Home » Warar »

Minneapolis: Telefishanka Somali Media oo Qabtay Dood ku Saabsan Qubuuraha

Doodan oo Jimcadii April 2, 2010 uu soo daayey Telefishanka Somali Midea ee magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa dhex martay Sheikh Ahmed Fanax iyo Cabdiwali Dalboon. Doodaas oo ku saabsan burburinta qubuuraha HALKAN KA DAAWO

HALKAN KA DAAWO

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

23 Jawaabood " Minneapolis: Telefishanka Somali Media oo Qabtay Dood ku Saabsan Qubuuraha "

  1. waa wax aad loola yaabo dadka qabuura fagta yaasha taageeraya iney ku doodayaan sheikh fanax ma keenin wax daliil cadeynaya in qabuuraha aan lafagan karin. qabuuraha oo lafagto diinta islamka sal iyo raad kumalahee waxaan diinta ku jirin see cadeyn loogu keena? Hadii qof walaalkaa dilo oo aad weydiiso sababtuu u diley, oo uu ku yiraahdo dad qal buu ahaa oo inuu icunuu doonayayee cadeyn keen inuusan dad qal aheyn maxaad ugu jawaabi kartaa? jawaabtu waa adaa walaalkey cunee cadeyn keen inuu dad qal ahaa. Haddaba sidoo kale qabuuraha cabdiwali ragiisaa fagtayee cadeynta asagaa looga fadhiyey.

    waxaad ku doodeysaan in cabdiwali uu axaadiith iyo aayado sheeg sheegey. qof walba wuu iska soo tuuri karaa aayaddo ama axaadiith laakiin waxaa habboon nuska aad ku doodeysaa inuu yahay mid khuseeya mawduuca laga hadlayo.

    sheikh fanax wuxuu cadeeyay in ladhisi karo oo laga barakeysan karo ciida qabriga laakiin aan lacaabudi karin. ninkii taleephoneka soo wacay oo yiri qabri baan ku dawaafey wuxuu ugu jawaabey inuu jaahil ahaa diinta islamka aan aqoon u lahayn oo uu waliba u raaciyay ” qabriga waa la siyaartaa ee lama dawaafo”.

    Ama halagu digriyo ama halagu dhaanteeyo qabuuraha ee waa xaaraam qof muumin ah oo saalix ah in qabrigiisa la fagto. wiilkaan yar ee cabdiwali layiraahdo ilaa iyo intey dooda socotey hal xadiith ama aayad qur’aan ah oo baneyneysa in qof muumin ah oo dhimtey lafihiisa lasoo saaro wuu keeni waayey. wuxuu doodii u badalay oo uu ku cataabey suufiyaddaa qabri caabuda.

    sida cinwaanka videoga aad uuga jeedaan doodu waxey ku saabsan tahay burburinta qabuuraha ee maku saabsana in lacaabudo iyo inkale. sheikh ahmedna wuu ku dadaaley inuu u sheego dadka iimaanka leh ee allah ka cabsadda iney xaraam tahay fagashada qubuuraha dadkii diinta soo baray aabayaasheen iyo awoowayaasheen.

    hadey jiraan dad ku xad gudba qabuuraha, waa in dadkaas laga joojiyaa ee maaha in lagu xad gudbo qof dhimtey oo lasoo faagto lafihiisa. shareecada islaamku waxey qabtaa hadii qabri iyo masjid iska dhex dhisan yihiin in midkii dambeeyey laga wareejiyo kan kale. haduu qabrigu horeeyey qabrigaa la deynayaa haduu masjidku horeeyeyna qabrigaa laga saarayaa oo meelkale lagu aasayaa.

    kuwa soo faagtey qabuuraha muminiinta oo qashinka ku daray aakhiro waadi cadaabaa u diyaara, qofkii ku taageerana waa lamid. haddii ay banaysteen in lasoo faagto qabuuraha mashaaikhda suufiyadda miyaaney horseedeyn dagaal diineed oo dhibaato dheeraata dhex dhiga umadda somaliyeed;siiba hadey suufiyadda soo faagtaan qabuuraha culumadda wahaabiyadda sida boqol soon iyo kuwa lamida oo haddii lasoo saaro lafahooda ay dhici karto in sheikhna uu san nabad ku joogin qabrigiisa kuwa noolna dagaal ku kala baxaan. diintu waa hal, haddaadan wax daliila aadan hayn maaha inaad falsafaddaada aad diin kadhigato oo ra’yigaaga aad waxaad doonto ku xalaaleysato ama ku xaaraameysato.

