Home » Warar »

Maamulka dakada Muqdisho oo sheegay in ay wadaan qorshe lagu hormarinaayo howlaha dakada, Xilwareejintii kaddib…

Sida uu saxaafada u sheegay maareeye ku xigeenka dakada caalamig ah ee Magaalada Muqdisho Yaasiin Cusman Maxamuud waxaana ka mid ah taawer dheer oo heer caalami ah kaas oo suurta galin doono in lagala socdo maraakiibta isaga gooshto biyaha caalamiga ah

Maareeye ku xigeenka ayaa hadalkiisa ku darey in ay haatan ku tala jiraan sidii loo hormarin lahaa loona casriyeyn laha holwlaha ay haatan qabato dakada caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho .

maareeye ku xigeenka dakada Magaalada Muqdisho Yaasiin Cusman Maxamuud ayaa dhinaca kale wuxuu shaca ka qaaday in ay howlahaasi ku bixi doonaan aduun lacageed oo fara badan taasi oo ay u qorsheysay xukuumada KMG Somalia .

Xilwareejintii dekedda

maareeye ku xigeenka dakada Yaasiin ayaa sidoo kale soo hadal qaaday in dakada Muqdisho dhismaheedu yahay mid aad u weyn isla markaana buuxin karta heerka dakadaha ugu caansan aduunka wuxuuse farta ku fiiqay in ay waxyaabo yar yar ka dhiman yihiin isla markaana ay ka doonayaan in ay buuxiyaan kaalinta kaga aadan howlaha ka dhiman horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee dakada caalmiga ah ee Magaalada Muqdisho

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Munaasabad ay xilka ku kala wareegayaan Maamulkii hore ee dekada Magaalada Muqdisho iyo Maamulka Cusub ee dowlada KMG dhawaan ay u magacowday dekada Magaalada Muqdisho ayaa April 8, 2010 waxaa ay ka dhacdey gudaha dekada Magaalada Muqdisho.

Cod: Halkan ka dhegeyso xilwareejintii

Xaflada Xil wareejinta oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Dekedaha C/casiis Maxamed, Wasiirka Lacagta Eng. Yariisow, Taliyaha Booliska iyo Nabadsugida ayaa waxaa halkaas xilka ku kala wareegay Maareeyaha cusub iyo Maareeyihii hore.

Maareeyahay cusb ee dekada magaalada Muqdisho Xasan Macalin Cali iyo mareeyihiihore C/Jinoow Calasoow ayaa xaflada waxa ay isku dhaafsadeen dukuments ay kala saxiixdeen.

Cabdi Jiinow Calasow oo ka hadlay Munaasabada xil wareejinta ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo xilka ka qaadista lagu sameeyay, waxaan uu tilmaamay inuu la shaqeyn doono Maareeyaha cusub.
Shaqaal laha ee Dekada Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ayaa kor u qaatay maareeyihii hore ee dekada magaalada Muqdisho C/jiinoow ka dib marii uu ku dhwaaqay in uu xilka wareejiyey

Xili C/jinoo Waxa uuna qaar ka mid ah shaqaladah degakad ee uu gacan qaday u sheegay in uu la shqeeyndoona

Xasan Macalin Cali oo ah maareeyaha cusub Dekada magaalada Muqdisho ayaa hadal uu ka jeediyay munaasabadda ayaa wuxuu sheegay in uu si daacad ah u gudan doono waajibkiisa shaqo,

Maalin ka hor ayay aheyd markii wareegto ka soo baxday Xafiiska R/wasaaraha xilka looga qaaday Cabdi Jiinow Calasow, oo tan iyo sanadkii 2007-dii xilkaas haayay, kadib markii ay magacowday Xukuumadii Cali Maxamed Geeddi uu madaxda ka ahaa

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.