Home » Announcements »

Khadar wuxuu dhashey isaga oo Calooshiisa iyo Wadnihiisa Banaanka yaalaan

Mucjisooyinka Rabbi waa badan yihiin subax walba waxaa arkeysaa wax kaa yaabiya taasina waa awooda rabbi hadaba iyadoo taasi jirto ayaa deegaanka Xaafadda Xamar Jabjab Magaalada Muqdisho waxaa hooyo soomaaliyeed ay ku dhashey Canug ay banaanka taalo Calooshiisa iyo Wadnahiisa taasoo ay si aad ah ula yaabeen dadkii ka dhawaa ama soo arkey

Canuga oo ah wiiil waxaa lagu magacaabaa Qadar Maxamed Muxyadiin ayaa caafimaaadkiisa kale ay aad u wanaagsan tahay waxaana aad arkeysaa Caanaha uu cabayo halka ay marayaan iyo weliba dhaqdhaqaaqa wadnahiisa oo si aad ah  muuqda

Wiilka oo dhowr bari dhalan ayaa waxaa hooyadii oo lagu magacaabo Deeqa Axmed Jaamac  waxay sheegtey in markii Umulasadii ka dhalisey ku wargelisey in willka Calooshiisa iyo Wadnhiisa ay banaanka yaalaan waxayna fartey in ay dhaqtar la xiriirto si ay ula socoto xaaladda wilkaas waxayna hooyada dhashey willkaa sheegtey in ay la xiriirtey     Dhaqaatiir ayna ku yiraahdeen wiilka wuxuu u baahan yahay qaliin dibada ah

Labaatankii sanno ay dagaalada ka socdeen dalka soomaaliya waxaa ku dhashey Caruur fara badan kuwaas oo la sheegey in ay ku dhasheen arrimo dadka soomaaliyeed ka yaabiyey kuwaas oo isugu jirey Cuduro la garan waayey iyo Mucjisooyin jirkiisa lagu arko kuwas oo lagu soo Bandhigey Webebka soomaalida  waxay dhaqaatiirta qaar ay sheegeen in ay ugu wacan tahay Sunta lagu shubayo Badda iyo Berriga Soomaaliyeed

Hooyada dhashey willka ayaa waxay sheegtey in aysan awoodin qaliiin dibadeed waxayna ka codsatey dadka soomaaliyeed ee Ilaah wax siiyey in ay gacan ku siiyaan sidii wiilkaas qaliin deg deg ah loogu sameyn lahaa 
Hadaba Cidii dooneysa in Gacan siiso Qoyskaas kala soo xiriiri
 
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail   amiinkhasaaro@hotmail.com
Tel  0025215532494

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.