Home » Maqaallo »

Buun Buuninta Xizbiga Ahlu Sunna – Waa marin habaabin Hor leh | WQ. Warsame

Dhagaha Shacabka Soomaali waxaa Daaliyay in Maalin kasta la Maqashiiyo Buunbuunin Xizbi ama Urur Cusub, ayadoo loo Muujiyo in Kooxdan kaliya ay tahay tan Xal ka keeni doonta Dhibaatada Gaamurtay ee Wadanka Soomaliya!!.

Waxaa waayihii lasoo Maray Daaliyay Shacabka Soomaali Ururo wata Magacyo tusinaya in ay Wadaniyiin yihiin sida :(Ssdf, Snm, Usc ,Sdm,Sbm) waxaa ka muuqda ururadaas dhamaan in magaca Soomali oo Laatiin ah loo soo gaabiyay Xarafka (S) taasoo Macnaheedu yahay in Xarafkan uu ahaa Mid lagu Beer laxawsanayo Shacabka laguna qarinayay ulajeedooyinka Dhabta ah ee loo aas aasay Jabhadaas amaba Ururadaas.

Maantana waxaa sidoo kale Dhagaha Shacabka Soomaaliya daaliyay Ururo wata Magacyo Islaamka lagu Muujinayo in ay Xeriir la leeyihiin waloow Diinta Islaamka aysan wax Xiriir ah laheyn sida: Maxaakiimta Islaamka , Xizbul Islaam, Ahlu Sunna, Shabaab Almujaahidiin,Tajamuc Alislaami, Al Islaax, Al Ictisaam, Alwifaaq iyo kuwa badan oo Magacyo Diinta ay isku xijinayaan la baxay.

Marka waxaan jecleestay Maanta in aan si gaar ah wax uga iraahdo Ururka la Baxay Ahlu Sunna maadama aan wax badan aragnay in wax laga qoray Xizbiyadii ka horeyay Ururkan, maadaama Ururkan Ahlu Sunna loogu yeero uu yahay kan kaliya ee hada Warbaahinta Gudaha iyo Debadaba afka ku hayeen, ilaa lagaarsiiyay in lamuujiyo hadii Xubno laga Siiyo Koxdan Doowlada in dhibaatada Soomaliya soo afjarmi doonto.

Hadaba Magaca Kooxdan la Baxday ee ah Ahlu Sunna waa Magac Kulmiya Muslimiinta Caalamka ku nool 91% taasoo ah in Muslimiinta Caalamka inta ugu Badan yihiin Dhamaantood Ahlu Sunna marka laga Reebo 9% oo ah Shiico iyo kooxo kale , Marka waxaa ah Marin habaabinta koowaad in Magacaas Koox si Gaar ah ula baxdo, laakiin waxaa laga yaabaa in uu Magacaan hada lasoo Cusboneysiiyay ee kooxdan la baxday ahaa Magac uu Jeneral Ceydiid u Bixiyay Koox ku taageeri jirtay Dagaaladii Ahliga ahaa ee uu kula jiray Beelihii Soomaaliyeed xiligii uu Doonayay inuu noqdo Madaxweynaha Doowlada Soomaliya.

Waxaa hadaba isweydiin mudan ururkan Maxaa kalifay in la dhiso? Maxaa kusoo beegay xiligan? Muxuuse soo kordhin karaa hadii Doowlada uu ku biiro ama ay gaaraan Xataa Guulo xaga Milatariga ah?.

Waxaa la wada ogsoon yahay kooxaha ku bahoobay magaca Xizbigan ahlu Sunna la baxay in ay aheyd dad dano gaar ah isugu yimid oo kala heystay taageerayaal kala gaar ah Dalka Gudihiisana ka fadhiyay Xarumo inta badan ay ku Dhisnaayeen Qabuuro la sheego in ay ku duuganaayen Dad Awliyo ay ku tilmaamaan, islamarkaana Shacab fara badan sanadkiiba mar la isugu keeni jiray, ayadoo halkaas kooxaha Mas’uulka ka ahna ay ka guran jireen dadka soo Booqda Qubuurahaas Lacagao fara badan iyo Xoolo noolba ilaa lasoo gaaray Markii ay Burburiyeen Qubuurahaas Kooxda kale ee la baxday Shabaab Almujaahidiin, taasoo keentay in ay Mas’uuliyiintii goobahaas caro la baxaan isuna tagaan ka dibna la maqlo in ay yihiin Urur Cusub ama Jabhad kale oo kusoo Birtay Saaxada Soomaaliya!.

Hadii ay tahay hadaba Sababta ugu weyn ee Xizbigan la baxay Ahlu Sunna u dhismay Caro ay ka qaadeen ilihii Dhaqaale ee ay lahaan jireen oo ay Burburisay Kooxda Al Shabaab , amaba Qaburihii waalidiintood ee la Faagay, maxey Soomaali usoo kordhin karaan? Amaba ay tahay Sababta keeni karta in rajo Dal dhan lagu xero hadii aysan aheyn Marin habaabin kal Cusun oo lagu sameynayo Mustaqbalkii Doowlad Soomaaiyeed laga lahaa?.