  2. Nin yaban says:

    Suufidii waa soo walatey war horta arinta meesha yarka Dalboon ka doodayey waxaa weeye qabuuraha guryaha lagu kor dhisay, la dawaafo, dhiiga lagu kor cabo, la baryo , nalalka lagu kor xiray, alabta la yaab ka leh dhex taaley oo Universal TV live laga soo daayey ma banaan tahay inla dumiyo? yes waa banaan tahay waayo meeshaan shirki baa yaal sheikh kastana waaydiiyaa. Maxaa kale? Umadaan iyagaba umada dhirki la raba. War ilahay ka cabsada

  3. cabdulqaadir says:

    salamu caleykum.hortu diintu ma aha wax ku saleysan fikirka qof wlba qabo iyo in la dhaho waxay aniga ila tahay,waa sharci dagsan oo la raaco.aniga waxaan oghay in dad badan oo caaama ah ay ku xadgudbaan qabuuraha kama aha gaalnimo waxay ka tahaya alle ugu dhawaada kolkaasey shirki ku dhacaan.laakiin waxaa xaqiiqa ah in culumadeena ahlu suna dacaayadaha laga joojiyo qof qabiri caabudaa ma jiro dadku waa kala yaqaaniin ilaah iyo qof bini aadama.siyaaradu wax xun maaha waayo siyaaro wa afcarabi waana booqasho ama visiting.qofku haduu si toosa u yiraah sheekh hebeloow muradkeyga iisahal waa shirki ama qofku ha noolaado ama ha dhinto ama ha joogo ama ha maqnado toos uma oran kartid wax iisahaal laakiin qofku haduu yiraah sheekh hebaloow ilaah isoo bari macnaheedu waxay tahay adoon ilaheybaad tahaya waxna ima tari kartid waxna iima dhimi krtid balse rabi isoo bari adaan kheyr kugu tuhmayee taas waxaa meesha ka baxaysa in qofkaasi aad u qirtey adoonimo oo inuu kuu duceeyo kaliya aad warsatey.walaalayaal dacaayadaha ka daaya muslimka labadiina qoloba wahabi iyo suufiya.tan kale qof dhintey wax ma taro waa hadal jaahil tusale ahaan.nabi muuse calayhi salaam wuxuu dhintey boqolaaal sano ka hor intuusan nbi muxamed dhalan scw waa tuu samada kusoo arkay waa tuu nabiga ku yiri scw markii 50 salaad lagau soo faral yeelay umadaadu kama biixi kartee alle u noqo siduu nabigeenu scw hadba u noq noqonaye oo wax looga dhimayey waa tuu markii dambe yiri ilah waa ka xishoonayaa kuma noqon karo oo 5 saklaad ku ekaaday haduu qofkii dhintaa yahay wax ba yahay tusaale taas u qaado nabi muuse calayhi salaam awliyada nabiyadai mujaahidiintu waa nool yihiin laakiin uma baryi kartid sidii ilaah oo kale waase oran kartaa ilaah isoo baraya adoooma ilaahey baad tihiin oo saaliiinee.waqtigii islamka cumaar abaar xun baa dhacday cumar iyo bilaal allaha ka raali noqdee waxay tageen qabrigii nabaiga waxay dhaheeen yaarasuululaah scw umadaadii gaajo iyo haraad beey u hinten ee ilaah usooo bari riyaa nabigu scw ugu yimid bilaal oo yiri ilaaah roob buu idiin keeni doonaa cumarna salaan iga gaarsii.ma wada sheegi karo qisooyinkee waa inoo intaaa.e-mail kaygu waa liibaan99@hotmail.com

  4. Nasro Faarax says:

    Waan idin salaamay weriyaha iyo labada wadaadba,sheekadu wey caddahay qofna daliil buu la yimid qofna hadal buu la yimid waxaana u sheegi lahaa Atharkii Bilaal la soo qaatay in uu daciif yahay,waxaana ku boori lahaa Fanax in uu iska soo hubiyo xadiiska iyo athraka uu sheegayo, qabriga in la dumiyana waa sharci hadduu Fanax yiraahdana lama duminayo bal ha keeno hal xadiis ama hal athar oo saxiix ah wabillaahi towfiiq

