Home » Warar »

“Axmed Walad Cabdalla ayaa Masuul ka ah Dhibaatada ka Dhextaagan Baarlamaanka Soomaaliya” Warsaxaafadeed

Warsaxaafadeed ay soo saareen 301 Xildhibaan oo Muqdisho ku sugan ayaa shaaca ka qaaday in dhibaatada ka dhex taagan Baarlamaanka Federaalka Kumeelgaarka uu masuul ka yahay Axmed Walad Cabdalla oo ah Ergeyga Gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay (QM).

Qoraalka ka soo baxay xubnaha Baarlamaanka Federaalka Kumeelgaarka ah (BFKMG) oo ku qornaa luqadda Ingiriisiga ayaa waxaa ka mid ahaa:

“Waxaan si weyn uga walaacsanahay/ murugsanahay, isla markaasna ah arrin laga muraaradillaaco ficillada Ergeyga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM, Axmed Walad Cabdalla, kaddib markaan si feejigan u eegnay sida joogtada ah ee uusan haba-yaraatee dan uga lahayn ama uu isaga indha saabayo qodabbada ku qeexan Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah iyo sidoo kale qodobadii lagu heshiiyey Heshiiskii Jabuuti.”

“Waxaan si adag u rumaysanahay in ubucda dhextaalka u ah ee maleegeysa, masuulna ka ah dhibaatada nasiib-darrada ah ee qalaalasaha xagga sharciga iyo siyaasadda ka dhex taagan Hay’adaha Federaalka Kumeelgaarka in uusan masuul ka ahayn qof kale, balse uu masuul ka yahay Ergeyga Gaarka ah ee Qarraamaada Midoobay. Muranka taagan waxaa asaas / jirrid u ah waa Eregeyga Gaarka ee Qarammada Midoobay oo aan dan ka lahayn, islamarkaasna doonayn in uu fuliyo hawshiisa ku aadan hirgelinta qodobo ku qeexan Heshiiskii Jabuuti.”

“Ergeyga Gaarka ee Xoghaya Guud ee Qarammada Midoobay waxa uu si qayaxan dhabarka ugu jeediyey heshiiskii loo xilsaaray in uu korka kala socdo, oo ilaaliyo, isla markaasna uu xaqiijiyo in uu hirgalo, (waa heshiiskii Jabuuti)”.

Xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG waxay qoraalkooda si kulul ugu sheegeen in ay si aan gabasho lahayn u gudanayaan hawshii loo xilsaaray ee dadka Soomaaliyeed, iyagoo dhawraya Dhaartii ay qaadeen, iyagoo aan dheg-u-jalaq siinayn shakhsiyaadka iska dhigaya in ay ka sareeyaan sharciga. Waxayna Xildhibaanadu sheegeen in ay dhaqan gelinayaan wixii lagu heshiiyey Heshiiskii Jabuuti, kaas oo si qayaxan u sheegaya in “baarlamaanka tiradiisa la kordhiyey ay tahay in ay doortaan hoggaan cusub.”

Xildhibaanadu waxay baaq toos ah u jeediyeen Xoghayaga Guud ee Qarammada Midoobay iyo madaxa Golaha Ammaanka ee QM in ay qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo Heshiiskii Jabuuti, isla markaasna waxaa Xildhibaanadu weydiisteen in Soomaaliya loo soo diri koox xaqiiqo raadin ah oo baaritaan ku sameeya waxyaabaha sababta u ah dhibaatada ka dhex aloosan Hay’adaha Federaalka Kumeelgaarka ah, waa sida warsaxaafadeedku u dhigay’e.

Warsaxaafadeed Xildhibaanada Soomaaliya ayaa xusay shir ay xildhibaanadaasi oo garaya 301 ay Muqdisho ku yeesheen April 28, 2010 oo si kulul loogaga hadlay in ay difaacayaan Axdiga Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya, iyo in ay raacayaan XARAF ahaan iyo dareen ahaan Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah, ayagoo dhammaan xubnaha Hay’adaha federaalka Kumeelgaarka ugu baaqay in ay ilaaliyaan Dhaartii ay ku qaadeen in ay ilaaliyaan sharciga, sida uu dhigayo qodobka 3aad ee Axdiga FKMG.

