Home » Warar »

Xubno Ka Tirsan Ururka Ardayda SSDO Oo Tababar Loo Qabtay

Badhan : Xubno ka kooban 12 oo ka socdey qaybaha kala duwan ee laamaha ururka SSDO ( Sanaag Student Development Organization ) ayaa siminaar labo casho soconayey loogu qabtay qolka shirarka ee dugsiga Al-Furqaan ee magaalada Badhan.

Siminaarkan ayaa lagu kobcinayey xubnaha SSDO si ay u gudan karaan masuuliyaadka iyo agaasimka qorshayaasha SSDO, wuxuna ka koobnaa afar cashar oo muhiim u ah dhallinyarada , waxana bixinayey 2 xubnood oo ka mid ahaa isla SSDO oo iyagana hore barnaamijyada ay bixinayeen ugu tababartay hay’adda Horn Relief.

SSDO ayaa waxa la asaasay sanadkii 2005-tii , waxana ujeedada loo asaasay ay ahayd isku xidhka iyo horumarinta ardayda Sanaag , waxana la odhan karaa in badan oo ka mid ah himiladiisa waa xaqiijiyey , wuxuna weli u xusul duubayaa sidii uu u meel marin lahaa qorsheyaashiisa si wadaniyad iyo daacadnimo leh.

Maxamuud Ciyoon / Badhan.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.