Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif SHeekh Axmed ma ka badbaadi doontaa dhaqanka wax dumineed ee Shariif Xasan Sheekh Aadan Wasiirka Maaliyadda ee TFGda Xilligan ?? iyo Asxaabtiisa !!
Shariif Xasan waxaa markii ugu horeeysay lagu dhex arkay masraxa siyaasada qasan ee Soomaaliya geba gabadii shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay dalka Kenya kadib markuu xubin ka noqday Baarlamaanka loo dhisay Soomaalida asagoo isla markiiba isu soo sharaxay afhayeenka Baarlamaanka.
Waxay xusuustaan intii joogtey madashii lagu dooranaayay afhayeenka in olilihiisi doorashada afhayeennimo ay dhanka kharashka ka taageerayeen ganacsatoay dano gaar ahaaneed kala dhexeeyeen, kuwaasoo aan marna gacmaha kala bixin qalaamarogadka syaasadeed ee Shariif Xasan, dhanka Baarlamaanka dhexdiisa ahaa waxaa si mintidnimo ahayd ugu ololeeyay aqlabiyadii qabqablayaalka dagaalka sokeeye ee dooeka weyn ku lahaa xubnaha Baarlamaanka, laf ahaantooda xubno ka noqdey Baarlamaanka Soomaaliyeed, si kastaba haku yimadee waxaa loo doortay Shariif Xasan afhayeenka Baarlamaamnka bishii September 2004tii.
Waxaa hoos ku faahfaahsan dhibaatooyinka, dibindaabyada iyo jalaaffooyinka inta badan loo aaneeyo in uu si toosa ama dadban igu dambeeyay Shariif Xasan, kuwaas oo sababay in shantii sano la soo dhaafay (August 2004- August 2009 ) ay TFG markay tallaab horey u qaado labo tallaab dib u qaadeysay ilaa ay ku soo ururtay waqtigan la joogo wadada isku xirta Hotel Global iyo Gegida caalamiga diyaaradaha Aadan Cade:
1. Shariif Xasan Shiikh Aadan waa ninkii bilaabay in si been abuur cad ah loogu dhawaaqo go’aan aan Baarlamaanku u codeyn, taasna waxaa tusaale u ah in mudadii uu Baarlamaanka joogay Kenya in iyadoo la is dilaayo uu ku dhawaaqay waa la codeeyay iyadoo weliba ay fadeexadaas goob joog ka ahaayeen warbaahinta caalamka.
2. Isla markii loo doortay afhayeenka wuxuu la xulufoobay qabqablayaalkii dagaalada sokeeye, waxayna isku baheeysteen kala jebinti Baarlamaanka uu afhayeenka u ahaa, wuxuuna qayb ka mid ah xubnihii Baarlamaanka u soo kaxeeystay Muqdisho aqlabyaddiina uga soo guuray Nairobi.
3. Wuxuu kala qeybgalay qabqablayaalkii uu Muqdisho u soo raacay aasaaskii isbaheysiga argagaxiso la dirirka la magac baxay; kadib markii laga itaal roodaanay isbaheysigi, wuxuu si deg deg aheyd heshiis ula galay Cabdulaahi Yuusuf, ogolaadayna in TFG gebi ahaanba la geeyo Magaalada Beydhabo ee gobolka Bay oo isagu ka biyo diiday markuu u soo baqoolaayay Xamar.
4. Wuxuu shir guddoomyay, isagoo ah Guddoomiyihii Baarlamaanka, shirkii uu Baarlamaanka TFG ku ogolaatay in ay Dalka soo galaan ciidamada Itoobiya si ay gacan u siiyaan TFG xilligeed hore. Hase yeeshee muddo yar ka dib wuxuu bilaabay cambaareeynta soo gelitaankii Ciidamada Itoobyaanka ahaa.
5. Kadib qaraxii magaalada Beydhabo lagula beegsaday madaxweynihii hore ee TFG Cabdulaahi Yuusuf, wuxuu Shariif Xasan si deg deg ahayd is agfarad hoose ula galay midowgii Maxaakiimta Islaamiga oo fadhigoodu ahaa Xamar, wuxuuna mar labaad soo dayacay xilkii uu u dhartay ee ahaa Afhaeennimada Baarlamaanka.
