Home » Warar »

30 Qof ayaa ku dhintay Qarax ka dhacay masaajid ku yaal Muqdisho…

Qaraxyo ay Dadbadani Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Masjid Ku Yaala Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho

Wararkii ugu horeeyey waxay tibaaxeen In ka badan 18 -ruux ayaa ku geeriyootay qarax xoogan oo ka dhacay gudaha Masjid ku yaalla Suuqa weyn ee Bakaaraha, qeybtiisa Cabdalle Shideeye, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen qaraxyo is xigxiga oo ka dhacay goobtaas, kuwaasoo aan la aqoon cidda ka dambeysay. (Warar kale ayaa tibaaxay in dhimashadu ay intaas ka badan tahay oo la gaarsiiyey ilaa 30 qof).

“Qaraxyo waaweyn ayaa ka dhacay Masjidka C/lla-Shideeye ee suuqa Bakaaraha, dad badan oo dhintay ayaa masjidka dhexyaalla, waxaana laga qaaday dhaawacyo aad u badan, ma jirto cid sheegi karta cadadka dhimashada iyo dhaawaca oo sax ah” ayuu yiri Cali Nuur oo mid ahaa dadkii ku tukaday Masjidka.

Goobjoogayaal ku sugnaa agagaarka Majidka ayaa sheegay in weerarkan lagu soo beegay markii salaadda Duhur ee maanta (May 1, 2010) laga baxay, iyadoo maydadka qaarkood ay weli dhexyaallaan masjidka xillilgii warkan la qorayey.

Markii ay qaraxyadu dhaceen kadib ayaa waxaa goobta gaaray in ka badan 15 gaari oo nuuca Ambalaasta ah kuwaasi oo soo daabulayay dhaawaca dadkii qaraxyada ku waxyeeloobay halka meydadkiina in mudo ah ay yaaleen gudaha Masjidka.

Xilliga uu dhacayay weerarka ayaa waxaa la sheegay in Masaajidka ku jiray Sheekh Fu’aad Shangole oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Xarrakatul Shabaab, kaasoo la sheegay inuu dhaawac kasoo gaaray qaraxaas.

Inkastoo aanay jirin qaraxyadan cidda sida rasmiga ah uga dambeysay ama sheegatay, ayaan haddana la ogeyn cidda rasmi ahaan la doonayay in lagu dilo, waana falal cusub oo kusoo biiraya qalalaasaha ka taagan Somalia.

Saraakiil ka tirsan kooxaha kasoo horjeeda Dowladda Somalia oo si kooban uga hadlay qaraxyadan ayaa sheegay inay ahaayeen kuwo la damacsanaa in waxyeello loogu geysto iyaga balse ay ka badbaadeen.

Qarax todobaadkii hore ka dhacay Afaafka hore ee Masjidka Abuu-Hureyra oo ah kan ugu weyn Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay laba qof iyadoo ay ku dhaawacmeen 6-qof oo kale, kaasoo aan weli la ogeyn ciddii ka dambeysay.

Muqdisho Somalia
Muuse Maxamuud Jiisow
907666/5576666
……..

Warbixin Dheeraad ah ee Qaraxii Masjidka …

Qaraxyo is xig xiga  oo aad u xoog badan oo ay dad badani ku dhinteen kuwa kalena  ku dhaawacmeen ayaa Maanta (Sabti May 1, 2010)  ka dhacay masjid ku yaala suuqa bakaaraha xili la isutaagey salaada duhur islamarkaana uu masjidku aad buuxey iyadoo uu ka koobnaa masjidkaasi sadex dabaq.
 
 Qaraxyadan oo ka qarxay gudaha masjidka qeybta hoose ee Imaamka agtiisa ayaa dhaliyey khasaare nafeed oo dhimasho gaaraysa ilaa 15-qof inta la ogaaday halka dhaawacuna gaarayey ilaa 20-qofood waloow aan si rasmi ah loo ogaan Karin xaalada qaraxa kadib oo ahayd mid aad murugo badan islamrkaana ay goobtaasi isku gadaameen xoogaga islaamiyiinta oo ku mashquulsanaa daad guraynta meydka iyo dhaawaca .
 
