Home » Warar »

Dallada Haweenka (KWDON) oo Sameysay Wacyi gelin ku sabsan HIV/AIDS.

Dallada Haweenka (KWDON) oo sameysay Wacyi gelin ku sabsan HIV/AIDs Waxayna ka sameysay Schoolka Imamu-Nawaawi ee Magaalada Qardho Schoolkaas oo Wax lu baro  Haweenka Aan waxna Qorin waxna Akhrin.

 Guddomiyaha Dalada Haweenka G/karkaar Ubax Saciid Daahir ayaa  Fahfahisay khatarta u leyahay Cudurka HIV/AIDS waxa ay sheegtay in cudurkaan u aafeyay adduunka lona bahan yahay in laga digtonaado, waxaay kalo sheegtay siyabaha lagu kala qado Cudurkan HIV/AIDS sidoo kale waxay sheegtay in cudurkaani u leyahay ka hortag lakiin usan laheyn Daweyn.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
 
Wacyi gelinta sidoo kale waxaa lagu sameyay Camp Shabelle oo ay degan yihiin qaxootiga kasoo bara kacay Konfurta Soomaaliya.

Sidoo kale Daladu waxay ka Wacyi gelin u sameysay Barakacayaasha aan hesan Goobo Cafimaad ay ku xirnadaan waxay kaloo Guddomiyuhu sheegnay qataraha Cudurkan uu leyahay in Cudurkan qof kastana u ku dhici karo ayna u nugul yihiin Dadka Qaxootiga ah oo aan waxba ka Aqoon dhibatada Cudurka Dilaga ah ee HIV/AIDS.

Sannadkii  2008 tirada Soomaalida qabta AIDS-ka waxaa lag qiyaasay 24,000 qof, waxaana xilligaas cudurkaas u dhintay 1,600 qof, waxaana ku agoomoobay 8,800 carruur ah… Cudurka dilaaga ah ee AIDS waxaa qaba 22.4 million oo qof oo ku nool dalalka Afrika ee Saharaha ka hooseeya. Sannadkii 2008 waxaa lagu qiyaasay in 1.4 million oo ku nool dalalka Saxaraha ka hooseeya, waxaana xilligaas cudurkaas dilaaga ahi ku dhacay 1.9 million oo ku dhaqan Sub-Sahara Afrika. Qiyaastii 14 million oo carruur ah ayaa waalidkood uu galaaftay cudurkaasi. ( EEG HALKAN).


 
Axmed Xaaji Xasan
Qardho,Puntland.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.