Home » Warar »

Muqdisho: Warbin iyo kaalmo Caasha shaacuur “Walaalaheygow dadkaan Madaafiicda halaga daayo

…sidaan ha loo dhaamo walahayow waxaa inoo wada roon in la wada hadlo dadkii wuu dhamaadaye”

Ururka aadami iyo qaar ka mid ah Jaaliyadda gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Holand gaar ahaan magaalada Heeg oo kaalmo lacageed Gaareysa $ 1800 soo gaarsiiyay Xaruha ispitalada keysaney,madiina iyo dayniile ee magaalada Muqdisho Gobolka banadir .

DHEGEYSO Caasho iyo Duniyo warbixin Cisbitaalka

Ispitaladaan oo ah kuwa ugu waaweyn guud ahaan dalka somaliya ayaa waxaa ku jira bukaano somaliyed oo la ildaran dhawacyo kala duwan iyada oo qaarkoodna laga jaray xubno muhiim ah waxayna isugu jiraan qeybaha kala duwan ee bulshada sida haween,caruur,dhalinyaro ,iyo dad weeyeelo ah kuwaas oo dhamaantood u baahan daryeel caafimaad waxaana loo qeybiyey kaalmadii ay soo dhiibeen ururka adamiga oo ah gabadho somaliyeed oo sameeyey iskaashi kuwaas oo ugu yaboohaya walaalahood kaalmo dhan $130 iyo sidoo kale gabdho somaliyeed oo dagan dalka holand gaar ahaan Magaalad aheeg oo wakiil ay ka tahay gabadh la yiraahdo Faadumo Jaamac

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Gabdhahan ayaa mar walbo walaalahooda dalka gudihiisa ku dhibaataysan deeqo lacageed oo sidaan oo kale ah u soo diro iska soo urursha sida ay marar badan saxaafada u sheegtay marwo caasha cusman ugaas ( caasha shaacuur)oo ka mid ah haweenka u ololeya dadka dhiban kana mid ah bulshada rayidka ah oo iyada loo soo wakiishay meel marinta kaalmadaan lacageed waxayana gacanteeda uga qeybisay ispitalada keysaney,dayniile iyo madiina oo bukanada jiifa kuwaas oo aad ugu farxay uga mahad celiyey waxaana ku jira bukaano qaba dhawacyo aad u waaweyn oo qarkood dalka guhiiisa waxba looga qaban Karin iyada oo ispitalkiiba bukaana jiifa loo qeybiyey $600.

Ispitalka keysaney oo ay jiifeen 105 oo qaba dhawacyo kala duwan kuwas oo ugu badnaa dad rayid ah oo ku waxyeeloobay madaafiicdii iyo duqeymihii magaalada muqdisho ay la dhacayeen ciidamada Midowga Africa ee AMISOM iyo ciidamada dowlada fadaraalka KMG somaliya waxaana ispitalku ku yaal waqooyiga Magaalada Muqdisho halkaas oo ay gacanta ku hayaan xarakada Mujaahidiinta alshabab .

Madaxa Maamulka ispitalka keydsaney Cali Yuusuf Maxamed ( cali bile ) oo ku mahadlayey Magaca agaasimah ispitalka keydsaney iyo magaca ispitalka ayaa ka mahad celiyey kaalmadii la gudoonsiiyey bukaanada jiifa ispitalka oo garayey 105 wuxuuna sheegay in 24 saac ee ugu danbeyey ispitalka la geeyey 22 qof iyada oo intii aan joognane la geeyey laba qof oo madfac aan la garaneyn cida soo riday uu kula dhacay isgoyska sanca ee Magaalada Muqdisho .

Madaxa Maamulka ispitalka keydsaney cali bile ayaa ugu duceeyey in ajir iyo xasanaad aan la soo koobi Karin ilaah ka siiyo muxsininta walaalahoda dhibaateysan u soo dhiibayey kaalmada wax ku oolka ah

Inta badan xarumaha ay kujiraan dadka guryahooda ka barakacay,dugsiyada agoomaha lagu xanaaneeyo,iyo ispitalada waxaa caawiya oo gacan siiya walaalaha qurba jooga ah ee muslimiinta ah sida Haweenka iyo Raga muxsinaadka ah oo ka damqanaaya dhibaatada heysta caruurta agoonta ah, dadka ku waxyeelooba dagaalda iyo duqeymaha dalka ka dhacaya Qofkii wax baxsadaana isaga ayuu miisaanka Qiyaamo u fuulaya .