Sidoo kale  Masjidka oo loo yaqaano dabaqeynka oo dhex yaala  Bartamaha suuqa loo yaqaano cabdalla shideeyaha oo kamid ah goobaha ugu dadka badan marka loo eego suuqa bakaaraha oo aad u camiran ayaa waxaa soo buux dhaafiyey qaraxyada kadib ciidamada xoogaga islaamiyiinta iyo weliba dadweyne aad u fara badan iyadoo aysan meesha ka maqnayn gawaarida gurmadka ee ampulance-ka oo daad guraynayey meydka iyo dhaawaca oo dhamaantood ku waxyeeloobay gudaha masjidka .


 
Qaraxyadan oo ahaa kuwo ku cusub dhegaha dadka soomaaliyeed ee ku sugan magaalada muqdisho gaar ahaan suuqa bakaaraha ayaa anfariir iyo argagax ka muujiyey islamrkaana ku tilmaamay in masjidyadii ALLE ee lagu cibaadaysanyeyna laysugu yimid  .


 
Si kastaba ha ahaatee waa markii Ugu Horeysay oo qarax noocan oo kala ah uu ka dhaco masjid Lagu cibaadeysanyo weliba xili loo istaagey salaada Duhur taasoo layaab ku noqotay dadka shacabka ah ee iyagu hore aan u arag qarax qorsheysan oo lala beegsado masjid ALLE.

Sh,Fu’aad Maxamed Khalaf Oo Sheegay Inuu Caafimaad Qabo Soona Gaarey Dhaawac Fudud Oo Gacanta ah

May 2, 2010: Sheikh Fu’aad Maxamed Khalaf oo kamid ah Mas’uuliyiinta sare sare ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa ka warbixiyey qaraxii ka dhacay masjid ku yaala suuqa wayn ee bakaaraha kaasoo ay ku geeriyoodeen kuna dhaawacmeen dad badan oo shacab ah oo usoo cibaado doontay masjidkaasi .

Sheekh Fu’aad oo U waramayey qaar ka tirsan warbaahinta Muqdisho ayaa wuxuu ugu horeyn Tacsi udiray guud ahaan Umadda soomaaliyeed ee Muslimka ah,islamrkaana tilmaamay in qaraxaasi ka dhacay masjidka ay ka dambeeyeen Ciidamada Sirdoonka, gaar ahaan shirkad ku caan baxday ayuu yiri qarxinta dadka muslimka ah oo uu sheegay inay dhowaan soo degeen ex- xeradii xalane ee magaalada muqdisho iyagoo soo adeegsaday soomaali la mabda ah .

“ Arinta maanta dhacday waxay ahayd arin Cadaawad ah oo Xiqid iyo Xasid ah waxaana Arintaas ka dambeeyay dadka Muslimiinta ahna u sheegaynaa Usbuucii la soo dhaafay waxaa soo dagay meesha la yiraaho Xalane iyo meesha la yiraaho CID-da Mukhaabaraadka Mareykanka Nimanka loo yaqaano FBI-da taasi oo soomaaliya u timid in dadka muslimiinta ah ay masaajidada ku laayaan”.ayuu yiri Sh,Fu,aad

Sidoo kale Sheekh Fu’aad Maxamed khalaf ayaa shaaca ka qaaday inuu caafimaad qabo islamrkaana ay Gacanta dhaawac Fudud kasoo gaarey balse uu aad u caafimaad qabo isagoo xusay inuu masjidkaasi ka wadey Duruus kitaabi ah oo dadka muslimka ah uga faah faahin jirey ku dhaqanka shareecada islaamka oo uga tafsiiri jirey

Sheekh Fu’aad Maxamed khalaf oo la weydiiyey in isaga qaraxa lala bar tilmaameedsanayey ayaa sheegay in uu masaajidka ka aqrin jirey Duruus Kitaabi ah oo ay dadka shacabka ah aad Uu taxnaayeen islamarkaana qaraxan lagu xiray Dabaqa Dhexe ,kan Hoose iyo weliba labada Irid ee lagana baxo lagana soo galo si ay dadka masjidka ku Cibaadeysanayaa Cidina Uga badbaadin .

