Home » Warar »

Xildhibaanoo ka tirsan DKMG Soomaaliya oo nabad ku baaqay

Ayadoo dhawaan uu cirka isku sii shareeray khilaafka ba’an ee u dhaxeeya guud ahaan masuuliyiinta DKMG Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaanada DKMG Somaaliya ayaa waxaa misna jira qaar ka tirsan xildhibaanada soomaaliya in ay quud dareynayaan sidii ay ku mideyn lahaayeen guud ahaan afkaarta Xildhibaanada Soomaalia oo baryihii ugu danbeeyay laga dheehan karay in uu ahaa mid aad daran.

war saxaafadeed ay soo saareen xildhibaanno waxa ay ku sheegeen in ay aad uga xunyihiin qilaafka ba’an ee u dhaxeeyay xildhibaanad waxa ay na sheegeen in xiligaan uu yahay mid keeni kara in burbur uu ku keeno hanaanka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Halkan ka dhegeyso Baaqa Xildhibaanadda

waxaana ka mid ahaa baaqa ay soo saareen Xildhibaanada maanta ku kulmay Muqdisho :-
1. In la xaliyo qilaafaadka ka dhax jira Baarlamaanka islamarkaana la furo Kalfadhiyada Baarlamaanka xiliga la cayimay

2. In la abuuro Jawi uu ku shaqeyn karo Baarlamaanka dibna loo dhigo Mowshinada ku wajahan gudoonka Baarlamaanka iyo Xukuumada iyadoo la fiirinayo Marxalada xasaasiga ah ee uu ku jiro Baarlamaanka iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Xildhibaan C/raxmaan Kulmiye oo ah ka mid ah Guddiga mideynta iyo badbaadinta ee Baarlamaanka KMG ayaa isna qilaafka Baarlamaanka uu ahaa baryihii ugu danbeeyay mid laga dheehan karan saaxada siyaada soomaaliya.

Baaqaan maanta ay soo saaareen Xildhibaanda ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili maalinta Axada ah ee nagu soo fooda leh ay yeelan doonaan Xildhibaanda Soomaalia kalfadhiyadooda caadiga ahaa ayadoona loo dayactiray dhismihii hore ee Golaha Shacabka ama Gurii Ummada ee magaalada Muqdisho ayadoona xildhibaanda qaarkoodan ay codsadeen shalay in AMISOM iyo ciidamada dowlada ay sugaan guud ahaan amaanka goobta shirka uu ka dhacayo.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka KMG ah Oo Kulan Ku Yeelan Lahaa Muqdisho Oo Ay Hor Istaageen Ciidamada…

Ciidamada sirdoonka dowlada KMG ah ayaa Arbacadii hor istaagay kulan ay Magaalada Muqdisho ku yeelan lahaayeen qaar ka tirsan xildhibaanada KMG ah ee soomaaliya kuwaasoo saluugsan Xukuumada KMG ah wax qabadkeeda .   Labaatan iyo Shan xildhibaan (25) oo ka tirsan Mudanayaasha Barlamanka KMG ah ee Soomaaliya oo doonayay in ay kulan ku yeeshaan Hotel Ambasadoor ee Magaalada Muqdisho islamrkaana ay kaga…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.