Home » Warar »

Gurmad caafimaad oo lacag la’aan ah aan usameenay Naafada xooga Soomaaliyeed ee dagaan isbitaal martiini

iyo MSF oo Waqooyiga Gaalkacyo ka furtay waax bukaan socod eegto caruurta

Gurmadkan caafimaad waxaa ka faa’iideystay dad gaaraya 200 bukaan oo isugu jira Naafada xooga dalka Soomaaliyeed, caruur iyo Hooyooyin soomaaliyeed, lacag la’aan ah u helay daryeel caafimaad…

ASSALAMU ALEYKUM

Mogadishu-Somalia

Waxaa sharaf weyn inuu ah ala mahadiisna ah inaan idiin soo gudbino gurmad caafimaad ay maanta ay manta oo taariikhdu tahay 7 May 2010 usameeyeen naafada dagan isbitaal martini, runti hawshaan gurmad ah waxay isugu jirtay Daaweyn, Viisito, dhaymo (dressing) iyo Sheybaar lacag la’aan ah, waxaana ka faa’iideystay dad gaaraya 200 bukaan oo isugu jira Naafada xooga dalka Soomaaliyeed, caruur iyo Hooyooyin soomaaliyeed.

Runtii meelihii hore aan booqan jirnay aad iyo aad ayey ooga duwaneyd manta isbitaal martini waayo inta badan dadkii aan manta daaweynta iyo sheybaarka lacag la’aanta ah aan sameenay waxay ubadnaayeen dad waayeel ah hadana naafo ah oo aan awoodin inay booqdaan isbitaalada gaarka loo leeyahay, qaarka mid ah curyaamiinta aan ku daweynay goobtaas xataa awood uma aysan laheyn inay noogu yimaadaan goobta aanku shaqenaya ayagoo xitaa gabay dhaq dhaqaaqii taas oo keentay inaan sariirahooda ku soo fiisiteeno.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Runtii xaalada caafimaad ay kunool yihiin walaalaheen naafada waa xaalad aad iyo aad looga naxo, inta badan dadkii aan kula kulanay isbitaalka waxay la ildarnayeen cudurada chronic ah sida Dhiigar iyo sonkorow waana labada cudur oo u baahan qofka qabo inuu helo xanaaneyn gaar ah sida cuntadiisa iyo daawooyin joogta ah, marka shacabka soomaaliyeed ee qurbaha kunool waxaan ka codsanayaa in dadkaas nagala qeyb qaato daaweyntooda oo ah mid aan anaga oo qur ah aan daboolinkarin, waayo waxay u baahan yihiin daawo joogta ah ayagana awood u malahan inay iibsadaan daawoyinkaas sida daawada dhiikarka iyo tan sonkorta, anaga manta waxaan isiin wax yar oo ay ku gaaraan usbuucyo waxaan idinka rajenaynaa inaad nagula shaqeysaan arintaas, sidoo kale dadkaas waxay aad oola ildarnaayeen dhaawacyo kasoogaarey dhoobiyihii ku dhicijiray isbitaal martini waxaana kuwaas u sameenay dressing waxaan rajeenaynaa inaan usbuucii mar u booqano si loo siiwado dressingka .

Mahadsanidin.

Gudoomiyaha Dhaqaatiirda Da’da yar SOYDA
Dr. Abdiqani Sheikh Omar

Best/regards

Executive Director of SOYDA
Dr. Abdiqani Sheikh Omar
Email: dr.abdiqani [at] hotmail.com

————-

MSF ayaa ka furtay waax bukaan socod eegto oo caruurta Waqooyiga Gaalkacyo

May 6,2010- Nairobi- Heyádda caafimaadka ee caalamiga ah, Dhakhaatiirta aan Xuduuda Lahayn (MSF) ayaa manta ka furaysaa xarunta MSF ee Gaalkacyo, waax bukaan socod oo loogu tala galay caruurta da’doodu ka yartahay 12 sano jir.Waaxda waxaa ay u fidin doona la-talin iyo daaweyn lacag la’aan ah caruurta ku nool Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda.

“ MSF waxay ku faraxsantahay in ay furto waaxdaan cusub” ayay tiri Karin Fischer Liddle, madax howl-galka MSF ee Soomaaliya. “Baahida caafimaadka ee ka jirta gudaha Soomaliya aad ayay u badantahay, carruta ayaa mar walbo ah kuwa si wayn ugu waxyeeloobo cuduro laga hortagi karo amba la dawayn karo”

Rugtani cusub ayaa waxaa ay leedahay labo dhakhaatiir,seddex kal-kaaliye caafimaad oo loogu tala galay talaalka, dawaynta iyo la-socodka xaaladaha bukaanada.Rugta ayaa waxaa kale oo ay bixinayasaa baaritaano lacag la’aan ah.Marka la isku geeyo rugta waxaa ka shqeeya 18 shaqaale caafimaad.

MSF waxay ka shaqaynaysay gobolka mudug ilaa iyo 1997.Cusbitaalka Koonfurta Gaalkacyo waxa ay ku bixisaa adeegyo bukaan-socod oo daaweyn iyo ka-hortag isugu jira; daryeelka hooyooyinka, oo ay uu ka mid yahay daryeelka degdegga ah ee uurreyda iyo umulaha; quudin ku daweyn; daaweynta qaaxada iyo qalliin.Xarunta caafimaadka ee Waqooyiga Gaalkacyo, ayaa MSF ay ku bixisaa daaweynta qaaxada iyo quudin ku daweyn.Labada meeloodba waxaa si nidaamsan loola socdaa xaaladaha degdegga ah ee nafaqada iyo cudurrada faafa ee ka dillaaca gobolka.

MSF waxay si joogto ah uga shaqaynaysay gudaha Soomaaliya ilaa 1991 hadaa MSF waxy ka fidisaa daryeel caafimaad sideed gobol: Banaadir, Baay, Hiiraan, Galgaduud, Jubadda Hoose, Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose iyo Gobolka Mudug.

Ahmed Dahir Noor
Somalia Information Officer
Medecins Sans Frontieres
East & Central Africa Regional Information Office
Email: msf-press-somalia@msf.org
Tel: +254 20 444 4474/444 0536
Mobile: 0733665424

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.