Ugu dambayn sheikh Fu,aad ayaa Ugu baaqay Umada soomaaliyeed gaar ahaan Xoogaga Islaamiyiinta inay u Istaagaan Jihaad ay Ku gelayaan Xerooyinka Ciidamada AMISOM Iyo Saraakiisha Maraykanka ee degan Ex -xeradii Xalane oo qorsheynaya in dalka soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ay ka fuliyaan qaraxyo lamid ah kuwa ka dhaca dalalka Ciraaq iyo Afghanistan ee lala beegsado Masaajidda ALLE ee lagu cibaadeysto .

faytin yaasiin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Fikradaada ku dhiibo: http://www.facebook.com/somalitalk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " 30 Qof ayaa ku dhintay Qarax ka dhacay masaajid ku yaal Muqdisho… "

  1. caasha says:

    inaaliilaah waa inaa raajicoon walaal alahunaxariisto shiyookhadii kugeeryootay masjid abuhurayra walaal waxaa,caadatay inmasjid ale lujihaaday marka,miiyaan xil laiskasaarin waxaankudagaalamayma soomaaliya carada ale hadwaxaa noomuuqat in soomaaliya aygumasi gacanta ugashay waxaa katalinyan ayhiin calooshoodshaqaystiyaal aan alle.kaxiishoonayn

  2. Bashir Sh. Moxamed says:

    Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun.

    Walaalyaal arrintan waa qorshe dibadda ka yimid oo loogu tala galay Colaadda dhextaalla Soomaalida in lasii huriyo.
    Wax qarsoon ma ahan in lala kala saftay dadka wax hurinaya oo aan Soomalida ahayn:- ITOBIYA, KENYA, Kooxda aay Dowladda KMG wadato
    iyo Kooxda aay wataan AL-SHABAAB iyo XISBUL ISLAAM,Intaas waxaa soo raaca oo ka daran Kooxda la dagaalanka burcad badeedka oo ka kooban QUWADIHII UGU XOOG BADNAA ADUUNKAN iyo kuwo ku daba gabanaya una dhuun taagaya KHAYRAADKA BADDEENA iyo qeebsashada dhulkeena.
    Maraakiibtaas baddeena dhex taagan wax kale ma sugayaan oo aan ahayn in GOBOLEYSIGA aan u kala firxannay aay hantiyaan.
    kuwa aan hadda la baxay:-PUNTLAND, GEDOLAND, HIRANLAND,
    BENADIRLAND………markii nala soo kor dago waxaay isku badali doonaan:- ITOBIYALAND,KENYALAND, FRENCHLAND, BRITISHLAND,
    AMERIKALAND, GRIKLAND, YEMENLAND, SHINOLAND, JAPANLAND, DANISHLAND ,ITALIALAND……………….
    Dal kasta oo BURCAD BADEEDKU baad ka qaateen hantida iyo dhulka la qeybsanayo qeebteeda bey lahaneysaa.
    Walaalayaalow halla isdaba qabto oo arrintan aan ka hortagno.
    bashirmohamud@yahoo.com

  3. Maxamed says:

    Innaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun

    Waxaan maantay garawsaday inaan ku jirno dagaal diini ah, waxaa maanta laqarxiyay Masaajid-kii Allaah loogu cibaadaysan jiray.

    Meesha uu kuyaalla Masjidka laqarxiyay waa meesha ugu saxmadda badan dalka Somalia ayaan dhihi karaa waqtiga laqarxiyay waa salaaddi duhur daqiiqado kahor, maalinta uu qaraxu dhacay waa Sabti waana maalintii uu suuqu ugu ciriiriga badnaa, bishu waxay ahayd 1 waana maalinta ay dadka Somali ku dhaqan ay xawaaladaha kasoo doontaan lacagihii dibadda looga soo diray.

