Home » Warar »

Wax ka Bedelidda Daryeelka Caafimaadka USA (Healthcare) oo ka gudbey Caqabad Weyn

Xisbiga Dimoqraadiga oo ku guulaystay Codbixintii Aqalka Congreska ee Wax ka bedelka DaryeelkaĀ CaafimaadkaĀ Health Care Reform: (HAA 219Ā  –Ā  MAYA 212)

(SomaliTalk.com, USA: March 21, 2010): Dood muddo dheer socotey kaddib waxaa habeenimadii Axadda (21-kii Maarso 2010) Aqalka Congress-ka (House) ayaa codbixin uĀ  qaaday in la qabalo xeerkii Senate-ka ee lagu hirgelinayo wax ka bedeliddaĀ daryeelka Caafimaadka ee dalka Maraykanka (Health Care reform). Xeerkaas si loo aqbalo waxaa xisbiga Dimoqraadiga ee talada hayaa ay u baahnaayeen 216 cod.

Codbixinta kaddib xisbiga Dimoqraadigu waxay xeerkaas ku ansixiyeen 219 xubnood oo dhammaantood ah Xisbiga Dimoqraadiga. Waxaana diidey 212 xubnood oo u badan Xisbiga Jamhuuriga (Republican) oo ay la jireen 34 xubnood oo Dimoqraadi ah. Sidaas ayaa Aqalka (House) ee Maraykanka uu ku ansixiyey Barnaamijka wax looga bedelo nidaamka daryeelkaĀ Caafimaadka ee Health Care Reform. Talaabadaas oo ahayd in caqabadii ugu weyney uu ka gudbey xeerkaasi. Waxa u dhiman waa in Aqalka Senate-ku ay ku ansixiyaan 51 cod si uu u dhaqan galo.

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama ayaa intii uu xilka hayey waxa uu awoodiisa siyaasadeed isugu geeyey sidii wax looga bedeli lahaa nidaamkaĀ  Caafimaadka Maraykanka habkaas oo loogu yeeray Heath Care Reform.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee xeerkani marka uu dhaqan galo wax ka qabanayo waxaa ka mid ah in qofka aan laga jarin ama loo diidin caymiska caafimaadka sababtoo ah cudud uu horey u qabay awgeed, arrintaas oo loo yaqaan (pre-existence condition) – qofka looma diidi doono caymis caafimaad xitaa hadduu hore u qabay xanuun marka xeerkani dhaqan galo, ayey aad ugu celceliyeen siyaasiyiinta taageersan xeerkani in uu dhaqan galo.

Waxaa intaas dheer in xeerkanu marka uu dhaqan gali in ay caymis caafimaad helayey 32 million oo Maraykan ah oo aan markii hore ku jirin caymis caafimaad.

Dhanka xafiiska Cogress-ka Marayka u qaabilsan kharashka ka baxa dawladda waxa ay sheegeen in xeerkani uu dhaqaale ahaan dawladda maraykanka u xafidayo lacag kor u dhaafaysa 1.2 trillion doolar muddo 10 sano ah.

Arrintani waxay noqoneysaa xeerkii ugu weynaa ee wax looga bedelo xagga caafimaadka (Healthcare USA) ilaa sanadihii lixdamaadkii (1960-maadkii).

Madaxweynayaashii ka horeeyey Obama waxay aad isugu dayeen sidii wax looga bedelo lahaa nidaamka Health Care ee Maaraykanka, waana ku guul daraysteen. Madaxweynayaashaas waxaa ka mid ahaa Bill Clinton oo aad ugu dadaalay sidii wax looga bedeli lahaa nidaamkaas Caafimaadka, laakiin waa ku guulaysan waayey.

Boqolkii sano ee ugu dambaysay waxaa lagu dadaalayey in la gaaro guusha ay caawa gaareen aqalka senate-ka. Waxaa ugu sii darayd 50-kii sano ee ugu dambeeyey oo aad loogu dadaalayey in wax laga bedelo nimaadka Caafimaadka ee Maraykanka. Madaxweynayaashii xilka soo qabatay waa ku guulaysan waayeen in ay helaan cod aqlabiyad ah ee wax looga bedelayo nidaamka Caafimaadka ee Heath Care ee Maraykanka.

Dadka siyaasadda odorosa ayaa muujiyey Barack Obama isagoo sidaas og taariikhdaas adag ee laga soo maray wax ka bedelka xeerkan ayuu siyaasaddiisa oo dhan isugu geeyey sidii cod buuxa loogu heli lahaa xeerka wax looga bedelayo Nidaamka Caafimaadka ee USA, taas oo uu hadda ku guulaystay dadaal dheer oo uu arrintaas u galay muddo hal sano ah, uuna hadda u diyaar garoobayo in uu saxiixo xeerkaas si uu u noqdo sharci.

Arrintan oo dadka siyaasadda odoroasa ay ku tilmaameen guul siyaasadeed oo uu gaarey Barack Obama iyo Xisbigiisa Dimoqraadiga. Arrintan oo in badan oo shacabkak maraykanka aaminsan yihiin in ay hagaajinayso nimaadka Caafimaad ee dadka Maraykanka inkasta oo ay jireen dad badan iyo siyaasiyiin badan oo ah Xisbiga Jamhuuriga (Republican) oo ka soo horjeedey arrintaas.

Markii codka ay bixiyeen Aqalka Congress-ku kaddib ayaa ObamaĀ waxa uu isla habeenimadii xalay la hadlaay dadka Maraykanka isagoo xusuusiyey muhiimada uu leeyahay xeerka ay aqbaleen Aqalka Congress-ku. Waxa uu sheegay in xeerkan ayĀ Xildhibaanadu dib u eegayaan, waxyaabaha u baahan xagga nidaamka in la turxaan bixiyo.

Waxaa ayaduna dadka Maraykanka la hadashay afhayeenka Aqalka Congress-ka, Nancy Pelosi, oo sheegtay in 32 million oo maraykan ah ay helayaan daryeel caafimaad. Waxayna sheegtay in xeerka ay u gudbinayaan Aqalka Senate-ka si ay u ansixiyaan.

Xeerkan waxaa u dhiman in la turxaan bixiyo oo markaas ay u codeeyaan Senate-ku, markaasna loo gudbiyo Barack Obama si uu u saxiixo oo uu u noqdo xeer rasmi ahaan u dhaqan galo.

Waxaa la sugayaa 51 cod ee Senate-ku ku ansixiyo xeerkan, ayadoo la rumaysan yahay in codkaas si fudud loo helayo. Caqabadda ugu weyn ee xeerkan waxay ahayd in la helo 216 cod ee Aqalka Congress-ka, taas oo caawa la helay kaddib markii ay u codeeyeen 219 xubnood.

Arrintan waxaa lagu qiyaasay xeerarku ugu waaweyn ee soo maray Maraykanka 50-kii sano ee ugu dambaysay.

Waxaa la qiyaasayaa in labada beri ee soo socota uu xeerkaas saxiixo madaxweynaha Maraykanka Obama, kaddib marka ay turxaan bixiyaan Aqalka Senate-ku.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.