6. Asagoo ay wehliyaan Xildhibaano tiro yar oo ay sku aragti ahaayeen ayuu wax ka asaasay isbaheysgii la magac baxay ARS ( Isbaheysiga dib u xureynta Soomaaliya) oo saldhigga ka dhigtay dalka Eritrea Caasimadiisa Asmara, wuxuuna noqday Guddoomiyhii Golaha Dhexe ee ARS.
7. Asagoo huwan magaca ARS ayuu si hoose ula xulufoobay qaar ka mid ahaa Baarlamaanka iyo Xukuumaddi TFG, kuwaasoo ay isku afgarteen in ay u dhega nuglaadaan ogolaanshaha wada hadal la qorsheynaayay oo u dhexeeya TFG & ARS. Waxaa intaa u dheeraa in ay u suuro gashay in lacagihii deeqaha ahaa ee loogu tala galay in lagu dhiso Hay’adihii dowlada intoodii badneyd loo weeciyo mucaaradki TFG ee isku urursaday Asmara, asagoo gacan ka helaayay qaar ka mid ah kuwa isku sheega Beesha Caalamka ee fadhiya Nairobi.
8. Wada hadalo iyo heshiisyo hoose oo uu Shariif Xasan hoosta kala waday Xukuumaddii Nuur Cade ee lagu soo gebagabeeyay Djibouti, ayaa ugu dambeyntii waxaa ka dhashay arrimaha soo socda:
• Baarlamaan 550 xubnood ah
• Kala jab ku yimid Isbaheysigii ARS oo uu maleegay Shariif Xasan
9. Heshiiskii Jabuuti waxaa kaloo ka soo baxay, ka sokow Baarlamaanka la
laba laabay (275 X 2 = 550 ), Dowlada saldhigeedu yahay Xukuumad ay
si aad ah ugu muuqato gacanta weyn ee uu Shariif Xasan ku lahaa
shismaheeda, asagoo laf ahaantiisuna ka xushay Wasaarada Maaliyadda
iyo Raisul Wasaare ku xigeen.
10. Markii bishii Feb. 2009 kii Xamar loo soo wada laabtay (Madaxeynaha,
Xukuumadda iyo Baarlamaanka) waxaa ka soo if baxay awoodda aan
caadiga ahayn ee uu Shariif Xasan ku leeyahay Dowladda, waxaana ka
mid ah ficillada tooska ah iyo kuwa aan tooska ahayn ee la
rumeeysanyahay in uu mas’uul ka yahay ama ka dambeeyay fulintooda:
a) Maadaama uu yahay Wasiirka Maaliyadda wuxuu siduu doono u isticmaalaa dakhliga yare e ka yimaada Dekedda Muqdisho, iyo deeqaha yar yar oo ay caddaan ahaan (Cash) u soo dhiibaan Dalalka Carbeed, kuwa dariska ah iyo saaxiibada Soomaaliya wuxuu
Shariif Xasan ku war la’yahay ama iska indha tiara in uu jiro sharci iyo
nidaam lagu maamulo Hantida Qaranka wuxuuna lacagaha soo gala
Dowladda ku shubaa Shirkaddo gaar ahaaneed ee Xawaaladda
Dahab-shiil, ayadoo uu hawaanayo Bangiga Dhexe oo si aad ah loo
diyaariyey, ma jiraan wax raad ah oo lagu reebo lacagaha uu
Shariif Xasan ku takri falo.
b) Wuxuu ihaaneeyey Baarlamaanka ka dib markuu iska indho tirey shuruudihii lagu xiray bixinta qoondihii 3 bilood ahaa
( March, April, May 2009), shuruudahaas oo ahaa in aysan Wasaaradda
Maaliyaddu fasixin lacag aan sababaha lagu bixinayo oo faah-faahsan la
soo hormarin oo aan Baarlamaanka la hor keenin.