    Intaasoo dhan marka lafiiriyo waxaad dareemaysaa inay tahay fal uu cadaw sameeyay lana damacsanaa inuu ku xasuuqo shacabkan muslimka ah.

    Waxaad dareemeysaa qofka qaraxan ka danbeysay inuusan qof Muslim ah ahayn sababtoo ah Muslimku wuxuu leeyahay damiir islanimo iyo danbiga Allaah ka galayo inta uu la egyahay.

    Waxaad kaloo dareemeysaa inuusan ahayn qof Somali ah sababtoo ah wuxuu ogsoonan lahaa inuu qof uun xigtadiisa ah inay masjidka gali karto. Sababtoo ah suuqa bakaaraha badanaa waxaa lasoo galaa 4 saac barqadii, duhirkiina markay salaadu soo gasho qofku wuxuu ku leexdaa masjidka ugu dhow si uu salaadda ugu oogo, masjidka maanta laqarxiyayna wuxuu ku yaalaa Centerka suuqa oo qofwalba u fudud inuu galo.

    Waxaan ognahay sidan oo kale in laqarxiyay Hotel Shamow oo lagu laayay arday iyo shacab aan waxba galabsan. Qaraxaas kan wuu ka qasaara yaraa marka lafiiriyo waxaa ku dhintay 20 tameeyo qof kanna dhimashadu waxay mareysaa 45 qof dhaawacuna wuxuu maryaaa 75 qof.

    Qarixii Shamow waxaa si saa’id ah loo muuhiyay dareenka ah in laga xumaa waxaana si wayn uga hadlay idaacadaha gudaha iyo dibadda. Waxaan xasuusannaa TV ga Universal inuu doodo badan ka qabtay oo kusaabsan fanaaniin galbeedka daganna ay heeso u sameeyeen maalmo gudohood waxaana ka hadlay hey’ado badan oo gaalo ah.

    Waxaanan is waydiinayaan 120 qof uu masaajid ku jiray dadka Europ kunool ee Somalida ah siday uga jawaabi doonan dhibkii hore ee nagu dhacay waxbadan ayay ka hadleene.

    Sikastaba ha ahaatee waxaan leeyahay Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun, Allaahna haka aqbalo dadkii ku geeriyooday camalkooda shahaadana haku manaysto.

  4. ali says:

    inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajucuun ilaahay dhamaan ha unaxariisto ehala doodana samir iyo iimaan hakasiiyo aaamiin tani waa dhacdo naxdin iyo urugale waa taxanayaal taariikh madow ah oo soomali gashay waa mid hore udhacday dibna u dhici doonta waxaanna odhan karaa anoo rayigayga muujinaya kuwa loo adeegsanayo falalka noocaasa ee sirdoono kala gedisani ka fulinayaan dhulkeena bal somalay sidee looga gudbi mar hadii aynu isu haysano qabiil bah reer iyo qoys qoys waa nataa ij lafilayey lana filayo in kuwa lamid ah ama ka xumi kadhacaan dhulkeena markasta oo taasoo kale dhacdana waa shaki la in lasii kala fogaanayo lakala bur burayo colaad horlehna laysu qaadayo somalay halaga toobad keeno jahliga indha la.aanta ah ilaahayna halaga cabsado halaysu soonoqdo

  5. ilaah ha u naxariisto masaakiintii lagu xasuuqay masjidka la qarxiyay ilaahoow ha u dambi dhaafin kuwii dhibaatadaas ka ma uulka ahaa aamiin

