Home » Announcements »

Caabi Khaliif Cali oo la xanuusanaya Buro kaga taal isha agteeda, waxa uuna u baahan yahay qaliin deg deg ah

Caabi Khaliif Cali oo ah 35-jir ayaa 10-sano ka hor waxa uu isku arkay  Buro taas oo mar marka ka dambeysa ku soo weynaaneysay, iyadoo xiligaasi uu waayey cid gacan ku siisa ka hortaga Buradaasi.
 
Burada oo haatan si weyn ugu faaftay agagaarka Isha iyo Daanka ayaa waxaa u sii dheer in Buradaasi ay biyo soo galaan mararka qaar ,waxayna u baahan tahay in mar kasta biyahaasi laga saaro.
 
Caabi oo haatan ku sugan Muqdisho ka dib markii uu ka yimid Goboladda Dhexe wuxuuna ii sheegey in dhowr Dhaqtar ay u sheegeen in Buradaan ay u baahan tahay qaliin dibada ah maadaama aanan haysan qalabii lagu qali lahaa 

Dhibane Caabi ayaa Buradaas  Dikaan iyo Jiif-xumo ku haysaa , mararka qaarkoodna Caabi wuxuu sheegey in ay  sii deysaa nooc dheecan oo kale ah. Waxaa kale oo uu sheegay Caabi in ishiisa mararka qaarkood uusan wax ka arki Karin marka ay Buradu biyo gashato oo ay daboosho, sidoo kale Sanka ayaa xirmi raba maadaama uu sii kordhayo Culeyska

Xaaladda dhabta ah ee Caabi waxaad si muuqata uga arki kartaa sawiro aynu ka soo qaadnay  Wuxuuna dadka soomaaliyeed ee ku nool Dibada iyo Gudaha ka codsanayaa in gacan lagu siiyo Qaliinka buraadaas maadaama uu ka soo jeedo qoys Sabool ah oo aan awoodi kharashka ku baxaya qaliinka Buradaas  waxayna Dhaqaatiirtu ku tilmaameen mid caadi  oo Qaliinkeedu sahlan yahay haddii loo helo qalabkii lagu qali lahaa


 
Haddaba ciddii dooneysa in gacan ka geysato u gargaarida  Dhibane Caabi waxay kala soo xiriiri kartaa ciwaanaadka hoos ku qoran
 
Telka Caabi Khaliif Cali
0025215748545  ama
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Tel  0025215532494

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.