Home » Warar »

Sheikh Aweys oo ka Hadlay Burcad Badeedda, Heshiiskii DFKMG & Ahlusuna, Dagaalka iyo Burburinta Qubuuraha

Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam ayaa si kulul u Canbaareeyey Kooxaha Burcad Badeedda Soomaaliyeed, waxaana uu ugu baaqay in ay soo daayaan doonyaha ay qafaasheen…. .
 
Gudoomiyahay ururka xisbul islaam sheikh Xasan dahir aweys oo khadka talefoononka magaalada Muqdisho ku qabtay shir jaraaid gabaldhicii Talaadada (March 30, 2010) (Iyo su’aalo la weydiiyey) ayaa si kulul u canbaareeyey arimaha ay wadaan koooxaha burcad badeeda somaliyeed kuwaas oo qafalashada maraakiib u rarneyd ganacsato Somaliyeed wuxuuna sheegay in ay caqabad hor leh ku noqoneyso isna hortaagayaan xoogaagii umada somaliyeed bada uga imanayey .


Halkan ka dhegeyso Sheikh Aweys…. (mp3)

Wuxuu sheegay sheikh Xasan Dahir in raga burcad badeed ah ay horey ugu jireen dano badan balse wuxuu meesha ka saarin in ay ku kaliftay cadow qaadanayey xoolaha iyo keydka umada somaliyeed iyo sidoo kale kuwa shabaagadihii ugaarsiga u diiday.

Xasan dahir ayaa intaa ku darey in bulshadu u adkeysaneysay danbiga ay galayaan burcad badeeda somaliyeed balse hada umada oo qabta dhibaatoyin dagaal,qax,gaajo,abaro,ayey ku darsadeen burcadu in ay cuna qabateeyaan shacabka dhibkaas qaba ayuu yiri sheikh xasan dahir oo hadalkiisa si wata isaga oo raciyey intaa in ay tahay arintaa mid aan loo dulqaadan Karin .

Gudoomiyahay ururka xisbul islaam sheikh Xasan dahir aweys ayaa yiri “Waxaan ugu baaqayaa in ay ka waantoobaan isla markaana ay soo daayaan doomaha iyo maraakiibta u raran ummada somaliyeed “

wixii kale waa laga wada hadli doonaa laakiinse  doomaha iyo maraakiibta u raran ganacsatada somaliyeed gorgortan malah waana in ay ku soo daayaan 48 saac gudahood waana in ay umada cuna qabateynta ay ka dhaafaan .

Wixii kale caalamka ayaan kala mid nahay balse Ummada cunaqabataynteedu gorgortan malaha ayuu ku celceliyey, wixii ummda somaliyeed  u socdo hala daayo dadkii lahaa oo ay u socdeen geedaha hostooda ayey baahi la jiifaan waxaana ka tagay hey.adihii deeqa bixin jirey

Sheikh Xasan dahir aweys waxaa kale oo u canbaareyn dusha uga tuuray kuwa soo dhiibay raashinka gargaarka oo mas.uuliyada rashinka qaatay in ay geynayaan dadkii loogu tala galay wuxuuna sheegay in uu aad iyo aad uga xun yahay rashinka WFP mas.uuliyhiintooda lagu sheegay in ay leexsadeen

Sheikh aweys isaga oo ka hadlayey heshiiskii dhawaan dhex marey dowlada fadarlka KMG somaliya iyo ahlu sunaha ayuu ku macneeyey in uu yahay mid cadow ka danbeeyo uuna yahay heshiis colaadeed cadowga umada somaliyeed oo uu ula jeeday dowlada Ethiopia ayaana heshiisiisay ayuu yiri, waxaa ka soo baxayo ayuu ku sheegay in ay ahaan doonto fidnadii uu cadowgu horeyba u waday.

Dhanka kale Sheekh Xasan dahir wuxuu soo dhaweeyey howlaha xarakada Mujaahidiinta alshaab ay ku burburinayaan qabuuraha qaarkood isaga oo si gar ah uga hadlayey arintii Masajidka Macalin Biyo Maalow ayuu sheegay in uu qudhiisu arkay iyada oo qabrigisa lagu dawaafaayo waana wax qalad ah ayuu yiri in qabri la baryo lagu dawaafo ama in la barakeysto intaba
 
Arintaa ayaa ku soo beegmeysa xili maalintii shalay aheyd oo kaliye burcad badeedu la sheegay in ay afduubteen ilaa 9 doomood oo u rarnaa ganacsato somaliyeed kuwaas oo ku sii jeeday Magaalooyinka Muqdisho iyo kismaayo waxaana maanta sidoo kale ay afduubteen laba markab oo hor leh waxaana bulshada qeybaheeda kala duwan ka baxayso qaaylo dhaan ka dhan ah burcad badeeda somaliyeed kuwaas oo mar kaliye ku qamaamay doonyihii iyo maraakiibtii u rarneyd ganacsatada somaliyeed.
    
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Sheikh Aweys oo ka Hadlay Burcad Badeedda, Heshiiskii DFKMG & Ahlusuna, Dagaalka iyo Burburinta Qubuuraha "

  1. cirsankayeer says:

    arrinka qabuuruhu waa wuxuu u baahanyahay fatwo siyaasadeed, waana midda uu hadda sheekh xasan ku dhawaaqay, (Sh.. xasan dabcan waa ku qasbanyahay inuu taageero fal kasta oo alshabaab sameeyaan), haddiise loo baahanayahay fatwo diineed waxaa horay uga hadlay culimada soomaaliyeed.

    Dadka leh waxaan ku dayanaynaa Nebi Muxamed (SCW), iyagaa sheegi doona mesha uu Nebigu(SCW) intuu qabri ku qoday uu lafihiisii jawaan ku gurtay!!

  2. muse says:

    waa runtii waana saxanyahay sheekha
    waan ku raac sanahay dhamaan siyaasadihiisa wanaagsan iyto howsha uu umadiisa u hayo