  6. ahmed says:

    innaa lilahi wa ina ilehi raajicun ….. aad ayan ugu xumahay kana naxay marki aan maqlay in beytu laah muslimin ku cibaadeysaneyso la waxyeeleeyay lakin naf waliba malinteda iyo meesha looogu tala galay ma dhaafeyso geeridana waa xaq qadar walibana waa iimaan qeyb ka mid ah balse qarax walbo waxaa dusha laga saari jiray dhalinyarada ee kani ma isla dhalinyaradaa ?? illahey quluubteena hagu dhameystiro jaceylka islaamka iyo musliminta Ascwrwb

  7. wadani says:

    Inaali laaah wa inaaa illaahi raajicuun,

    wallaahi waa wax laga naxo , laakiin waa wax lasugaayay !!!… hadii loo fiiriyo xaalada hada mareyso soomaaliya, ilaan maba jirto meel kale oo hartay

    hadii aad u fiirsato , sida aay somalia wax uga socdaan , waxaad is leedahay , danbiga aay galeen xoog badanaa dadkaan
    soomaaliya waxaa joogaa maanta tiro aan lasoo kaabi karan oo cadow …( sirdoonka itoobiya, sirdoonka mareeykan, sirdoonka reer yurub oo dhan, sirdoonka kenya, sirdonka …sirdoonka…. magacyada dinkaan idiin dhaafa)
    makra

    al-shabaab iyo doowlad isku sheegaa beentaaa iyo al-suufiya..xibulislaam.. oo kaliya, mahan in laga fisho waxii dhaco oo dhan,marka somaaliyey, maanta waxaan u maleeynaa in aan dabo laqabto leeynahay,

  8. Asc wr wb. inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun, dadkaa ku dhintay masaajidka eebe waxaan ilaahay ooga baryayaa in uu janadiisa ka waraabiyo ehelkii ay ka tageena samir iyo iimaan ilaahay ka siiyo badiil khayr badana ugu badalo intaa dabadeed. Arinkan iyo kuwo kaloo farabadan oo soomaaliya iyo caalamul islaam ka socdaba waa arimo aad looga naxo laga damqado xadgudubka intaa gaarsiisan ee lagu hayo dadka muslimiinta ah, su aasho marka waxaa weeye xagee loo socdaa arinkanse sidee looga hortagi karaa wa bilaahi towfiiq Sc wr wb.

  9. Nadifa says:

    Innaa lillaaahi wa inaa ilayhi raajicuun, Allaaahuma’jurnaa fii musiibatinaaa, wakhlufnaa kheyran min-haa.

    Subxaanallaaah, heerkanba haday somaliya maanta marayso waa afkaaga qabsoo oo ha hadlin, ma waxaan noqonay sidii Shiicada iyo Sunniyiinta oo masaajidda isulatagtay gacanta oo aan meelna u aabbo-yeelayn.

    Laa xawla walaa quwata illaa billlaah, waa la filayay inay rtani dhacdo maxaayeelay dhacdooyin sidan oo kale u xanuun badan ama kasii xanuun badan baa dhacay oo qaraxyo dad lala eegtay ah, waa yaabe hadiidad khaas ah la doonayo maa gooni loo raadsado marka shacab lagu dhexlaynayo.

    Qasaman Bi-Rabbil Akbar, Fikirka ah in hal qof ama koox si gooni ah loo beegsanayo lagu dhexdilo dad shacab ah oo aan waxba galabsan waa fikir shisheeye oo la rabo in lagu tirtiro jiritaanka sinjiga iyo qariidada soomaaliyeed.

    Iyadoo awalba fikirka isqarxintu ay ahayd wax nagu cusub ayaa hadana in masjid la isku dilo ama goob xurmaysan ama goob waxbarasho ay noqotay wax dadka ka sii yaabiyay balse awal waxay ahayd qof gooni loo toogtay ama qof gaadmo lagu dilay ama gurigiisa lagu dhexdilay.

    DILKU NOOCUU DOONO HA AHAADEE AMAAN MALEH QIILNA LOO WAA.

    Soomaaliyeey toosoo kaca amase hurada iska sii wata illaa wadanku gacanta u galo duul kale kadibna aad gumaysi gashaan.

    Nadifa