Xildhibaanadda Baarlamaanka DFKMG ayaa hore waxay ganafka ku dhufteen qorshe uu qayb ka ahaa Walad Cabdalla oo la doonayey in Heshiis loogu magac daray Is-afgarad in qaqybweyn oo badda Soomaaliya lagu wareejiyo Kenya, waxaana  arrintaas ay markii dambe Qarammada Midoobey aqbashay go’aankii ay baarlamaanka Soomaaliya gaareen ee heshiiskaas (is  afgaradkaas) ka dhigayey WAXBA KAMA JIRAAN.

Warsaxaafadeedka cusub ayaa Xildhibaanadu isku dhaarsadeen in ay dhawrayaan danta Dadka Soomaaliyeed. Warsaxaafadeedkaas oo nuqul kamid ah uu soo gaarey SomaliTalk.com waxa uu u qornaa sidan:

—————————-

PRESS STATEMENT
For Immediate Distribution

The honorable members of the Transitional Federal Parliament of Somalia in attendance at this momentous Press Statement held in Mogadishu this _28th___ day of april 2010; and on behalf of all our colleages, honorable signatories to the declaration presented by 301 lawmakers demanding that all members of the Transitional federal institutions to uphold and respect the Charter and the terms agreed upon under the Djibouti Peace Conference Declaration; hereby forward this statement:

We reaffirm our solemn commitment to the letter and spirit of the Transitional Federal Charter of Somalia, and call upon all members of the TFIs to honor their Oath of Allegiance in respect of supremacy of the law as provided by article 3 stating:

“This Charter for the Transitional Federal Government shall be the supreme law binding all authorities and persons and shall have the force of law throughout the Somali Republic. If any law is inconsistent with this Charter the Charter shall prevail”.

We further express our uncompromising and resolute determination to uphold the full implementation of the Djibouti Agreement as the fundamental pillar of legitimacy for the Transitional Federal Government of Somalia.

We are deeply appalled and dismayed by the actions of the Special Representative of the Secretary General of the UN (SRSG) Mr Ahmedou Ould-Abdallah, having considered his persistent disregard for the stipulations and provisions setout by the Transitional Federal Charter, as well as the terms of the Djibouti Agreement.

We firmly believe that the central perpetrator responsible for the serious and unfortunate legal and political crisis within the Transitional Federal Institutions is none other than the SRSG. The root cause for the current dispute is the SRSG’s lack of desire and willingness to fulfill his duty to implement the outstanding clauses and provisions prescribed in the Djibouti Agreement. The SRSG is blatantly turning his back on the very agreement that he was entrusted to oversee, uphold, as well as ensure its fullest implementation.

We are steadfast in our resolve to fulfill our duty towards the people of Somalia, in due respect of our Oath of Allegiance, irrespective of individuals in pretense of being above the law. We are, furthermore, unwavering in our pursuit to implement the articles in the Djibouti Agreement undeniably obliging the ‘new and expanded transitional parliament to elect its new leadership’.

We call upon the Secretary General of United Nations, as well as the President of the Security Council to take immediate steps in their distinguished capacities, in pursuit of upholding the integrity of the Djibouti Agreement. We, furthermore, respectfully request your esteemed offices to dispatch fact-finding mission to probe the underlying causes of the intra-TFIs crisis.

SOURCE: Transitional Federal Parliament of Somalia

Recieved by SomaliTalk.com  on May 2, 2010

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " “Axmed Walad Cabdalla ayaa Masuul ka ah Dhibaatada ka Dhextaagan Baarlamaanka Soomaaliya” Warsaxaafadeed "

  1. ali says:

    asc arigti kasta oo ruux lahaboon waxaa laga yaabaa in kuwo farabadan oo kasoo horjeeda lahelo aradtida maqaal kani uu xanbaarsan yahay waa dhaliil loo soojeeinayo ninka u ak wakiilka ama metela qaramada midoobay waxaa layidhi hal xaaraan aki madhasho nirig xalaala muu fakmi karaa qofkasta oo qoomiyd nimo kujirto ama wadani nimo in ninkani uu kamid yahay dilaaliinta faraha badan ee wadanka sida firfircoonida leh uga shaqaysta waxaansae leeyahay somalay waxaynaan isgaadhsiini ina gaadhin welina waxaynu leenahay rajo eebe ee hala toobad keeno