Home » Warar »

Kalfadhigii Barlamanka DFKMG uga furmi lahaa guriga ummadda oo mar kale dib loo dhigay sababtu maxay tahay?

Shirkii Barlamaanka ugu danbeeyey waxa uu ahaa shirkii Agoosto 2009 ee ay ku diideen heshiiskii is afgarad ee dowladaha Kenya iyo Somaliya wixii intaa ka danbeysana golaha xildhibaanada barlamanku wuxuu galay xaalad koomo ah….

Kalfadhigaan oo la filayey in uu manta (April 22, 2010) ka furmo golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa mar kale dib u dhac ku yimid sida ay shegayaan wararka rasmiga ah ee laga helayo qaar ka mid ah xildhibaanda golaha barlamanka waxaana sidoo la shaciyey in uu u baaqday xaga qalabka isgaarsiinta iyo alaabo kale oo muhiin  ah oo goobta shirka laga waayey .

Guddoomiyaha baarlamaanka Sheikh Aadan Madoobe oo shalay (April 21) shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa shirkiisa jaraa’id ku muujiyey in kulanku u baaqan karo qaab farsamo (Halkan ka dhegeyso shirkii jaraa’id)

Shirka oo maanta lagu balansanaa in u u ka furmo xarunta cusub ee loo dayactiray in ay howlahoda ku qabsadaan golaha baarlamaanka dowlada fadaraalka KMG Somaliya ee magaalada Muqdisho kalfadhigii inta badan la sugayey ee barlaamnka uu goorsiihoreysay iclaamiyeen 22 ka bisha aprile ayaa waxaa dib u dhac ku yimid mar kale kafadhigaas.

Xildhibaan Ibraahin Buule oo ka mid ah xubnaha barlamanka ayaa saxaafada u sheegay in gabi ahaanba uu shirkaasi maanta u baaqday arimo farsamo wuxuuna intaa ku daray in baaqashada kalfadhiga ay u badan tahay iyada oo aysan oolin xarunta qalabkii loogu talagalay in ay isticmaalaan xubnaha barlamanka sida sameecadaha , microphonada iyo guud ahaa korontada oo dabdhaliyihii ayaa laga waayey goobta adeega .waxaana wararka qaar ay sheegayaan in maalinta sabdiga ah uu qabsoomo shirkaasi mana jiraan wax xaqiijin kara arintaa qabsoomid ah oo ay ay dhici kadhaa in dib u dhac ku yimaado mar kale .

Gudoonka sare ee muranku kataagan yahay in waqtigiisii dhacay ayaa marar badan isku dayey in uu furmo kalfadhiga barlamanka inu ka dhaco xarunta golaha shacabka oo ay dhistay dowlada maxamed Siyad barre barlamankuna u weysan yahay kuraastii lagu fahdiisan lahaa iyo shiidalkii iyo amnigii waxaana ilaa hada lagu guuldareystay in mar uun lagu wada hadlayo guri ka kooban dhisme shub ah oo qaarkii dhulka hoostiisa ku jiraan, iyada oo shirkii Barlamaanku ugu danbeeyey oo ahaa shirkii Agoosto 2009 oo ay ku diideen heshiiskii is afgarad ee dowladaha Kenya iyo Somaliya wixii intaa ka danbeysana golaha xildhibaanada barlamanku wuxuu galay xaalad koomo ah iyo in la waayo shir ay yeeshaan iyo goob ay ku shiraan.

Waxaana gudoonka sare ee golaha barlamanka lagu eedeeyey in uu isagu ka danbeeyo isla markaana u ka dhacay waqtigii uu haayey xilka shir gudoonka iyada oo dhawaana is casilay mid ka mid ah ku xigeenada (oo ah Boqorre) iyo ayadoo ay jireen warqad ka dhan ah guddoomiyaha oo ay Sheikh Shariif u wada direen guddoomiye xigeenka is casiley iyo prof maxamed Cumar .

Shalay (Arbaca Apri 21, 2010) ayaa 301 xildhibaan waxa ay Sheikh Shariif u gudbiyeen xasaanad ka dhan ah guddoonka sare ee baarlamaanka oo ay ku xuseen in waqtigii ka dhammaaday, warqaddaas waxaa ka hadlay Xildhibaan Cabdiqaadir Cali Cismaan “Shiddo” oo waraysi siiyey idaacadda British Broadcasting Corporation (Dhegeyso)

Qaar ka mid ah xildhibanda golaha barlamanka ayaa ku eedeyey baqashada shirka in uu ka danbeeyo gudoonka barlamaanka waxaana jirta uu kala qeybsan yahay golaha barlamanka iyada oo qolobo taageerto qeybaha kala duwan ee barlamanka sida madaxweynaha ,raiisal saaraha,iyo afhayeenka barlamanka oo isagu shalay cadeeyey hadii uu waqtigiisii dhacay ay dhacayso dowlada oo dhan sababta oo ah waxay wada saaran yihiin hal doon, wuxuuna sheegay inta baarlamaku uu jiro in uu isagu yahay afhayeenka sharciga ah ee uu leeyahay barklamanka dowlada fadaraalka KMG somaliya…

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.