsato soomaaliyeed ee ka kala ganacsatada Gobolada Ganacsiga ee YIWU iyo Guangzhou iyo ardey soomaaliyeed ee wax kabarata Jaamacado ku kala yaala Gobolo kala gadisan oo wadanka shiinaha ah.

Shirweynahaan ayaa u jeedadiisu ay ahayd sidii ay isukaashan lahaayeen Jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool wadanka shiinaha oo aan horey taariikhda sidan oo kale meel isugu wada imaan dad intaas tiro le’eg oo soomaali ku nool wadanka shiinaha oo ka kala timid gobolo kala gedisan.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalada wuhan Jaamacadeheeda kala ah Huazhong university of science and technology, Wuhan University, china Geo-science university iyo Tongi Medical Collage.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Kulamada ayaa bilaambay 01/02/2010 waxayna ku ekaayeen 02/05/2010 iyadoo inta badan aan loo kala kicin shirar badan oo is xig xigey

Ergedii ka soo qeyg gashey Shir weynaha Soomaalida ee wadanka Shiinaha waxay kala ahaayeen :-

1. Qunsulka Safaarada soomaaliyeed ee Wadanka Shiinaha Mudane Cawaale Cali Kulane
2. Gudoomiye xigeenka Gudiga Ganacsatada YIWU Mudane Siciid Jaamac Mire
3. Hogaamiyaha Ergada Guanzghou Mudane Cali Macow Xaaji
4. Dr. Xuseen Abshir Xasan
5. Gudoomiyaha Ardeyda Soomaaliyeed ee WUHAN Maxamed Cabdiraxmaan Faarax Qooje
6. Gudoomiyaha Ardeyda Soomaaliyeed ee Jilin Maxamed Rashaad Sh. Cali
7. Wakiilka Ardeyda Xian Cabdiweli
8. Ganacsade Guangzhou Cabdullahi Mumin
9. GanacsadeGuangzhou Cabdiraxmaan Jeylani
10. Ganacsade Guangzhou Cali Catoosh
11. Ganacsade YIWU Maxamuud Saney
12. Ganacsade YIWU Maxamuud Salaad.
13. Ardey Cabdulqadir Faarax Maxamuud Jilin
14. Ardey xasan Axmed Ibraahim Jilin
15. Ardey Cabdullaahi Haadi huanghou
16. Gudoomiye Ku xigeenka WSSU Feysal Axmed Salaad
17. Xiriirayaha WSSU Cabdifataax Cumar
18. Waacidka Wuhan University Axmed Maxamed Cal
19. Xogahay Tongi Maxamed Cumar

Shirarka qaatey mudadi labada bari ah oo ahaa kuwa kala gooni gooni u ah ugu danbeyntii hal meel la isgu yimid ayaa waxaa la iskula gartey mudo sadex bil gudaheed ah in jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool dalwayaha Shiinaha loogu sameeyo Maamul.

Waxaana Habeenimadii Isniinta oo taariikhdu ahayd 02.05.2010 dhamaan Ergadu ka qeyb galeen Xaflad aad u balaaran oo ay ku sugayeen ardey Gaareysa 300 sadex boqol oo wax ka kala barta jaamacadaha Wuhan, kuwaas oo halkaas ay kula hadlaan wafuuda kala gadisan ee ka kala timid gobolada.

Dhamaan dadkii ka hadlay xaflada ayaa u soo jeediyey ardeyda Waano iyo talooyin ku aadan waxbarashadooda iyo isku xirnaanta soomaalida wadankaan.

-In wax barashadooda ay ku dadaalaan.
-In lagu dadaalo diinta iyo ku dhaqankeeda
-In ay dhowraan shuruucda iyo dhaqanka dowlada ay martida u yihiin
-Iney dhowraan sharafta Somaalida inta ay joogaan dalka shiinaha
-In baahi loo qabo isku xirnaanta Soomaalida ku nool dalka shiinaha

Dr. xuseen Abshir Xasan oo ka hadlay xaflada ayaa tilmaamay Muhiimada uu leeyahay Kulankaan oo aan Abid taariikhda wadankaan horey uga dhicin maadaama dadka soomaaliyeed ay sanadihii u danbeeyey ku soo badanayeen wadanka shiinaha,
Gudoomiyaha Midowga Ardeyda Soomaaliyeed ee Wuhan Maxamed Cabdiraxmaan Faarax ayaa uga mahadceliyey dhamaanba sida ay u soo ajiibeen waqtigana u dhowreyn qeybihii kala duwanaa ee lagu casumey shirkaan.

