Home » Warar »

CABDIWELI….TIIR ADAG OO DACWAD MINNEAPOLISA KA TEGEY! | w/q. Muxammad Idris Axmed

 Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.

Wuxuu Qaatay Ilaahay Isagaa leh. Wuxuu bixiyana Isagaa Leh, Wax walbaana Qadar ayey leeyihiin. Ilaahay Walaalkeen Cabdiweli Maxamed Yusuf Ha u Naxariisto, Janaatul Firdoos haka waraabiyo, eheladiisiina samir allaha ka siiyo.

Warka Naxdinta lihi wuxuu igu soo duulay anigoo safara oo Nairobi Maraya, Kelmadanna waxaan qorayaa Markaan hadda soo gaarey Copenhagen, anoo hadda la ii sheegay in si wanaagsan loo aasay, Khalqi Ilaahayna isugu yimi, waana sidii Ahlu Sunnaha Janaazadooda lagu yiqiin, heer uu yiraahdo nin meesha joogey: Waxaa mar igu soo dhacday inaan jeclaysto inaan ahaado ninka Janaazadan lagu wado.

Cabdiweli Maxamed Yusuf wuxuu ahaa intaan ka aqaaney nin aad u qiima badan, dacwadana ilaa yaraantiisi kusoo jirey, ama ku ababay, markii lasoo qaxay ee Maraykan la yimina Cabdiweli Minneapolis ayuu usha dhigay, wuxuuna ka mid ahaa dadkii dacwada gobolkaas dhidibada u aasay. Maalintii iigu horreysey ee Minneapolis aan dacwa u imi, 1997, iyadoon Soomaalidu weli markas lahayn aan ka ahayn, Daarul Faaruuq, oo la wadaagey, Cabdi weli gurigiisa ayaan ku soo degey. Kadibna Cabdiweli wuxuu kaalin weyn ka qaatay sidii Maraakis dacwadu leedahay looga heli lahaa magaalooyinka mataanaha Minn/St.Paul. Wuuxuna qayb weyn ka ahaa muddo dheer maamulka Markaz Abubaker, iyo halgankii loo soo galay, iyo Masjid Shaafici. Wuxuu ahaa nin dacwada har iyo habeen u diyaar ah.

Sifooyinka ugu weyn Cabdiweli Allaha u Naxariistee waxaa ka mid ahayd tawaaduc aanu cidna iska weynayn, iyo dacwada oo naf iyo maal iyo waqtiba loo huro. Cabdiweli wuxuu ahaa nin lagu hagaagi karo maalinta ay ciirsi beelka tahay, nin hawlkarnimo meel dhigtay oo shaqada aad u dhiibto aad uga seexan karto, wuxuu ahaa Allaha u naxariistee, nin ku fiican dulqaad badan oo culays kasta oo lasoo gudboonaada aan u debcin, ama kala badan.

Hawlaha Xajka iyo hoggaaminta dadku waa hawl weyn oo qof walbaa aanu ka bixi karin. Diyaarinta guryaha, diyaaradaha, xujeyda hagidooda, safaradooda Makka iyo Madiina, la dhaqanka xafiisyada xajka sucuudiga oo aad u hawl badan, dulqaad badanna u baahan, waxaan 10kii sano ee u dambeeyey arkayey Cabdiweli inuu si hawl karnima leh hawshaas uga soo baxayey, waxaan ogaa soo jeedka iyo maalmaha xiriirsan ee cabdiweli usoo jeedi jirey sidii xujeydu xajkooda u gudan lahaayeen. Waxaan xusuustaa inuu cabdi weli fadhin jirey mararka qaarkood xafiisyada wasaaradda iyo mudawifiinta in ka badan 8 saacadood oo xiriir ah, si uu u fuliyo hawla xujeydu leeyihiin, ama uu soo jeedo 24 saacadood oo xiriir ah. Wuxuu ahaa ninka lagu aadiyo hawsha ugu adag. Wuxuuna u gudan jirey si deggan oo aad mooddo in ilaahay birta u jilciyey.

Sifooyinka Cabdiweli lahaa ee aan la heli karin in yar mooyee, waxaa ka mid ahayd qalbi xaadhnaan, aanu qof muslima wax u qaadin. Nebigeenna calayhi salaatu wasalaam waxaa ka sugan in la weydiiyey dadka yaa ugu fiican? Wuxuu ku jawaabay: (Qofka Qalbiga Makhmuumka ah leh, Carabkiisuna runta sheego. Waxaa lagu yiri, garanay midka carabkiisu runta sheego, ee makhmuumu qalbi waa maxay? Wuxuu yiri: Waa Midka aanu ku jirin: Xadgudub, Necayb, uurkuqaad, iyo Xasad).

