Home » Warar »

Dowlada Sheikh Shariif oo Lacag Cusub kusoo daabacanaysa $17 million oo dollar…

iyadoo Malaysia Lagaga Xanibay $14 million oo doolar oo aan la aqoon meesha ay ka timid … iyo Heshiis ay bilkasta ku bexeyso $50,000 doolar oo DFKMG la gashay shirkad si loogu soo daayo lacagahii  Soomaaliya laga xanibay… iyo ayadoo DFKMG ay sheegtay lacag la’aan darteed u xireyso qaar kamid ah safaaradaha Soomaalida

Qoraalka oo Dhamaystiran oo ka kooban 21 bog, ka akhri Linkigan GUJI…. Halkan RIIX… https://somalitalk.com/lacag/

Hordhac:

Dukumiinti iyo xog sir ah oo Jariidadda Sharq al-Awsat ka heshay xafiiska Madaxweynaha Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah (DFKMG) ayaa muujinaya isku dayga xukuumadda Sheikh Shariif Sheikh Axmed in ay hesho lacagtii iyo hantidii Soomaaliya ee ilaa markii ay burburtay xukuumaddii Siyaad Barre 1991 ku xannibnayd dalka dibaddiisa, sida bangiga Swiss Bank. Waxana Sheikh Shariif arrintaas u xilsaaray Cali Cabdi Camalow oo ay qarammada Midoobey hore ugu eedaysay in burburkii dawladdii hore kaddib uu bangiga Switzerland ka bixiyey lacag dhan $10 million oo uu lahaa Qarranka Soomaaliyeed isagoo garab siinayey Cali Mahdi Maxamed, markii dambeyna daabacaadda lacag cusub ka caawiyey Caydiid. Heshiiskan cusub oo DFKMG ay bilkasta ku bixineyso $50,000 iyo gunno, ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Dawladda Malaysiya ay DFKMG ka xannibantahay lacag gaareysa $14 million oo doolar, lacagtaas oo ay akoon ku shubeen saraakiil katirsan xukuumadda Sheikh Shariif. Arrintaas oo uu garab socdo heshiis kale oo Shariif Xasan uu la galay Suudaan si DFKMG loogu soo daabaco lacag Shillin Soomaali ah oo ay ku baxayso $17 million oo doolar. Arrimahaas waxay kaabiga ku hayaan xilli la sheegay in lacag la’aan awgeed loo xirayo Safaarado Soomaaliya leedahay, lanaga yaabo in lagu waayo ama lalunsado dhismayaasha Safaaradahaas oo ah dhul uu leeyahay Qaranka Soomaaliyeed. Intaasi waa Hordhaca ee Qoraalka oo dhamaystiran oo ka kooban 21 Bog, ka akhri HALKAN.. GUJI….

Waa Linkigan: https://somalitalk.com/lacag/ 

Qoraalku waa socdaa ee HALKAN KA AKHRI… GUJI….

Warbixinta oo dhamaystiran ka akhri halkan….

Qoraalku Waa socdaa ee SII AKHRI…  Linkigan GUJI…. Halkan RIIX…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

13 Jawaabood " Dowlada Sheikh Shariif oo Lacag Cusub kusoo daabacanaysa $17 million oo dollar… "

  1. ali daacad says:

    asc dhamaan walaalada soomaliyaad qoraa iyo aqristeba
    waxaa waxa aad looga murugooda ah inaga oo umad taariikh leh ah oosoojireena maanta in hadba sharaf midaan lahayn oo xil umadi leedahay qasbaday difaacno oo aynu u aragno hadii lasheego dhaliisha qofka in qabiil ahaan loo diidan yahay[ shariifyo iyo kuwa farabadan oo lamida xaga damiirka waa joogaan waxaana soo dhaqday rag si ay danahooda ugu fushadaan marka waxaan qabaa 27000.000 m waa haniti yar marka loo eego dhaawaca iyo dhibaatada ay umada ku hayaan waxaana aduunka u liita quf demi gelaya markasa hadan aan moodayn inuu wax geystey eeeee sidan haylsu dhaamo qofka xun ilaahay hortii iyo dadka dhexdiisa midna karaamo umataalee www ali