Qooje waxuu ku tilmaamay Ganacsatada Soomaaliyeed kuwa ah aqoonyahono isla markaana horey u soo ahaan jirey ardey garanayana Xaalada ardeyda, waxayna mar walba si hagar la’aan ah u garab istaagan yihiin ardeydooda soomaaliyeed iyagoo u arka iney yihiin Mustaqbal wadanka Soomaaliya .

Qunsulka Safaarada Soomaalida ee Shiinaha Mudane Cawaale cali kulane oo ka hadlay Xaflada ayaa isna si diiran u soo dhaweeyey howsha ardeyda waxuuna ku tilmaamay mid si aad ah uu ugu faraxsan yahay, waxuuna balan qaadey in ardeyda ay safaaradu mar walba garab istaagan tahay.

Intii ay socotey xafladaan ayaa waxaa Midowga Ardeyda Soomaaliyeed ee Wuhan ku soo bandhigeen Riywaayado, heesta calanka barnaamijyo iyo waliba Muxaadaro diini ah oo si toos ah khadka Teleefoonka uu uga soo qeyb qaatey Shiikh Cabdirsaaq Aaadam oo Magaalada Muqdisho Jooga.

Maxamed khadar
Wuhan /China
wssu@ymail.com
somhust@yahoo.com

……..

Wafdi kasocday Rugta Ganacsiga Puntland ee Soomaaliya ıyo Ganacsato Soomaaliyeed oo heshiis hor-u-dhac la galay Ganacsato reer Turkey ah.

Wafdigan Ganacsatada Soomaalida ah oo dhawaan soo gaaray Dalka Turkiga gaar ahaan Magaaalada İstanbul oo ah Caasimad Dhaqameedka Wadamada Midowga Yurub 2010. ayaa waxay Shirar iyo kulamo kala duwan la qaateen Qaar kamid ah Ururada Ganacsiga iyo Shirkadaha Ganacsiga ugu waaweyn ee Dalka Turkey-ga.

Shirkan ayaa ahaa kii ugu balaarna ay kasoo qeybgalaan tiro Ganacsato Soomaaliyeed oo danaynaya Maalgashi inay ku Sameeyaan Turkiga, waxaa hadal gaaban ku furay kulanka Mr: Tomer Taskin oo ah Madaxa Hay’ada Xiriirka Dhaqaalaha Dibada ee Turkiga; ( Forien Economic Relation Board), Soo Dhaweyn ka gadaal waxuu halkaasi ka aqriyay xiriirka weyn ee Labada dal Soomaaliya iyo Turkiga iyo sida iminka loogu Baahanyahay in loo horumariyo Xiriirka ganacsi ee labada Wadan.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah (Turkiga)

Waxa iyaguna Dhankooda u hadlay wafdiga Soomaalida Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Rugta Ganacsiga Maamul gobleedka Puntland Mr. Maxmed Caydiid jaamac oo isaguna ka Warbixiyay wax Qabadka Rugta Ganacsıga Puntlan iyo Ganacsiga Soomaaliya halka uu maraayo.

Ugu danbeyn waxa Shirka ka hadlay Uqeybsanaha Arimaha Ganacsıga Safaarada Soomaaliya ee Turkiga Mr. C/fatax Warsame Rooti isaga oo xuasay wax yaabahii u hirgalay intii uu xafiiskani furnaa sida uu isugu xiray Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Ganacsatada reer Turkiya, Mr. C.fatax waxuu ugu baaqay Dhammaan Ganacsatada in ay ka ganacsan karaan Turkiga Xafiiskooduna uu gacmo furan iyo niyad sami wax ula qaban doono.

Gabagabadii Ururada iyo Ganacsatada ayaa Ammaanay kaalinta xafiiska ganacsiga iyo dadaalka weyn uu sameyaya uqeybsanaha Ganacsiga Safaarada Soomaliya ee Turkiga, İyadoo ka qeyb galayaasha Shirka ee labada wadan ay kala Saxiixdeen heshiisyo hor udhac ah iyadoo Shirku kusoo gabagabooway isfahan iyo wada shaqeyn.

Muqtaar Isaaq Yabarow
yabarow07@live.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.