Home » Warar »

Denmark: Shirkii Jaaliyadda Puntland ee Århus oo Qabsoomay

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 21-03-2010 kadhacay shir ay kasoo qaybgaleen jaaliyada puntland ee wadanka Denmark gaar ahaan magaalada Århus iyo nawaaxigeeda.

Madaxdii shirkaa  kaga soo qaybgalay Khadka ee la hadlay Jaaliyadda waxaa ka mid ahaa:

1:wasiirka maamul wanaaga.Mohamed faarax Cise(Gashaan)
2:Duqa magaalada BOOSAASO
3:Duqa magaalada GAROOWE
4:Duqa magaalada GAALKACANYO
5:Duqa magaalada BARAN
6:Duqa magaalada GALDOGOB
7:Gudoomiyaha Gobolka Bari

Shirka wuxuu udhacay si wanaagsan, waxaana jaaliyada puntland ee Århus ay lafa gurayaan wixii kasoo baxay, waxaana jaaliyaddu isugu imanayaan insha alaah shirkale ee jaaliyada puntland ee Århus ah.

waxaan aad ugu mahad celinayaa intii shirka kasoo qayb gashay waxaan sigaara ugu mahadcelinayaa Maareeyaha garoonka (ayraboorka) boosaaso Cabdi Samantar Maxamuud(Jeegahool)oo qayb weyn kaqaatay shirkan.

Waxaanu kacudurdaaranaynaa inay noo suurta geli weyday inaanu helno duqa magaalada qardho sababo laxiriira madaxweynaha puntland oo waqtigaa joogey qardho awgeed uuna soo dhoweynaayey madaxweynaha.

Waxaan kaloo kacudurdaaranaynaa buuhoodle iyo waaciye oo aanu iyagana isweyney.

Wasalaamu Caleykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu.

shirkaaarhus@hotmail.com
WABILAAHI TOWFIIQ

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.