  2. Cajuus says:

    ASC hor waxaa mahad leh dhamaan qoraayaasha iyo maamulka somalitalk. sida xushmada iyo ethical ay u soo gudbiyaan qoraalada iyo dabagalka ay arin walbo oo somalia dan u ah u dabagalaan, waxaan cridet ku siinayaa arinkii BADA EE LA RABEYN IN SI INDHO LA AAN LOO DHEX ORDO; DHUL UMADA SOOMALIYEED LEEDAHAYNA AY QABIIL IYO NACAYB KU JIRA DARTOOD AY U SIXIIXEEN XERTA HADA JOOGTA XAMAR !!!!

    Aniga waxaan ka mid ahaa muwaadiniintii somaliyeed oo dalkooda wax u qabto inkastoo ay waqti kooban ahayd. Hadana qoloda hada joogta madaxtooyada kuwa ka liita somali ma soo marin XITAA XILIGII MUUSE SUUDI IYO QABQABLAYASHII AY JOOGEEN:

    Kuwa jhada jooga waxay magaca somalinimada iyo shaarka ay wataan ku baabi iyeen wax waxwalbo oo somaliya dan teeda ahayd. Aqoon dari aa iftiin la aan. waagii aan ku cusbaa shaqada aan qarankii somaliya u haaye ayaan waxaa baaritaan la iigu direy mid hada ka mid ah wasiirada ahna ra iisal wasaare oo ku kacay IN AY FOOJIRIYAAN SIXIIX WASIIR IYO WARAAQO DOWLI. hada waa midka ugu cad cad wasiirada hada wadaadka subaglaha ag jooga.

    Aqoon la aan waa iftiin la aan. fiiri waxay suubinayaa, in ilmo soomaliyeed ay u dhintaan daryeel iyo caafimaad daro lacagana la dhigto wadamo daris ah KENYA LAGU GATO QADSRIYO !! AMA MALEESIYO:

    Wadfaniya waa shey qaali ah. Maanta TIKREe iyo tuugo ayaa somaliya gacanta u gashay. waa ayaan daro, ninkii wax garanayo qof qabiil yaa lagu xiray.

    Ilaahay yaa u maqan somalia.
    c
    A.cajuus

  3. Yusuf says:

    Somalidu waxay beri hore ku maah-maahday qofna Caadadii ma daayo bahalna Ceeriin ma daayo, waa kuwaas labadii Shariif Sakiin iyo Shariif la soo gamey durba laba cad oo waaweyn ka goostey hashii Mandeeq ahayd ee caatada ahayd rag horaa yiri maxay ku nuugtaa ama ka nuugtaa oo haddana eeg eegaya meeshii ay ku cuni lahaayeen, ma mallaysia, ma bariga dhexe, ma Afrika, tolow waagii baa caddaaday, laakiin kolba wax badan kama calfan doonaan waxaa u wanaagsanayd in ay ka shaqeeyaan wax aakhiradooda u dhoweynaya haddii ay aaminsan yihiin.
    Waxaan ka codsanaynaa ciddii damiir waddaniyad lihi in ay hantidaas qaran oo kii dhicin lahaa dhacayo sidii walaalkood Geedi kal hore yeelay shacabkii xeryaha ku jirey, oo weli dadkii bdhibaateysnaa ay deggan yihiin Ceelasha biyaha Xamar looga soo dhiciyo af iyo addin ciddii kari karaysaa, Maxaase laga rabaa burcad baddeedaa ka hortaagan burcadda caalamiga ah baddeenna oo iyaguna bililiqada raba, maa kuwaan horta wax laga qabto inoo muuqda, ama beesha caalamka lala hadlo waayo tani tuuganimo waa ka weyn tahay.