  5. samatar says:

    suufi

    walaal waa jiraan soomaliya qabuuro masaajido laga dul dhisay waxaana ku arkay magaalada marko mar aan tagay meelo kalena waala heli karaa .

    qabriga marba hadii la dhiso ama dhagax halagu dhiso ama qoryo iyo jiingado hala is dul saaro waa dhismo waxba isma dhamaan hadii laga dul dhiso dhismo ka kooban shamiito iyo bulkeeti ama jiingadd iyo alwaaxyo waa uun dhismo kuligood

  6. yusra says:

    asc run ahaan doodaani waa dood aad u wanaagsan labada wiilna midba wuxuu yaqaano oo ayuu sheegayaa waloow uu midu iska mucaarad ahaa oo dhinac jiray markii aad kasugaysay iniuu su aasha meel saarana wuxuu oo jeedinayaa darsin aan meesha iyo doodadab qusayn marka xigta wariyuhuna waasida dad badani sheegeen waxaa wanaag sananaan lahayd inuu diinta cilmi u leeyahay si uu su aalihiisa ugu ekeeyo qabuuro faagista qufkuse hadii uu wariye yahay waa inuu xukumi karaa shaqsiga uu waraysanaayo oo uu go.aaan leeyahay ma.aha inuu midna kayeelo inuu siduu rabo u hadlo midna asagoo hadalkiisii sii wata uu caburiyo ama qash qashaado taas waa aqoon wariye la,aaneed laakiin waad mahadsantihiin bahada soo bandhigtay barnaamijkaan

  7. Cali dheere says:

    (Bashiir Cadaani) Muu waashay? Waxaan waa tacasub waana muuqataa in uusan qofkaan xaq raadis ahayn. Ilaahay ha ku hanuuniyo.

  8. xeydar says:

    doodaani aad bay u fiicanayd in laga hadlo waayo ninka la yiraahdo cabdi wali waa seef labood mar waliba waxa uu ka hadalaayey wax aanan dooda ku jirin waxaan leeyahay cilmiga lagama barto netka sheekha agtiisa ayaa wax laga bartaa oo uuna kuu duceeyo

  9. Xasan says:

    Salaan ka dib Dalboon soo wariye ma ahayn goorma ayuu sheekh noqday walaahi waan yaabanahay hana ii fahminina inaan xumaan kala jeedo mida kale sheekhnimadi soo tii mudooyinka la baran jiray ma ahan subxanalah

  10. Sufi9111 says:

    As/caleykum walaala yaal runti qofka waxaa haboon in uu yaqaan mise aqoon u leeyahay waxaa lagu dul aqrinaayo.

    Xadiska wuxuu leeyahay: Rasulka wuxuu yiir waxeyka dhigan jireen QABRIYADA NABIYADA MISE Awliyada kor giisa MASJID.

    Walaalka mar walba xadis yada uu soo dalishanaayay waxey ku salees neet in aan qabriyada laga dul dhisin MASJID.

    SUAAL 1AAD: Qabrikee laga dul dhisay MASJID

    SUAAL 2AAD: Qabriyada ey du duminayaan ma qabriyo dhisan baa misa hal taako ayuu dherar kiisa yahay ka bac-di na waxaa la kor saaray mise lagu dawoolay qoryo 4 geesood laga dhigay.

    please ii soo jawaaba

    JAZAKALLAH

  11. ali says:

    waxaan marka hore umahad celinyaa alaah tabaaraka watacaalaa manata nadsoo gaarsiiyaya in shirkiga iyo caabudida qubuuraha la caabudo cagta la marsiiyo dad ayaa wali isko dayayae inay inkiraan cibaadadaas anaga ayaa gali jirin gurguuran njiran cviid cabi jirnay xoolo ku qali jirnay maanta ilaahy ayaan ka cafis warsanaynaa umadana ilaahy xaqa ha fahamsiiyo waxaan rabaa inaan umahad celiyo al ustaad cabdi wali runtii xaqa ayuu cadeeyay shokran walaal arinta ma aha shabaab ee waa arin diin ah

  12. Nadiira says:

    Waa Masha Allah doodaan. Aad baan uga helay anigu dadka ka soo hor jeeda ayaan ahaa in qabuuraha la dunsho balse ka bacdi markaan sheeikhin badan waaydiiyey su,asha ku saabsan qabuuraha burburintooda, waxaa ii cadaatey in qabuuro badan shirki lagu kor sameeyo. Sidaa darteedna in la bur buriyo qabuuraha noocaas oo kale ah waa banaan tahay. Marka well done baan leenaya sheikh ustaad dalboon. Insha Allah dadka munkarka wada ha joojiyaan baan leenahay. Allahu aclam.

