Home » Warar »

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo Cambaareynaya Qaraxyada Masjidyada

Haddii aan nahay Bahda Ururka Waddaniga Soomaaliyeed waxaan halkaan ka soo jeedinaynaa baaq Cambaareyn ah oo ku saabsan Qaraxyada lala beeganayo Masjidyada. Waxaa qaraxyo lagu weeraray masjidyo ku yaalla magaalada Muqdisho iyo Kismaayo. Waxaana ku halaagsamay Ummad Soomaaliyeed oo Cibaadeysanaysa.

Waxaan Allah SWT ka beryeynaa dadkii ku geeriyooday Qaraxyadaas inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Eheladii iyo Asxaabtii ay ka baxeena Samir iyo iimaan ka siiyo. “Aamiin”

Waxaan kaloo Allah SWT ka beryeynaa inuu Caafimaad taam ah siiyo dadkii ku dhaawacmay Qaraxyada foosha xun, beddelkeedana ugu beddelo wax khayr qaba “Aamiin”

Masjidka waxaa guri Allah waxaana dhisa, soo camira, kuna cibaadeysta dad Rumaysan Allah SWT iyo Rasuulkiisa iyo Maalinta Qiyaamaha, mana ahan goob lagu fuliyo qaraxyo iyo waxyaabo shareecada Islaamka ka baxsan, Qaraxyada la qarxinaayo Masjidyadana waa dambi weyn oo laga galay Diinta Islaamka iyo Umadda Muslimiinta ah oo ku cibaadeysanayso.

Qaraxyada iyo dhibaatada Soomaaliya ka dhaca mar kasta waxay maanta u soo gudubtay Masjidyada iyo goobaha lagu Cibaadeysto, waana fidno cusub oo Shacabka Soomaaliyeed soo Asiibtay.

Burburka iyo dagaalada ku daba dheeraaday Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay sababtay in dhallinyardii Soomaaliyeed Jihada laga lumiyo loona adeegsado ficillo shareecada Islaamka ka fog, iyo dhaqamo aan Soomaalida lagu aqoon.

Haddii aan nahay Bahda Ururka Waddaniga Soomaaliyeed waxaan shacabka Soomaaliyeed oo dhan ugu baaqeynaa inay qeyb weyn ka geystaan ka hor tagga ficillada noocan oo kale ah.

Waxaan sidoo kale saxaafadda Soomaalida iyo tan caalamka ugu baaqeynaa inay kaalintooda ka qaataan sidii loo baahin lahaa Barnaamijyo wacyigelin ah oo Bulshada looga baaqayo inay ka tanasulaan ficillada Isqarxinta ah.

Shacabka Soomaaliyeed ee k u dhibaataysan Adduunka Daafihiisa oo dhan, waxaan Allah SWT uga beryeynaa inuu ka saaro dhibka ay manta ku jiraan. “Aamiin”

Allah (SWT) dhamaanteen ha na waafajiyo Dariiqa saxda ah. “Aamiin”

Abdullahi Jama Mohammed

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed

Toronto, Canada

info@waddaniga.org ama

soomaalibaanahay@hotmail.com

www.waddaniga.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.