Waxaa kaloo marin habaabin ah in Xizbi marka horeba aan ku taagneyn Asal wanaagsan khilaafaad xaga Fikirka ah iyo Danahaba ka dhaxeeyaan , kana kala yimid ah Qabiilo tartan xaga Siyaasada u dhaxeeyaan, islamarkaana leh Gudoomiyayaal iyo Afayeeno kala duwan oo aan is Ictiraafsaneyn, in lagu xero Rajada Soomaliya, waa marin habaabin waana in Dib looga Firsadaa arintaas hadiiba ay dadka qaar saas la tahay.

Waxaana intaas Dheer in Ururkan uu yahay Urur aan weli hana qaadin wax awoodana aan laheyn iyo hadaf Siyaasadeed oo Soomali ku aayi karaan, waloow Bunbuunin gaar ah iyo Xayeesiinba ay ka heleen Warbaahinta Caalamka, hadana arintaas waxba kama tari karto in Shacabka Soomaali gaaraan Doowlad Soomaliyeed oo ka Shaaqeysa Danahooda.

Waxaa kaloo Xasuusin Mudan in Ururkan hadii loo eegoJabhadaha soo maray Soomaliya amaba kuwa Maanta jira ee Mucaaradka ah uu yahay Uruka kaliya ee isku khilaafay meel uusan weli Xizbi ka horeyay isku khilaafin, taas waxaan ula jeedaa Ururkan waxaa uu khilaafkiisa Bilaawday intiiba uusan wax Guul ah oo siyaasadeed ama Milatariba gaarin, tusaale ahaan Jabhada Usc la baxday waxey aheyd Jabhad ku dhisan Qabiilo kala dagan Gobolo kala duwan magacna wadaaga waxeyna ayagoo wada jira Duulaan ku qaadeen Doowladii Soomaliya ilaa ay ka rideen ayagoo mid ah, waxaase khilaafkooda Bilaawday markii ay Goobta kaligood kusoo hareen, tusaale kalana waxaa ah Maxaakamadihii Xamar ka jiray, waxey dhisteen midoow Maxaakiim ilaa ay ka gaareen in ay Cagta mariyeen Jabahadihii Dalka ka jiray kuwii ugu awooda roonaa ayagoo aan wax khilaaf ah oo muqda ka dhaxeyn , khilaafkooduna waxa uu yimid markaas ka dib, halka Kooxdan la baxday Ahlu Sunna ay khilaafkaba ku bilaabatay.

Hadaba waxaa iga Su’aal ah hadii Xizbigan ku biiro Doowlada amaba Xubno laga Siiyo maxey soo kordhin karaan? Mise ula jedada Madaxweynahe Shariif Heshiiska ula galay waxey aheydba in uu khilaafka Kooxdan uu sii Balaariyo oo uu Gogashii lagu aas aasay uga uga taqaluso, maadaama aysan suuro gal aheyn in Xizbigan ku Heshiiyaan qaab wanaagsan oo ay Xubnaha ku kala qaataan?.

Dadka Badankiis waxey aamninsan yihiin xataa hadii uu Ururkan gaaro Guulo amaba ku heshiiyaan awood qeybisi dhexdooda ah in aysan awood u laheyn soo af jarida Dhibaatada Labaatan jirsatay ee Soomaliya, waxaana Muuqda Jabnhadan in ay kala Mid tahay kuwii ka horeeyay in ay u dhisantay qaabka wax Duminta laakiin aysan u diyaarsaneyn wax dhisid, sida in aad ka arki kartid in ay raadinayaan aargoosi , abuurid Dagaalo Xaga Manhajka ah, Ugaarsi cid walba oo khilaafsan fekerka ay Xambaarsan yihiin .., taasna waxaad ka ogaan kartaa hadalada Afayeenadooda iyo Saxaafada ay gaarka u leeyhin hadii aad si wanaagsan u dhuuxdo!!.

Taaasna waxaan ulajeedaa Dagaalada hada Socdaa waa Dagaalo ay wada diidan yihiin waxgaradka iyo Culimada Soomaali nooc kasta oo ay yihiin Salafiyo ama Suufiyo, laakiin Xizbigaan Ahlu Sunna la baxay waxey dacaayad iyo aflagaado aan kala sooc laheyn ku hayaan dhamaan Culimada Soomaali iyo Manaahijta oo dhan marka laga reebo midka ay ayagu aaminsan yihiin ee ah kan Ashcariyada kaliya, taasna waa feker la mid ah kan kooxda Alshabaab ee Dagaalka kula jira cid kasta oo Feker ku khilaafsan ha ahaado Suufiyo ama Salafiyo, waxeyna aflagaadeeyan Xizbigan Ahlu Sunna la baxay Kitaabada Caqiidada laga barto iyo Culimada Salafiyada oo laga yaabo qaarkood in ay geeriyoodeen Boqolaal sano ka hor!!.

Marka waa in Shacabka ka digtoonaadaan Sacabka hadba ay kooxdii Cusub ugu hiiliyaan hadii ay Doonayaan in Xal loo helo Duruufaha adag ee ka jira Somaliya, gaar ahaana waa inuusan Shacabku ku kadsoomin Buunbuuninta Maalmahaan lagu hayo Xizbigan Ahlu sunna la baxay.

W/Q: Warsame Xaaji Guuleed

Korneele@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.