c) Waxaa laga quustay in ay wasaaradda Maaliyaddu sameyso oo Baarlamaanka u soo gudbiso wax lagu tilmaami karo Miisaaniyadda si loo ogaado in uu dakhliga yari ka dabooli karo baahida weyn ee Dalka ka jirta oo aan kala mudnaan yareyn, waxaana uu cadeeystay
Shariif Xasan Sh. Aadan in uu mugdi dhexdiisa dakhliga iyo
kharashaadkaba ku maamulo (non transparent finance management).
d) Wuxuu Dalka Sudan ka wadaa qorshe lagu sameynayo lacag shilin Soomaali ah oo aysan jirin meel lagu oggolaadey soo saaris lacageed, taas oo wiiqi doonta dhaqaalaha Dalka ee haatanba aad u liita, maciishadda danyarta Soomaaliyeedna meel ba’an geyn doonta.
e) Waxaa jira heshiis lala galay Dalka Kenya oo ku saabsan in wixii Dalka Kenya loogu soo dhoofinayo koofurta Soomaaliya canshuurta looga qaado Dalka Kenya dhexdiisa arrinkaas oo fulintiisa aan la marsiin nidaamka canshuur uruurinta ee u degsan Soomaaliya, wuxuu ku shaqaaleeyey Kenya dhexdeeda in ay lacagtaas u guraan dad uu ku xushey qaraabanimo iyo kuwa uu ku qabo kalsooni gaar ahaaneed.
f) Waxaa jagadooda waaya Wasiir iyo shaqsi kasta oo khilaaf dhex maro ama ku tallaabsada wax aan raali gelineyn Shariif Xasan, waxaana la xusi karaa Maxamed Cabdullaahi Oomaar, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Prof. Gaandi, Wasiirka Gaashaandhigga oo labaduba waayey Wasaaradahoodi ka dib Markey ka horyimaadeen arrimo uu Shariif Xasan si gaar ahaaneed u daneynayey.
g) Wuxuu sabab u noqdey in bixinta Baasaboorka cusub carqalad ka bixi weysay kadib markuu Shariif Xasan si mugdi ku jira uga bixiyey lacagtii ku jirtey xisaab lagu shubi jrey dakhliga ka yimaada bixinta Baasaboorada, sidaas darteedna, istaagto bixinta Baasaboorka Soomaaliya dad badanna u dhibaatooto Baasaboor la’aan.
h) Wuxuu hadda maleegayaa oo uu faraha kula jiraa barnaamij uu iskaga hor keenayo TFG iyo maamul goboleedka Puntland, sababtoo ah Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa heshiis ku saabsan halka saldhig looga dhigayo tababaradda ciidamada la dagaalanka Burcad Badeedda la galay Dowlad Goboleedka Puntland, hase yeeshee, Shariif Xasan asagoo daba jooga dano gaar ahaaneed, wuxuu go’aansaday in mashruucaas loo wereejiyo Dalka Djibouti wuxuuna fulinta qorshahaas u adeegsaday Wasiirka Kaluumeysiga oo haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn arrimahaas.
i) Si aan looga carqaldeyn qorshayaashiisa wejiyada badan oo uu ugu horreyo kan Djibouti loogu rarayo barnaamijka la dagaalanka Burcad Badeedda wuxuu Shariif Xasan ku howlanyahay in laga dhigo waxba kama jiraan heshiiska ay Xukuumaddu la gashay Puntland, taas oo horseedi karta bur bur ku yimaada Midnimada TFGda xilligan iyo kala fogaansho dhex mara TFG iyo Gobollo muhiim u ah Midnimada Qaranka waxayse su’aashu tahay dan iyo heelo ma ka leeyahay Shariif Xasan Midnimo Qaran iyo dano guud toona?
Arrimaha aan soo sheegnay oo dhami waxay tusaalo cad ka bixinayaan taariikhda wax dumineed iyo daneystannimo ee uu Shariif Xasan (Sakiin) ku caan baxay iyo sida uu u duminaayo siyaasad kastoo u ka dhex arki waayo danihiisa gaar ahaaneed iyo lacag uruursigiisa aan xuduudka lahayn.
Waxaan haddaba, ugu digeynaa Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed in uu ka feejignaado hagardaamada uu wado Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo haddii uusan Madaxweynuhu wax ka qaban u keeni doonta sharaf dhac shakhsiyaddisa ah iyo bur bur ku yimaada Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay oo ah tii ugu taageeradda weyneyd dhanka Beesha Caalamka laga soo bilaabo 1991.
