Home » Warar »

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo si kulul u cambaareynaya weerarkii qaraxa ahaa ee lala beegsaday masjid ku yaalla magaalada Muqdisho

Xafiiska Qarammada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda
Soomaaliya (UNPOS)

WARSAXAAFADEED 09/2010

Nairobi, 2 May – Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdallah, wuxuu si kulul u cambaareeyay qaraxyadii shalay ka dhacay Masjidka Cabdalla Shideye ee ku yaalla suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho qaraxyadaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen Soomaali badan iyo tiro kale oo dad shisheeye ah.

“Kan wuxuu ahaa weerar naxariis darra ah oo lala beegsaday dad masjidka u tagay inay ku dukadaan,” ayuu yiri Md. Ould-Abdallah. “weerarradan oo kale waa in la cambaareeyaa.”

Ergeyga Gaarka ah wuxuu yiri weerarka lagu qaaday Suuqa Bakaaraha, oo ay ka taliyaan kooxaha xagjirka ah ee Dowladda ka soo horjeeda, wuxuu keliya sii kordhinayaa dhiigga daadanaya iyo colaadda dalka ku habsatay labaatankii sanno ee la soo dhaafay.

“Weli ma garanayno cidda qaraxyadan ka dambeysay, ulajeeddadooda ama cidday ahaayeen dhibbanayaasha, laakiinse ugu dambeyntii waa dadka Soomaaliyeed cidda ay dhibaatadu ku dhici doonto,” ayuu yiri Md. Ould Abdallah. “falkan dani ugu ma jirto wadahadal ama xasillooni ku soo celinta Soomaaliya.”

“Mar kale, anigoo ku hadlaya magaca Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay, waxaan Soomaalida ugu baaqayaa inay joojiyaan dilka aan loo meeldayin iyo inay dadaal ku bixiyaan siday u gaari lahaayeen mustaqbal nabad leh iyagoo eegaya dantooda, danta carruurtooda iyo ta dalkooda.”

Wixii war dheeraad ah fadlan kala xiriir: Susannah Price ama Donna Cusumano, saraakiisha qaabilsan isgaarsiintab guud, Xafiiska Qaramad Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, Nairobi
Tel. +254 20 762 7132/7133 ama +254 733902020 ama 737400133
Fadlan eeg rugta Internet-ka (website) www.unpos.unmission.org

ENGLISH VERSION:

United Nations Political Office for Somalia (UNPOS)

For Immediate Release

PRESS RELEASE 09/2010

SRSG strongly condemns attack on Mogadishu Mosque

Nairobi, 2 May 2010 – The UN Special Representative for Somalia, Ahmedou Ould-Abdallah, has strongly condemned the explosions yesterday at the Abdalla Shideye Mosque in Mogadishu’s Bakara market which killed and injured many Somalis and a number of foreigners.

“This was a brutal attack on people who had gone to the Mosque to pray,” said Mr Ould-Abdallah. “Such attacks must be condemned.”

The Special Representative said the attack in Bakara market, which is controlled by extremist groups opposing the Government, would only escalate the bloodshed and violence which has afflicted the country for the past twenty years.

“We do not know yet who was behind these blasts, their motivation or who the victims were, but ultimately it is the Somali people who pay the high price,” said Mr Ould- Abdallah. “This action is not in the interests of dialogue or of bringing stability to Somalia.

“On again, on behalf of the UN Secretary-General, I call on Somalis to stop the indiscriminate killing and to strive for a peaceful future for the sake of themselves, their children and their country.”

For more information, please contact: Susannah Price / Donna Cusumano, Public Information Officers UN Political Office for Somalia (Nairobi, Kenya)
Tel: +254 20 762 7132 / 7133 or +254 733902020 / 737400133
Please visit: www.unpos.unmissions.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.