Home » Warar »

Dagaal ay ku dhinteen 15 qof, iyo dhaawac 35 qof, oo ka dhacay Muqdisho

iyo Madfac habaw ah oo 5 qof ku diley guri ku yaal xaafadda Boondheere…

Faahfaahin dheeraad ah dagaaladii iyo duqeymihii is barbarsocday ee ka dhacay qeybo ka mid ah xaafdaha magaalada Muqdisho .

JIMCE, April 2, 2010: Dagaaladaan ayaa waxey xoogooda ka dhacayeen degaanada tarbunka,dugsigii sare ee banadir,KM4 agagaarka ispitalka digfeer xaafada taleex .

Dagaalka ayaa dhacay ka dib markii xoogaga xarakada Mujaahidiinta iyo ururka xisbul islaam oo is kaashanaya ay weerar xoogan ku qaadeen fadhisimo ay daganaayeen cidamada Midowga Africa ee AMISOM iyo kuwa dowlada Fadaralka KMG somaliya oo isbiirsaday .

Dagaalkaan ayaa dhaliyey khasaare baaxad leh oo soo garey dadka rayidka ah ee dagaaladu ka dhaceen goobihii ay joogeen waxana taa sii dheere khasaare soo kala garay dhinacyadii dagalamayey, dad goobjoogayaal ah ayaa saxaafada u sheegay in ay arkayeen dhaawacyada askarta DFKMG oo lagu daaweynayey goob fadhiisin u ah ciidamada AMISOM .

Intii uu dagaalku socday ayaa waxaa jirtay tiro madaafiic ah oo ku dhacday gudaha iyo hareeraha suuqa bakaraha waxaana agaarka hotel bariyo mid ka mid ah 3 madfac oo ku dhacaday ayaa dilay hal qof oo rayid ah isla markaana dhawac geystay 3 kale oo rayid ah oo ahaa shaqaale ka shaqeynayey gaadiidka gobolada dhexe u baxo .

Goobihii ay galabta madaafiicdu ku habsatay ayaa waxaa ka mid ahaa xaafada carwo idko ee deegaanka xamar jadiid waxaana tiro kale oo madafic ah ay dhaawacyo kala duwan u geysteen shan qof iyada oo laguqaaday gawaarida aambalaasta oo ay maalgaliso shirkada isgaarsiinta ee nationlink oo ay saaran yihiin shaqaale caafimaad kuwaas oo u sameeyey gurmad caafimaad oo deg deg ah in ka badan 20 qof waxaana jiray in gaadiid halkaa yiilay uu garay bur bur muraayaduhuna qaarkood ka daateen .

Dagaalkii maanta ayaa inta la ogyahay waxaa ku geriyooday ilaa 15 qof halka dhaawacuna uu kor u dhafay 35 qof oo intoodan yihiin dad rayid ah

Mafcad habow ah oo ku dhacay xaafada boondheere oo aan wax dagaal ah ka socnin ayaa geystay qasaare 5 qof oo guri ku jira ka dib markii uu ku habsaday gurigii ay ku jireen oo jiingad ka sameysnaa, waxaa jira goobo kale oo aan weli la ogaan oo ay gaareen madaafiicda iyo risasta xoogan oo la isku lishaamayey

Gobihii ay dagaaladu ka dhaceen ayaa haatan dagan wallow la maqlayo dhawaqa madaaficda oo si teelteel ah u dhacayey markii warkan la qorayey.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Kaalmo lacageed gareysa $400 oo la gaarsiyey kaam ay ku jiraan barakacayaal in la gargaaro u baahan

Deeqadaan lacageed ayaa loo qeybiyey qoysas garaya 90 qoys oo danyar ah kuwaas oo intooda badan aan heysan dhaqaale ku filan waxayna ahaayeen kuwo ku shaqeysta qaarkood  in ay qodaan qodka qashimada lagu duugo ,kuwo ku xamaasha garigacana ,haween reeraha dharka u dhaqa umulo ,agomo ,gabdho xaafadaha biyo u dhaamiya iyaga oo dhamaantod ka sinaa in ay ahaayeen qoysas danyar ah .

Inta  badan qoysaskaan ayaa u badnaa agoomo iyo dad jiisas ah waxayna ahaayeen kuwo guryahoodii dagaalada jira uga cararay oo danyer ah .

Kaalmadaan lacageed oo uu soo dhiibtay samafale  Ciise Sheekh Cali oo dagan dalka Norway  wuxuuna ka mid yahay dadka sida aad ka ah u taakuleya walaalaha somaliyeed ee ku dhiban dalka gudihiisa mana aha markii ugu horeysay ee kaalmo noocaan oo kale ah u soo dhiibo dadka jilicsan ee aan noloshooda mareyn Karin ee ku nool qeybo badan oo Muqdisho ah .

Marwo caasha cusman Ugaan ( Caasha Shaacuur ) oo uu u so wakiishay meel marinta deeqdaan ayaa barakacqayaasha gacanteeda ugu qeybisay waxayna sheegtay in baahida jirtaa intaa ka badan tahay ayna ka dalbeyso dhamaan jaaliyadaha kale ee dalka dibadisa ku nool iyo shirkada in ay dadka guryahoodii dagaalada uga barakacay ay wax la soo gaaraan .
 
Caasha Shacuur”ciise Sheekh Cali markasta ayuu dadka dhibaateysan lacago u soo diraa ilaahna waaxaan uga baryeynaa in uu jirkiisa naarta ka dhowro aakhiro iyo aduunyana u shafeeco .

Dadkii kaalmadii manta la faaiidaystay qaarkood ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin deeqda lacageed ee looga daba geeyey halkii ay ku barakaceen iyaga oo aan filaneynin waxayna mahadcelin iyo duco iskuugu dareen Ciise Sheekh Cali iyo kuwa kale ee la mid ah ee deqaha soo gaarsiiya dadka danyarta ah ee k u  jira goobaha ay ka dhacayaan dagaalada iyo madaaficda iyaga oo rajo ka muujiyey in ay jaaliyadaha dibada ku dhaqan ay soo buxin doonaan halkii ay baneeyeen hay.addihii qaramada Midoobey ku magacaawnaa ee rashinka bixin jirey .

Ugu danbeyntii Marwo caasha cusman Ugaan ( Caasha Shaacuur ) ayaa u mahadcelisay dhamaan dadka dibadaha joogo sida wanaagsan ee ay u kaalmeeyaan walaalahoda ku dhibaateysan xeryaha lagu barakacay iyo gudaha Magaalada Muqdisho waxayna sheegtay in ay meesha ka baxeen hey.addihii wax siin jirey loona baahan yahay inay kaalintoodii buuxiyaan jaliyada somaliyeed eek u nool dalka  dibadiisan
    
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.