Cabdiweli waxaad arki jirtey in xaaji cadhaysani u yimaado oo af labadii caayo ama maago ama ku qayliyo, lama arki jirin cabdiweli oo hadalkiisu kor u dhaafayo inta qofku u baahanyahay. Si fudud oo deggan ayuu hadalkiisa u gudan jirey, xad gudubkana ma jeclayn. Wuxuu Cabdiweli dacwada u huri jirey waqtigiisa, gurigiisana waa u furi jirey. Waxaan xusuustaa inaan bishii Nov. 1999, aniga ducaad ilaa 10 ah oo ila socotey aanu nimi magaalada Minneapolis, anagoo u soconna ururinta lacagtii Masjid Assunnah and Dawa Center ee magaalada Atlanta. Cabdiweli – Allaha u naxariistee – xaaskiisi iyo caruurtiisi oo dhan gurigii wuu ka bixiyey, wuxuuna gurigiisa oo dhan u gogley oo u furay kor iyo hoos martidii ducaadda ahayd, halkaas ayaanuna deganayn saddexdii cisho ee aanu joogney magaalada. Cabdi weli wuxuu dacwada u ahaa sida awrka hayinka ah ee reerku ku guuro oo ku hinjiyo wax kasta oo culus.

Waxaa Cabdi weli iigu dambaysey Xajkii hadda lasoo dhaafay oo aanu wada xajiney, carafa iyo Muszdalifana isla soo marnay, sidii caadada ahayd sanadihii u dambeeyey, habeenkii uu makka kasoo baxayey isagoo xujeyda hoggaaminaya ayaana iigu dambaysey, inaan taleefan kuwada hadalno maahine. Cabdiweli Allaha u naxariistee wuxuu ahaa nin uurka iyo afkaba nadiif ka ah, sidaas ayaanu u haysaney Ilaahay ayaana xisaabinaya.

Waxaan filayaa Dacwada Islaamka ee Maraykan guud ahaan, gaar ahaanna Dacwada Minneapolis, tiir adag ayaa maanta ka jabay, geerida Cabdiweli, Ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu isagana u naxariisto, ubadkiisi iyo reerkiisiina ajar iyo abaal fiican u dhaafiyo, Annagana wax ka khayr badan noogu bedelo, Ilaahayna waxaan ka baryeynaa inaanu ajarkiisana naga qadin, gadaashiisna na fitnayn.

w/q. Muxammad Idris Axmed
hayaan@gmail.com

—————-

Sh. Cabdiwali Maxamed Yuusuf oo Lagu Aasay Minnesota

Galabnimadii Khamiista (April 29, 2010) ayaa Marxuum Sh. Cabdiwali Maxamed Yuusuf waxaa lagu aasay Qubuuraha  Garden of Eden Islamic Cemetery ee ku yaal Burnsville, Minnesota. Allah ha u naxariisto.

Sh. Abdiwali M. Yuusuf oo Minnesota ku geeriyooday

Inaalilaahi wa inaa ilayhi Raajicuun, Sh. Abdiwali Maxamed Yuusuf oo kamid ah ducaada gobolka Minnesota ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Minneaplosi, kadib markuu seexday isagoo caafimaadqaba. Maamulka Somalitalk waxay Abdiwali ugu ducaynayaan danbi dhaaf iyo Jano eebe, ehelkii iyo qaraabadii ka tagayna waxay ilaahay uga baryayaan samir iyo badal khayr qaba inuu ilaahay siiyo.

Maamulka masaajidka Abuubakar oo cabdiwali kamid ahaan jiray ayaa Somalitalk soo gaarsiiyey qoraalkan hoose.

إن لله ما أخذ وله ما أعطي، وكل شيء عنده بأجل مسمي

Allah baa ina leh, xagiisa kaliya ayaana u laabanaynaa. Ilaahay Ayaa iska leh waxa uu qaato iyo waxa uu bixiyo labadaba wax kastana wuxuu ku socdaa qadarkiisa. Nafteenu waa amaano ilaahay inoo dhiibtay marka uu doonana waa qaataa.

Waxaan guud ahaan Muslimiinta uga tacsiyeynaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid walaalkeen Sheekh Abdiweli Mohamed Yusuf oo ka mid ahaa ducaada iyo mas’uuliinta u khidmaysa Masjidka Abuubakar As-Saddique Islamic Center. Sheekh Abdiweli xalay cishaha masaajidka ayuu ku tukaday isagoo wax dhib ah ka muuqanin,xalay saqdii dhexena isagoo hurda ayay geeridii xaqqa ahayd haleeshay, siduu ilaahayba yiri:

اللَّهُ يَتَوَفَّى ٱلْأَنفُسَ حِينَ مَوْتِهَا وَٱلَّتِى لَمْ تَمُتْ فِى مَنَامِهَا ۖ فَيُمْسِكُ ٱلَّتِى قَضَىٰ عَلَيْهَا ٱلْمَوْتَ وَيُرْسِلُ ٱلْأُخْرَىٰٓ إِلَىٰٓ أَجَلٍۢ مُّسَمًّى ۚ إِنَّ فِى ذَ‌ٰلِكَ لَءَايَـٰتٍۢ لِّقَوْمٍۢ يَتَفَكَّرُونَ ﴿42﴾

Sheekh Abdiweli oon ku naqaanay ikhlaas, waracnimo, iyo u khidmaynta diinta ilaahay iyo u istaagida danaha umada muslimka ah. Naxariistii Janno Alle ha ka waraabiyo.