Waxaan ka codsaneynaa Dalalka deeq bixiyeyaasha ah, Dalalka Carabta iyo guud ahaan adduunweynaha in aan wax deeq ah loogu dhiibin shacbiga Soomaaliyeed Xukuumad uu Wasiir Maaliyad u yahay Shaqsiga leh sifooyinka kor ku xusan.
Qoraalkaan waxaa la qoray oo arimahan laga digay taariikhdu markay ahayd bishii Juun 2009 kii.
Hadaba maxaa taagan Maanta ?
Shariif Xasan wuxuu sameeyay abaabul uu rabo in uu ku dumiyo Qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna abaabul ka dhex sameeyay Goalaha Wasiirada iyo Golaha Baarlamaanka, asagoo ka xulanay xubnihii horey ula soo shaqeyn jiray oo xirfadaasi ku can baxay, waxayna sameysteen 18,02,2010 xaruntii duminta qaranka oo ah Hotel Weheliye, waxayna bilaabeen olilihii duminta Qaranka, ayagoo iska indha tiraya xaalada murugsan ee ay Soomaaliya ku jirto, soo jeedinta caalmaka iyo tilmaamahii Axdi qarameedka ayuu ku xad gudbay qodobkii 32 aad farqadiida 1 aad oo cadeyneysa in la furay Baarlamaanka tiradiisa oo lagu daray 275 lagana dhigay 550, iyo shantii sano oo lagu daray 2 sano dhirirka cimriga jiritaanka Baarlamaankana oo uu noqday 7 sano.
Waxay si cadaan ah ugu tunteen sharaftii iyo karaamadii Baarlamaanka waxayna ka dhigeen Baarlamaanka goob fadhi ku dirir, oo mediaha la isaga gudbiyo.
Hadaba Xubnaha Golaha Wasiirada iyo Baarlmaanka waa hay’ado u taagan in ay soo nooleeyaan sharaftii iyo karaamadii umadda Soomaaliyeed oo aan gelin wax gorgortan ah, waxaan ka codsaneynaa shaqadii loo idmaday iyo waajibaadka hor yaala in ay si geesinimo leh oo ay wadaninimo ku jirto ay ugutaan xilka ay u hayaan umadda Soomaaliyeed, waana in ay adeecaan madaxda qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Guddoonka Baarlamaanka kana joojiyaan hanjabaada iyo aflagaadada loo soo marinayo Mediyaha, waxaana ugu baaqeenaa in ay si geesinmo leh waajibaadkooda u gutaan badbaadiyaana qaranka Soomaaliyeed.
Wabilaahi Towfiiq.
Yaasiin Maxamed Xaaji
Email: myaasaa@yahoo.com
Mr. YASIN I HAVE TO CONGRATULATE YOU AMND THE SOMALI TALK FOR YOUR PATORITIC HARD WORKING EFFORTS.LET US CALL SOMALI PARLIAMENTARIES TO REJECT THE ELECTION OF SHARIF SAKIIN UNLESS OTHERWISE THE HISTORY WILL CURSE THEM. ONE MP I MET IN TORONTO TOLD ME THAT HE WILL RESIGN,IF SAKIIN IS ELECTED
asc koley ninkii wax dumiyey iyo ninkii wax dhisey waxaa latagi doonaa ilaah hortiisa dunya daarul quruur
somaliyee anigu waxaan aamin sanahay inuu sharif xasan yahay nin somaliyeed oo daacad ah somalina waxay doonaysaa tuug ay isku reeryihiin marka ninkan waa nin daacad ah maxaa idin daba dhigay anigu maqabo inuu jiro nin ka daacadsan ha daan lagu nacayn reerka yar ee uu ka dhsy
CIIL QABOOW CADAABTA GAL!!
SHARIIF XASAN haddii uu intaan oo cabaad ah idinka keenay alleylehe inaad daciif tahiin ayaa meeshaas ka cad.
