Home » Warar »

Ahlusunna Waljameeca oo daboolka ka qaaday in gebi ahaanba uu burburay heshiiskii ay la galeen DFKMG

 Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa dadweyne isugu soo baxay khudbad dheer u jeediyey Guddoomiyaha guud ee Ahlusunna Waljameeca Macallin Maxamuud Sheekh Xasan, waxa uuna sheegay in gebi ahaanba uu burburay heshiiskii ay la galeen Dowlada Federaalka isagoo sheegay in heshiiskaasi aysan daacad ka aheyn Dowladda Federaalka.
 
Macallin Maxamuud waxa uu sheegay in gacan saddexaad ay soo gashay heshiiskaasi iyo waliba qabqablayaal dagaal oo uu sheegay in ay danahooda ka eeganayaan heshiiskaasi balse ma cararo baabin hogaamiye kooxeedyadii.
 
Macallin Maxamuud waxaa kale oo uu sheegay in burburkii ku yimid heshiiskii Adis-Ababa ee dhex maray Dowladda iyo Ahlusunna ay sabab u tahay Dowladda Federaalka kadib markii ay hogaansami weysay qodobaddii lagu heshiiyey, waxa uuna u soo jeediyey xubnaha kale ee Ahlusunna ka jooga Magaalada Muqdisho in ay dib uga soo  baxaan.
 
Guddoomiyaha ma uusan ka hadlin kullankii dhawaan dhex maray Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo xubnaha Ahlusunna ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kadib markii ay sheegeen in la soo gebagabeeyey heshiiskii dhex maray dowladda iyo Ahlsunna Waljameeca hase yeeshe gudoomiyaha waxa uu carabka ku adkeeyey in xubnaha Ahlusunna ka jooga Muqdisho isaga soo baxaan halkaasi.
 
Xubno ka tirsan Ahlusunna Waljameeca ayaa iyagu qaba  in heshiiskii burburkiisa ay ugu wacan tahay Dowladda Federaalka kadib markii ay ka waayeen hub iyo lacago beesha Caalamku ugu soo dhiibtay Ururka Ahlusunna Waljameeca, xubno kale ayaa waxay qabaan in lagu deg degay heshiiskii dhex maray Ahlusunna iyo Dowladda iyagoo yiri “Ahlusunna uma dagaalameyn in ay hesho xilal iyo lacag, ee waxay u dagaalameysay difaaca Diinta iyo dalka”.
 
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Warakii ugu dambeeyey ee xaaladda Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug

Markii Degmada Xarardheere ay la wareegeen Ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa haatan waxaa la sheegay in dadweynaha ku nool deegaankaasi ay soo wajahday walwal aad u balaaran kadib markii la sheegay in magaalada ay damacsan yihiin in ay soo weeraraan dhowr kooxood oo kala ah Maamulka Galmudug, Ururka Ahlu-Sunna Waljameeca iyo Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.

Ciidanka qabsaday degmada Xarardheere ayaa waxaa la sheegay in ay ka baxeen deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana la sheegay in ay mareen wadooyin qardo jeex ah kadibna waxay gaareen deegaanka Baxdo oo ka tirsan Degmada Cadaado, waxayna halkaasi ku sugnaayeen dhowr maalmood kadibna waxay u sii ruqaansadeen dhinaca Degmada Xarardheere, waxaana la sheegay in ay wada hadal la yeesheen odoyaasha deegaanka, iyadoo odoyaashu ay u soo jeediyeen in ay xaaladda dejiyaan.iyadoo afhayeen u Hadley Xisbul Islaam uu sheegey in degmadda Xarerdheere ay ku soo ragayaan ku dhaqanka Islaamka sidoo kale wuxuu sheegey in la dagaalami doonaan kooxaha bucad badeedka ee halkaa keena Maraakiibta

Ciidamo isugu jira GalMudug iyo Ahlusunna Waljameeca ayaa waxay digniin culus u direen ciidamada qabsaday degmada Xarardheere, waxayna u soo jeediyeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay halkaasi uga baxaan, sidoo kale waxaa is uruursanaya ciidamo ay leeyihiin kooxaha Burcad badeeda gaar ahaan deegaanada Hobyo iyo Ceel Huur

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo dhawaan la wareegay Bariga Gobalka Galguduud ayaa iyana kaabiga u saaran Degmada Xarardheere, Saraakiil ka tirsan Ururka Alshabaab ayaa sheegay in ay halkaasi dhowr jeer tageen ayna dib u soo laabteen, isku soo wada duuboo xaaladda Degmada Xarardheere ayaa aad u qasan, waxaana la sheegay in Odoyaasha deegaanka ay haatan wadaan waawaan la xiriirta sidii loo dejin lahaa xaaladda Degmada Xarardhere.

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Xafiiska Qarammada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS)

WAR-SAXAAFADEED 10/2009

ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA-GUUD OO NAXDIN KA MUUJIYAY DILKII WARIYAHII RAADIYO MUQDISHU

Nayroobi, 6da Maajo 2010 – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QarammaddaMidoobay u qabilsan Arrimaha Soomaaliya, Axmedou Ould-Abdallah, ayaa sheegay in uu si aad ah ooga naxay dilkii la dilay waryihii waayo araga ahaa, Sheikh Nur Maxamed Abkey oo ay dileen rag hubaysan oo jooga Muqdishu.

Waryaha oo u shaqaynayey Raadiyo Muqdisshu waxaa la dilay Talaadadii, maalintaas oo ku beegneed maalin un ka dib markii loo dabaal degay maalin tii xuriyadda saxaafadda.“ Waxaan aad ooga xumahay dilkan naxariis darada leh,” ayuu yiri Mudane Axmedou Ould-Abdallah.

Dilkan ma aha kii ugu horeeyey ee loo gaysto ama lagu ugaarsado wariye, waana cambaaraynaynaa dhammaan dilka noocan oo kale ah. Inta badan wariyayaashu waxay la kulmaan dagaal, handadaad, iyo caga jugleen, hadana ayada oo ay sidaas tahay, waxay sii wataan howshooda.

“Waxaan ku boorinayaa Dowladda in ay dadaal samayso si ay u badbaadiso dadka u shaqaynayo soo celinta nabadda Soomaaliya iyo aayaha ummadda Soomaaliyeed. Waanain maxkamad la keenaa kuwa masuulka ka ah daganaansho la’aanta ka jirta dalka.

Wixii war dheeraad ah fadlan kala xiriir: Susannah Price ama Donna Cusumano, saraakiisha qaabilsanisgaarsiintab guud, Xafiiska Qaramad Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, Nairobi Tel. +254 20 762 7132/7133 ama +254 733902020 ama 737400133Fadlan eeg rugta Internet-ka (website): www.unpos.unmission.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.