Qalbigu waa murugoonayaa, ishanu waa ilmaynaysaa, mana ku hadlayno wax ilaahay raaligelinaya mooyaane.

Janaazada waxaa lagu tukaday khamiis April 28, 2010 Salaada duhur kadib. Waxaana lagu aasay xabaalaha Garden of Eden Islamic Cemetery ee ku yaala Burnsville, Minnesota. (http://www.burnsvillemosque.org/funeral.htm )

Wixii faah faahin ah, la soo xiriir masjidka

Abubakar As-Saddique Islamic Center

2824 13th Ave South Minneapolis, MN 55407

Tel: 612-871-8600,

…………

GOLLAHA ISUTAGA MASAAJIDA IYO MARAAKIISTA EE WAQOOYIGA MARAYKANKA.(NORTH AMERICA COUNCIL OF SOMALI IMAM .

TACSI TIIRAANYO LEH……

((INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.)))))))))))))))))))))))))))))))

Dhamaan culimada,masajida,maraakista. ku midaysan golaha isutaga iimaamada ee waqooyiga maraykanka waxay tacsi u dirayaan,umada soomaaliyeed ee ku dhaqan gobalka minneapolis,MN,gaar ahaan qaraabadii iyo ehelkii uu katagay walaalkeen sh/abdiwali yuusuf.(A/wali dheere) oo kamid ahaa ducaada sida wayn looga yaqaanay wadankan maraykanka,gaar ahaan caan ku dhex ahaa saxwada,ama maraakista dhexdeeda,xubina ka ahaa majliska golaha maraakista isagoo u matalayay majliska, masajidka abubakar a-sadiq ee magaalada minneapolis MN.in illaahay samar iyo iimaan naga siiyo,illaahayna waxaan u waydiinaynaa inuu walaalkeen a/wali naxariistiisa jano galiyo,su,aashana u fududiiyo,qabrigana u waa siciyo.AAMIIN.

1-Gudomiyaha golaha.Sh/abdirahman sh omar
2-Madaxa fulinta golaha imamyada. Sheikh C/llaahi Abul-fadli.
3-sh maxamed khadar imamka sandiego
4-Sh Axmed nuur imamka seattle
5-Sh c/risaq haashi imamka m/abubakar.
6-Sh musdhafa imaamka masaajidka kansas.
7-Sh aadan sh abdile imaamka columbus.oh
8-Sh bare iyo sh maxamud garyare Main.
9-Sh saalax imaamka masajidka lewoston.
10-Sh maxamed cismaan masajidka owatana.
11-Sh c/raxman imaamka masajidka nasvile
12-Sh c/raxman yusuf masaajidka omaha.
13-Sh axmed dhayib imamka masajidka utah
14-Sh nuux,naasir,macalin a/nuur atlanta
15-sh yusuf imamka masajidka boston.
16-Sh xuseen badal xooghaynta majliska.
17-Sh Maxamed Mursal Imamka masjidka il-ixzAN MN.
dhamaan culimadan waxay illaahay uga baryaan walaalkood c/wali danbi dhaaf iyo maqfiro.aaaaaaaaammiin.

Maxada fulinta ee golaha
Sh/abdullahi abulfadli.

—————

Mu’assasada Al-minhaj oo tacsi u dirtay eheledii iyo asxaabtii Sh. C/weli M. Yusuf oo ku geeriyooday Minneapolis.  

Taci 

إنا لله وإنا إليه راجعون 

إن لله ما أخذ وله ما أعطى وكل شيء عنده بأجل مسمى 

       Golaha maamulka, Guddiga fulinta iyo hawlwadeenada Minhaj Media Production waxay iyagoo ka tiiraanyaysan geeridii ku timid walaalkeen Sheekh C/weli tacsi u dirayaan eheladiisii oo ay ugu horrayso hooyadiis oo uu gurigeeda ku geeriyooday isagoo baxnaaninaya iyadoo dhaawac ah. Waxay kaloo si gaara ugu tacsiyaynayaan Golaha Imaamyada Woqooyiga America iyo Salama Travel Agency oo uu labadaba xubin firfircoon ka ahaa. Waxay kaloo si gaara ugu tacsiyeynayaan Markazka Abuu bakar Alsaddiiq iyo jamaacadiisa, iyo guud ahaah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka. 

      Al-minhaj waxay Ilaahay uga baryaysaa Sheekh C/weli inuu dambigiisa dhaafo, qabrigana u waasiciyo, jannadiisana ka waraabiyo, uuna ka raalli noqdo. Intii uu ka geeriyoodayna uu sabar iyo xasanaat ka siiyo, kaalimaha uu ina ku banneeyayna uu badal wanagsan inoo ku buuxiyo. 
 

Guddoomiyaha Alminhaj Axmed C/samad

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.