  4. ALA AAMIN says:

    waxaan dhamaan u han balyanayaa dhalita xilka iska saartay soo bandhigida kuwa xalaashaday hantida umada, kolay maalin ayaa alaah kala xisaab tamidoonaa . bahda somalitalk waxaan leeyahay ma waayeysaan soomli qabiil ka buuxo oo caytamaya iyo midaanba faham sanayn waxa laga hadlayo udulqaata idinkaa isdiraye waayo waxaa lakulmi doontaan (A.Abanur) ookale oo aan fahmin ujeedad kadan baysa qoraalda

  5. Ali says:

    Web kan aad ayaan ugu mahad celinayaa sida dadnimadu ku jirto ee marwalba ay u kashifaan fadeexdaha ay ku kacaan madax so ku sheegta soomaalidu maadaama aanay dalka ka jirin warbaahin tayo leh oo madax banaan oo soo bandhigi karta fadeexadahan oo kale. waa nasiib darro in dal baaba’ay oo dadkiisii u qaybsameen qaar hilbahooda uu ku noolyahay kalluunka iyo libaax badeeka badaha Meditaranian ka iyo badda cas, lafahooduna ay daadsan yihiin saxaaraha u dhexeeya Suudaan iyo Liibiyam, iyo kuwo ku dhintay Madaafiicda aan loo meel deyin ee ciidamadii Itoobiya iyadoo hambadii ka soo haryana ay PM iyo madaafiicda goobta ku dhamaystireen ciidamada AMISOM oo shacabka ka aarsada marka kuwa ka soo horjeedaa ay xanuujiyaanba, iyo kuwo ku dayacan dalka gudihiisa iyo kumanaan kale oo ku dhiban dalka dibaddiisa iyadoo kii noolna diintiisii halis ku jito ayaa kuwii sheeganayay diinu oo madaxda u ahaa ay ku dhqamayaan falakan ay soo bandhigtay somalitalk, aaway diintii ay sheeganayeen iyo shareecaddii ay yiraahdeen waan ku dhaqmaynaa. intay diintii meel isk dhigeen ayay u tartamaan sidii ay ugu kala dhowaan lahaayeen (adiis ababa) Meles sinaawi, innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun ilaahaw kuwaan ummadda ka soo gaar……….

    Ali Amed

  6. cabdi shekh says:

    marka hore anigu waxaan qabaa in shekh sharif ay ethiopia kensatay ooy u ololaysay madaxda somalia so martay oo dhan danaha iyo aayaha shacabkooda ka ma taliyaan , ee jeebabkood ayey buuxsadaan hadhowna way iskaga tagaan carruurtoodana dabadahay u dirsadaan. runtii waxa loo baahan yahay wacyi gelin iyo in nimankaas layska qabto
    salaama

  7. warsame says:

    a/salama alaykum Wr wb

    waan ka xumahay xasan dhooyo iyo eng maxamed cali in wax aan RUNTOODA la hubin ay soo qoraan, waxaan aad ugga xumahey waliba aan la AMA-KAAGSANAHEY waxa ka soo galaya in war aan xaqiiq loo hayn la faafiyo!.
    * sharif -yadda si kasta oo aan u neceb nahay ,, in ALLE looga fogaado waxay illa tahay waa arin u baahan, in qof walba dib isugu labto. “waxaan is leeyahey qof kii waagacusub.com ka qaatey macluumaad oo BULSHADDA u soo qoray in uu gafay ” lacagta sharif xasan looga xayiray Malaysia waxaa soo qoray waagacusub, khaalid iyo ali baaburka -sharq awsadna halkaas ayey ka soo qaatee, dib u aqriya qoraalka carabiga ah.
    tan ku saab-san amalow waa arin wali u bahan KARIN oo markii wax ka duwan in la magaacabay soo baxaan ayay sheekadu macaanan lahayd in la SAAFO.
    mida kale oo is waydiinta leh ,, lacagaha BANK-YADDA yurub ku xayiran in soomaalidu la soo baxdo miyaa ka khayr badan in GAALADU isticmaasho oo aan marti ka ahaano.