  13. Dr Abdinasir says:

    Masha allah Dalboon wuxuu ka mid ahaa ardaydii Jaamacadda Bariga Africa adilooyin badana waa keenay asaga oo nasuusta sheegay meesha ay ku yaalaan laakiin wadaad ka kale khayr allaha siiyo hal aayad iyo xadith keenay labaduna ilaahbaa na lehe daliil uma ahan in qabuuraha la dhiso ama shirki lagu sameeyo walaahu yaquulul xaq wayahdil sabiil
    Dr Abdinasir Guure
    Boosaaso

  14. suudi says:

    ASALAMU CALAYKUM.
    SALAAN KADIB, WAXAAN ODHAN LAHAA DOOD-DAN WAY FIICANTAHAY,LAAKIIN QOLADA SOMALI MEDIA WAXAAN KA CODSAN LAHAA IN AY DOODA U QABTAAN DAD ISKU FIL AH,WAXAAN UGA JEEDA ABDIWALI WAA DADAALAY,LAAKIIN CULUMADII ISIDA FIICAN WAX U DHIG DHIGI LAHAYD AYAA MEESHA KA MAQNAYD,EE TAQANAY MEESHA LA QABTO ASHCARIYA ,WAAYO DADKU HORTA WAA ISKA CAAMO OO WAXAY AAMIN SAN YIHIN IN QURAHAA LA FAQAAYO, AAN BANAANAYN.

  15. daacad says:

    dood wanaagsan ayay ahayd xaqana in la cadeeyo waa muhiim amxaarada iyo shariif tabcaan ayaa raba in sufahada ku gabadaan.
    suufiyo waa ciidanka caloosha diin kama ahee waa ganacsi waa hore laga baxay oo hada la soo cusbooneysiinayo (aboole iyo Wil )cidna hada xiran mayso ee waqti ha iska dhuminina
    mahadsanid

  16. ma fiicno
    in masaajidyada laga dhigo qabuuro ciddii taas difaacdo waa caamo ciddii caabuddo cid mootan shirki ayey ku dhacday ciddii masaajid qabuuro ku yaaliin ka soo saartay dadkii ku jiray weey saxsanyihiin

  17. geddi says:

    Waa bilow wanaagsan.

    waana arin loo baahnaa in dadka loo cadeeyo xaqqa si qof walbaa u ogaado.waxaa fiicnayd in xooga la saaro in wakhti la siiyo doodayaasha, si ay daliil cad ula yimaadaan,halka telefoonada waxay ila tahayda ahi eee macna darada ahi muhimadda la siinayey.
    tan labaad kutubtan badan ee fanax soo urursaday hal xadiis oo ahaa siyaarada ayaan idinka reebay ee siyaarta ayuu ku celcelinayey,mana keenin dalliil kale oo ah in aan la burburin karin,halka uu dalboon,keenay daliilo aad u badan oo kitaabka iyo sunada ah,oo mid walba meesha ay ku taal iyo cidda werisay caddahay ,qofkasta oo inaga mid ahina uu baadhan karo markii uu doono.waxaa cad in la burburin karo haddii lagu xadgubo oo la waydiisto,caruur,la waydiisto caafimaad,la waydiisto maal,lawaydiisto,barako,ciid laga gurto,la duldego oo lagu dawaafo,IWM.

  18. sundus says:

    Waa bilow fiican Laa kiinwaxaa fiicnaan lahaeyd intii uu daadaheynlahaa wariyihii soo saaray in uu daa daheeyo nin diinta si fiican u yaqaan oo wax kala dhihi karay labada shiikh.balse waan u Mahad celineynaa Soo saaraha waxana aan codsaneynaa in markaan qofkale uu barnaamijka daa deheeyo

  19. janagale says:

    Aad iyo Aad baan uga helay Doodaas inkastoo labada shiikh aysan is aqoon iyo aftahanimo la ekeyn waayo qof waxa uu u ekaa in layiri hadii aad taageer santahay fikradaan difaac Nina waxa uu dadka u soo bandhigay aqoon iyo Cilmi badan oo dadka AHLU SUNADA KA MAQNAA SH.AHMED FANAH ALLAHA KARAALIN QDEE .fadlan waa xaaraan in Qofka Muslinka ah sharafta laga qaado hadii uu nool yahay iyo hadii dhintaba.