Dadka Shariif Xasan yaqaano waxay ku sheegeeen in uu yahay nin maslaxeed oo aan runta jecel wax is dabamariskana neceb. Sababahaas awgood ayaa dad badan waxay u aaneynayaa in uu ku kasbaday cadow badan, ileen Soomalidu ma jecla qof runta u sheega oo xumaantoodana bari ka noqda…
anıgoo ah cabdi wxa aan soo jeedın lahaa ın sharııf xasan uu yahay nın wax dumıs jecel marka nınka a oo kale dadka waa lag qabtaa dowlada ınta uu ku jıra hormar magaareesa. anıga waxa aan ka soo jeedaa beelaha uu ka soo jeeda shariif xasan. basle beesho wax taageero ah uma heeso waayo nın wax burın u soo jeestay waaye waxa ay leeyahay yaa lagu taageerın qabııl nınkaa. asharaaf na xaaraan ma cunta ee xalaashee cuntaa ee soomaaliyee nınkaa ıska qabta
As c,
Maahmaahdii aheyd ” waarimeyside war hakaa haro” miyaa loo beddelay “JOOGIMEYSIDE JEEBKA BUUXSO”…ma yara inta xog laga hayo xukuumadihii KMG ahaa raggii hor boodaayey waxay hanti isweydaaryeen iyo hadimooyin qaran ay hadoodileen..suaasho halakada waa maxay..xalkeeda ma heynaa..*\waxaa noo ballan ah xisaabtan dhab ah ifka, aahkiro Allaah ayeey u taallaa\ ,Inta ku raad joogtana abaalkooda weyn wey helayaan. wayna mahadsan yihiin.
scw waxaan u arkaa in ay haboonyahay inleysdhaliilo tuhuna waa jiraa
lakiin waxaan su,aal weydinayaa walaalka soo qoray maqaalka taas oo ah
shariif xasan makaligiibaa mise waa la weheliyaa tan labaad miyeysan hadaladaadu u muuqan mid aargudasho ah taas oon kusaleenkarno mid qabiil. iga raali ahow walaal haddii aan qalad wax u fahmay igna jaahil bixi tuhunka iga galay hadalkaada ina cafi walaal qalad hadii uu iga dhacay
Walaal Zakad Abdi waad mahadsantahay, sida wacan oo aad u qortay qiyaanad uu damacsanyahay Shariif Sakiin, walaal waxaan u baahanhay macmuulaad dheeri oo ku saabsan Shariif Sakiin, emeilkaagana ma ka muuqda qormadaada dhexdeeda ee fadlan ii soo sheeg emailka aan kaala soo xiriiraayo si aan u ogaado macluumaad dheeri ah oo ku saabsan Shariif Sakiin,
F.G Emailkaaga hadii aad awoodo noogu soo qor Commentiska dhexdiida.
Mahadsanid.
Waxaan ugu hambalyeynayaa Yasiin Max’ed Xaaji iyo Somalitalk-ba sida waddinyad sare ah ee qormadaan u soo bandhigteen iyo warbixinno kale oo muhiim ah sida: isku daygii xaraashka badda soomaaliya & hantida qaran ee maalin walba la boobayo.
Reer uu hor galay ma liibaano shariif xasan oo ku magac dhee “Shariif Sakii”. waa ninkii Baydhabo ku ansixiyey in xabashidu dalka qabsato, haddana asmara ka jeestay si uu oohin yaxaas u ilmeeyo.
waxna ma qoro waxana ma akhriyo. xataa dugsi quraan ma gelin. laakiin wxuu shahaado sare oo PhD la mid ah ku haysta soomaalida sida khayaano, loo dhaco, oo dhibaateeyo. hamigiisu waa inuu madaxweyne dalka ka noqdo.
anigu waxaan ahay nin xog-ogaal u ah sira badanna ka haya. cidii danynaysa inay waxa badan ka ogaato shariiif sakiin iyo kooxda calooshooda u shaqaystayaasha ah ee kor ku masawiran haygala soo xiriirto emailka kor ku xusan.
wabillahi towfiiq
Shariif Sakiin iyo asaxabtiisa shacabka Soomaaliyeed dan uma hayaan, in ay wax duminyaan ma ahanee, lagama yaabo in ay danta shacabka ka shaqeeyaan.