Home » Warar »

Musharaxa Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Baarlamaanka

Xildhibaan Suleymaan Maxamed Ibraahim, ayaa isu sharaxay xilka Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Baarlamaanka Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah.

Xildhibaan kale oo aqoon u leh musharaxa, kana warbixinayey aqoonta uu u leeyahay Suleymaan Maxamed Ibraahim ayaa yiri:

“Xildhibaan Suleymaan waa siyaasi jecel in uu dadkiisa iyo dalkiisa wax u qabto, aqoon iyo waayo aragnimo durugsanna u leh xilka Guddoomiye ku xigeenka 2 aad,” Waxana uu intaas raaciyey “Waana musharaxa ugu da’da yar marka loo eego masuuliyiinta u sharaxan xilkaasi, sidoo kale waxaa muhiim ah in dhalin yarada ay ka dhex muuqdaan xilalka sar sare ee qaranka, iyadoo aan is leenahay wax weyn ayay ka bedeli karaan xaalada uu ku jiro dalka.”

Tartanka xilka guddoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka DFKMG ayaa yimid kaddib markii uu xilka iska casilay guddoomiye ku xigeenka labaad ee xilkaas hore u hayey.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.