Sidoo kale qeyb ka mid ah lacagaan deeqda ah oo marwo caasha shaacuur ugaaay geysay ispitalka dagmada dayniile isa markaana loo qeybiyey bukaanadii jiifay ispitalka ayaa waxaa ka mahadceliyey agasimaha ispitalka Dr faysal Xaaji Cumar Gacal Agaasimaha ayaa u mahadceliyey jaaliyada somaliyeed iyo ururka adami ee ka dhisan Washington DC iyo hareeraheeda ee ay somaliyeed oo sameeyey iskaashi si ay dadkooda iyo dalkoda wax ugu taraan iyo sidoo kale gabdha dalka holan oo wakiil ay ka tahay fadumo jamac oo iyane soo dhiigay $500 dolar o qeyb ka aheyd kaalmadii manta la gudonsiiyey dhawacyada la ildaran dhawacyada kala duwan iyo cudurada dabiiciga ah .

Ispitalka dagmada dayniile dhawacyada ku jira waxaa ka mid ah kuwa xabado ay sababeen ,madaafiicda hoobiyaha iyokuwa BM ka bukanada waxaa ku jira caruur shuban biyood uu soo ritay ,naagaha foosha ah dhamaan qeybaha ispitalka oo dhan waa wada shaqeeyaan waxaa uuna shaqeeyaa 24 ka saac oo waxaa joogo dhaqaatir heegan u ah dhibanayaasha la keenayo.

Ispitalka madiina oo ka mid ahaa ispitaaladii kaalmadaan la gaarsiiyey ayaa oo ay jiifaan bukaano qaba dhawacyo kala duwan kuwaas oo garaya 122 qof ayaa waxaa ka hadashay

waxayna u mahadcelisay duniyo gabdhaha kaalmada soo gaarsiiyey 3d ispital iyada oo u shegtay dadka bukanada qaba badankoodu in aysan heli Karin wax ay daawo siistaa kii aan rashinak cuni karina aan heli Karin wax kale oo u caano siisto ama wixii uu isleeyahay waa cuni kartaa waxayna ku tilmaantay bulshada somaliyeed kuwa ah dhib ka daal iyo qax ka daal waxaa is agfadhiya hooyadii aabihii iyo ilmihii oo dhawac ah mana heystaan meel ay ka shaqeeyaan iyo sidoo kale cid ay u shaqeeyaan ispitalka ayaa hoy u ah wax ku cunaan jiiftaan dagan yihiin qaarkood waxaa jira bukaano aan laheyn wax ehel u ah waxaana haaya oo wax siiya ispitalka ayey tiri duniyo oo ka halaysay munaasibad loo sameyey gabagabadii qeybinta kaalamad alacageed ee ispitaalada madiina.keysaneyn.iyodayniile ee Magaalada Muqgisho

Madaxa caafimaadka ee ispitalka madiina duniyo Cali Maxamed waxay sheegtay in 24 kii sac ee la soo dhafay ispitalka madiina lageeyey 48 qof oo qaba dhawacyo kala duwan sida duqeymaha risaasta madafiicda oo ka dhacaysan magaalada Muqdisho .

Dhawacyadu waa kuwa sacad walbo la geeyo ispitaalada mana sahlana sidii loo joojin lahaa dagaalada iyo madaafiicda ka socoto Magalada Muqdisho galinka hore hadii ay xaaladu dagan tahay waxaa qasab ah in gainka danbe ay isbedesho xaaladii lagu jiray iyada oo aanany jirin wax saansaan nabadeed ah

Dhibatooyinka dagaalada iyo madaafiicdu inta badan waxay ku dhacdaa dadka duruufeysan ee Mgaalada ku harey oo aan awoodin in ay guryahooda ka barakacaan
Madaxa caafimaadka ee ispitalka madiina duniyo Cali Maxamed oo saxaafada kula hadlaysay gudaha ispitalka madiina ayaa ka dayrisay nolosha wiil yar oo madaxa uu lafta (Fantaneelada ) Maskaxda dusheeda dabooka u ah ka qaaday madfac hoobiye ah xili u ku sugnaa gurigooda .