  20. ASC!
    Runtii dooda waan daawaday waxay ahayd dood u dhaxayso qof diinta sifiican uyaqaan & nin ardaya. Aniga waxaan kuqancay qaabka aq SH FANAX uu hadlay & aqoonta durugsan oo degnanata ku dhehantahay uuu suaalaha uga jawaabay. Sida dadbadan ogyihiin SH FANAXNA ka dhawaajiayay qof qabuuro dad MUSLIMIIN ah ku aasan yihiin FAAGO waxaa ugu horeeyay M C WAHAAB kaasoo faagay 8 kamida 10-KII JANADA LOOGU BISHAREEYAY iyagooonoool (MICNIHIII AJILADIII SAXAABADA). Sabatan uu ku sheegay in LACAABUDAYO QABUURAHOOODA, waxaa kaliya kabad baaday QABRIGA NABIG SCW oo 2-DA SAXAABI OO DHINACYADA UGA AASAN. Laakiin waxaa jirto in hada ay WAHAABIYADA SH-yadoodu leeeyihiiin sida C BINBAAZ & CUTHAYMIIN waa xitaaa QABRIGA NABIGA CSW LABURBURIYAAA maxaa yeelay waaa LACAAABUDAAAA!!!! Somaliyey ogaada in ALSHABAAB=WAHAABIYADA/KHAWAARIJTA ay wax walbo uga deyanayaan M C WAHAAAB OOO SHIIIQ & NABIBA AY KA DHIGTEEEN INAY CAABUDAAAN WAA KASOO DHAWDAHAY!!!! WAHAABIYOY DIINTA BARTA!

  21. Hanad says:

    Anugu shaqsi ahaan doodda markaan daawaday C/Wali waa uu keeni waayey wax nusuus ah oo taageeraya. Waxuu mar waliba soo daliishanaayey axaadiis aan khusayn qubuuraha iyadoo dadweynuhu ey weydiinayeen inuu keeno axaadiis iyo aayado amrayo qubuuro in laburburiyo. Waxaa kaloo lacaddeeyey in xitaa quburihii Sayd Abuubakar iyo Sayd Cumar ladhisay hase ahaatee culimadii Islaamka iyo diinta midna aanay sheegin in laburburiyo. Waxaa kaloo lacaddeeyey in barakadu ey jirto oo nabiga qabrigiisa ciiddiisii labarakaystay. Nabigan NNK ha ahatee waxuu yidhi ‘Al-Culimaa’u warithatul ambiyaa’. Haddii nabiga labarakaystay culimada saalixiinta ahna waa labarakaysan karaa maxaa yeelay waxay dhaxleen nabiga. taasna caabudid maaha. waa tabaruk.

  22. Abdikariim says:

    Runahaantii doodaan waxay ahayd dood aan ubaahnayn in loo qabto uma ismlaamka amaba aan iraahdee somalida .maxaa yeelay mowduucan waa mowduuc aad iyo aaad laiskugu khilaafsanyahay .in umada jahliga laga saarana waaba mahiima ugu wayn .Aniga Abdikariim markii aan doodaan dhagaystay waxay iila muuqatay inay banaantahay khabuuraha in laburburiyo hadii ay dadku sidii ilahay kitaabkiis iyo rasuulkiisa csw xadiith tiisu sheegeen si aan ahayn loo isticmaalo in labur burinkaro ayna banaantahay in lareebo waxaan diitu sheegin … wayna mahad sanyihiin culumadii dooda qabatay iyo intii soo diyaarisay asalaamu claykum waraxmatulaahi

  23. samatar says:

    waa arin fiican in dadka losoo bandhigo arimaha ay isku heystaan culimada ayna arkaan iyagoo doodaya .

    waxaa fiican doodaha diinta inuu maamulo qof diinta wax ka yaqaan ama mowduuca laga doodaya si fiican ukala yaqaan si uu u xakameyo dooda aysana uga bixin mowduuceda marka doodan waxaa ka muuqata in mawduuci laga doodayay ay ka abxen e ahaa qabuuraha ma dhisan mala dumin karaa lakiin ay adeen dadka aasan mala soo sari karaa iyo mala siyaran karaa iyo mala barakeysan karaa iyadoo mid kasta u bahantahay dood goooni ah marka isku dhexyaac badna ba aka muuqday barnamjikan lakiin waa biloow wanagsan