Home » Warar »

Somali channel waa TV cusub oo Af-soomali ku bixi doona

Waxaa shalay 04-01-10 hawada soo galay Tv cusub oo la yiraahdo Somalichanneltv, Tv-gaas oo kubixi doona luuqada Soomaaliga, hadawana ku jiri doona 24-saacood oo dhan. Somalichanneltv waa tv soo kordhindoona barnaamijyo cusub oo tayo leh, sidaa waxaa yiri Maxamud Siciid oo kamid ah masuuliyiinta Tv-ga. Sidoo kale Maxamud wuxuu intaa kuday inay xooga saari doonaan Barbaarinta dhalinta iyo barnaamijyada kobcinaya bulshada garaadkeeda iyo horumarkeeda. Tv-ga ayaa hadawa hada ugu jira tijaabo ahaan, wuxuuse si rasmi ah u bilaaban doonaa bisha April 15, 10  ayuu kudaray.

Tv-ga ayaa ka howl gali doona meela farabadan oo dunida kamid ah, saldhigiisa ugu wayn ayaase ah Magaalada London.

Summada Somalichanneltv, waxaa kaloo ka booqan kartaa bartooda internet-ka. http://www.somalichannel.tv/


Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Somali channel waa TV cusub oo Af-soomali ku bixi doona "

  1. binti axmed says:

    haah waxaan leeyahay halbalyo waana ku faxasanahay tvgaan lkin su aal shu waxay tahay xagee kasoo galaaa hadaan joogo london

  2. fadumo says:

    walaal tv waan maqalaa laakin marko ee xaguubuu ka soo galaa hadii ayaan joogo sweden

  3. Farayare says:

    Hanbalyo walalaha somaliyed . Tv ga cusub. Ee afsomaliga ah tan waxay cadeynesa hormarka ay gareen somalida wa arin lagu farxo in ay Telefoshinada af somaliga bataan hambalyo somaliyey

  4. mahad says:

    soo dhawoow tvga cusubow mida kale dee hadaad doonaysaan inaad laba meelood un ka soo warantaan sida kan kale waad garanaysaan baan u malayn iska jooga hadaad somali meel walbooy joogto si cadaalad ah aad u dhaxaynaysaan dadkana soo dhawaada wabilaahi towfiiq

  5. Marka hore waan soo dhawaynayaa tv-ga cusub ee la magacbaxay somalichaneltv. Marka xigta waxaan rabaa inaan fekrad ka dhiibto magaca tv-ga oo aan jeclahay hadii keli ah lagu daayo somalitv lagana reebo channel ka. Sidaas darteed magaca tv-gu noqdo somalitv. waxaan in badan aragnaa in hadii meherad aan furnaba aan ugu magac-darno magacaanta reer Yurub, sidii iyagoo magacaantaasi ilbaxnimo inoo sidaan, Balse dhinaca kale afkeena hooyo uu yahay mid hodan ah oo laga heli karo tarjumaada iyo quruxda hawl kasta oo aan qabanayno, Waad Mahadsantihiin,,,,,,,,,,,

  6. Abdiweli says:

    Waxaan ku faraxsanahay inuu saaxada soo galo tv cusub. tani waxay wax wayn ka taraysaa:

    1. tayada wararbaahineed. 2. waxaa meesha ka baxaya monopoligii universal ku haystay Soomalida iyo abuse-kiisiiba. 3. waxaa fursad helaya fikirradii la cabburiyay.

    Hase yeeshee, waxaa nasiib daroo ah haddii ay dhacaan laba arrimood midkood;
    a) haddii sabab dhaqaale ama mid maamul darteed aad wadi waydaan tv-gaaan. b) haddii universal ay noqoto hooyada aad ku dayataan

  7. A.Abanur says:

    ASCWW,

    Salaan ka dib, waa arrin wanaagsan in ay soo bataan Warbaahinta ku hadla Afka Soomaaliga, sidaa darteed, waxaan leeyahay Hambalyo Channalkan cusub ee nagu soo kordhay.

    TALLO SOO JEEDIN:

    Waxaan u soo jeedin lahaa maamulka Channalkan Cubu in ay dadweynaha u soo gudbiyaa Farikuwansiga la ga helo, si aau qofka ugu dhibtoon Raadinta Channalkan Cusub, waxaan filayaa in aad sidaasi iila garan doontaan.

    Wabillaahi Towfiiq

  8. Ridwan Arush says:

    Waxaan mahad ballaara u jeedinayaa masuuliyiinta isku hawshey in ay hawada caalamka ku soo kordhiyaan Telafishin ku baxaya afkeena hooyo lana jaanqaada Telefishinada kala duwan ee Caalamka.

    Soo saarista Telifishan, waxay kor u qaadaysaa hamiga bahwaynta Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka, waxaana leehay ku soo dhawoow hawada, qeerkaa la jaanqaad, aad ayaan u soo dhaweenayaa.

    Mahasanidiin.

    RIDWAN ARUSH
    OLDEBOAK, NETHERLANDS.

  9. yusuf says:

    salaan kadib walaalayee waxaad sameeyseen arin fiican ee waxaan doonayaa inaan daawado tvga waxaana joogaa wadamada carabta ee halkeen ka daawan karaa ma Arabsatbaa mise Nilesat iisoo sheega iyo frequencega waad mahadsantihiin by