Duniyo ayaa intaa ku dartay in wiilku uu hadlayo balse ay muuqato xuubka ku dahaaran maskaxdiisa ay noloshiisu halis ku jirto oo waxaa meesha ka maqan laftii madaxa ee dhanka ku aadan maskaxda waxaana uu halis ugu jiraa wax kasta oo ay ugu yar tahay bagteeriyo ay wado dabeyshu hadii ay haleesho lama garan karo sida uu noqonayo waxayna shaca ka qaaday in aan dalka gudihiisa waxba looga qaban Karin isla markaana waalidiintiisa hiyiin kuwo danyar oo aan awdooyin in ay wiilkooda diobada ku soo daweystaan
Wiilkaan oo dad.diisu ay aad u yahay ayaa madaafici gurigooda ku dahcday rerkisiina qaar ka leysay isagi ka fagtayna sidaa nafsadiisu halis ugu jirtaa .

Ugu danbeyntii waxay ugu baaqday duniyo dadka somaiyeed ee hehelka iyo walaaha ah ee alle wax siiyey ay gurmad u soo fidiyaan walakaan yar iyada oo sii daba dhigtay in si gar ah loogu gurmado .

Madaxa caafimaadka ee ispitalka madiina duniyo Cali Maxamed”anagu maheyno dhaqtar ku sabsan qaliinka madaxa marka qalbka lag asoo tago dhaqtarkiiba ma heyno ayey ku celcelisay waxayna ku boorsay bulshada somaliyeed in indhaxumida reerka uu wiilku ka dhashay heysata ay quseyso shacabka somaliyeed iyo ciidamada dagaalada iskulajira

Caasha cusman Ugaas ( caasha shacuur ) oo ka hadashay gunaanadkii qeybinta kaalmada ayaa sheegtay in kaalmadaan ay u soo kala dhiibeen qaar ka mid ah jalidaha somaliyeed ee dagan mreykanka gaar ahaan haween iyo rag ku bahoobay urur la yiraahdo aadami oo dagan magaalada Washington DC iyo hareeraheeda oo iska soo ururiyey lacag dhan $130 iyo sidoo kale gabdho somaliyeed oo dagan dalka holand gaar ahaa Magaalada heeg kuwaas oo wakiil ay ka tahay fadumo jamac waxayna soo iska so ururseen kaalmo gareysa $500 dhamaantood alaha ka amaal mariyo gacantodu ma weydo wax ay bixiso ayay ugu duceysay
Guud ahaan lacagta oo gareysay $1800 ayaa loo qeybiyey sadaxda ispital ee ugu waaweyn dalka somaliya oo kala ah keydsaney ,dayniile ,iyo madiina waxaana midkiiba la gaarsiiyey bukanada jiifa $600

Marwo caasha cusman ugaan ayaa u mahadcelsiay dhamaan dadkii iska soo qaaraamay iskuna soo duba riday iyada ugu baaqday shacabka somaliyeed ee wax heli kara in ay iskod iskuugu boriyaan sidii ay kaalmooyin noocan oo kale ah u geyn lahaayeen dalka gudihiisa
Dhanka kale casha ayaa shegtay in ay ispitalada ku jiraan oo ay indhaheeda ku soo aragtay dad rayid ah o aad u dhiaateysan kuwaa oo ay aad uga calol xumaatay dhibaatooyinka heysta oo ahaa kuwo baahidooda dhaqaale aysan dabooli Karin deeqda ay u siday

Waxana ka mid ahaa wiil yar oo maskaxdiisu banaanka taal iyada oo uga barida cid kasta oo gacan ka geysan karta in ilmahas yare e ku jira ispitalka madiina gurmad cafimad loo sameeyo
Caasha ayaa sidoo kale baaq u dirtay in shacabka intiisa wax garadka ah ay ka shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa dagaalada iyo dhibka socodo waxayna is weydiisay hadii shacabka la mariyo cidii dowlad loo noqon lahaa .

Waxayna sheegay in ay manta ispitalada ku soo aragtay dad badan oo dhawacoodu uusan rajo laheyn iyo kuwo dhintay ka dib markii ay ku habsadeen madaafiic lagu garacay gobihii ay daganaayeen .

Caasha ayaa ka codsatay dhamaan jaaliyadaha banaaka sidii ay dadka liita u tageri jireen dadaalkooda ay sii lababa laabaan waxayna sheegtay Muqdsho dadka ugu lita manta in ay yihiin dadka ispitalada yaal oo ay ku sheegtay in ay yihiin dhawac jirkodii uu kala maqan yahay ,ma shaqeysan karaan caruurahodiina baahi ayey la il daran yihiin
Caasha Cusman Ugaas ( Caasha shacuur )” walaalaheygow dadkaan Mdaafiicda hala dayo sidaan ha loo dhaamo walahayow waxaa inoo wada roon in la wad ahadlo dadkii wuu dhamaadaye”

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.