    walaalayaal ,, oo hadana walaalayaal waxaan idin leeyahey RAG naggu waawaayn baad tihiin ,, ee armay fiican tahey in aadnan sim biriiraxn, oo cadaawadda (garabkii asmara ee RS-ta) aad u haysaan sharifka aadnaan ku AAKHIRA SEEGIN. waad mahadsantihin

  8. waad mahadsantihiin sidaa aad u ilaalissaan danaha qaranka Soomaaliyeed waxaan idiin soo jeedin lahaa in aad ku tarjumtaan afka ingriiska una gudbissaan dhammaan dowladaha iyo ururrada daneeya siyaasadda Soomaaliyeed sida USA, EU, AU, A. League Igad etc.si ay u ogaadaan xaqiiqada dowladda ay garabka siinayaan mahadsanidin mar labaad.

  9. Ali yare says:

    Somalitalk waa websitka kaliya ee danaha shacabka soomaaliyeed ilaalisa. Madaxda dalka waxaa laga soo doortaa etoobiya, kenya iyo jabuuti qof u daneynay somali ma ka filisaa in ay keenaan. nin walba marka uu madax noqdo wuxuu isku dayaa in uu u saxeexo kheyraadka soomaaliyeed umado kale
    guryana ka dhisti kenya. lacagtiisa hadii uu ku aamini waayay wadanka hooyo ma moodisaa in uu mustaqbalka somaliya u shaqeynayo qofkaasi.

  10. Abdiweli says:

    Somalitalk , Waad ku mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad ula socodsiisan somalida si ay ugu baraarugaan madaxdooda sida ay ugu tagrifalaan dhaqaalaha loogu soo dhiibo , dhulkeena oo lagu duugo haraadiga kimikada iyo dhowaan oo qayb ka mid ah badda somaliya loo saxiixay kenya .
    “Eebe ha idin dhowro” , sii wada shaqada aad u haysaan shacabka .

  11. Labada Shariif iyo ninka isku timaama Professor Ibbi waa MAFIA.
    Labada Shariif si fiican ayaad uga sheekaysay. Laa’kin Ibbi oo ka damayey saxeexii badda: ma waydiiseen meesha u geeyey laba ila sadex markab oo dowladu lahayd oo ninn la yiraahdo Minyow u ku hayeey badaha Yemen iyo Somalia. Bilo horaanteed ayu Yemen la saxeeday heshees ay Yemani ka kaloosan karayso baddhheena. In exchange waxa gacanta laga saaray 3 markab. Xaguu geeyey? U la xisaabtamayaa. Shendad ayu aduunka la wareegayaa. FADLAN ARINTAANA Somalitalk hadaba gasho. Iibkii badda ayey la xidhiidhaa. MaHADSANIDIIN.

  12. abdelkarim fararah says:

    marka hore waxan salamaya maulka wbkan hadan kadhiibto fikirkayga layaabi mayo dawlaada shafiif ninkasta oo loo dorto xilka somaliya waxa ugu horaysa ee uu ku fakaro waa in uu ka helo jagada uu qabtay lacag haku soo gasho qaabkasta midkale daw lada sharif oo ka talisa madaxtooyada muqdishoo oo qura ayaa so dabacaysa lacag mana garanayo mesha lacagtaas laga isticmali doono
    ok waxa ana qoray waa rayigayga ii gaarka ah waadna mahadsantihin

  13. A.Abanur says:

    Maamulka Boggan, waxaan weydiin lahaa Boggan ma bog Warfaafineed baa mise waa Bog keliya ka shaqeeya Dabagalka Dowladda Soomaaliyeed?
    Waxaan filayaa arrinta ku saabsan Boggan in dib loo eeggo cidda ay u shaqeeyaan?

    A.Abanur