Home » Warar »

Walad Cabdalla oo Qoraal ka soo saaray Heshiiskii DFKMG & Ahlu Sunnah

 Xafiiska Qarammada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS)

WAR-SAXAAFADEED 05/2010

Ergayga Gaarka ah: Soomaaliya waxay si tartiib-tartiib ah uga guureysa xaladii aheyd dawlad fashilaney, waxayna u sii guureysa hab ah dawlad jilacsan

Nayroobi, 15 Marso 2010 – Ergayga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u Qaabilsan Arrimmaha Soomaaliya Ahmedou-Ould Abdullah ayaa maantay ku amaaney Dawlada Ku-meel gaarka ah iyo Ururka Ahlu Sunnah Wal Jameeca heshiiska ay sida rasmiga ah ugu saxixeen Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa. Heshiisku wuxuu labada dhinac ku waajibinaya, sida uu qabo heshiiki Jabuuti, inay si buuxda iska kaashadaan arrimmaha nabadeenta iyo dib-uheshiisiinta dalka.

“Waxaan ku hanbalyeynayaa saxiixayaasha heshiiska ay gaareen, kaas oo waafaqsan maslaxada dadka, iyo qaranka Soomaaliyeed, sidoo kale heshiisku wuxuu waafaqsan sharafta Ummadda iyo nabadeenynta Gobalka. Heshiisku waa guul ay gaareen labada dhinac, wuxuuna cadeynayaa in arrimmaha Soomaaliya isbedeli karaan hadna ay isbedelayaan ” ayuu yiri Mudane Ould-Abdullah.

Heshiisku waxaa la gaaray ayada oo la raacaayo Habkii Nabadayntii Jabuuti, wuxunna daba-jooga baaqii ay Nayrobi kuwada saxiixeen Dawladda iyo Ahlu Sunnah Wal Jameeca 21 Junn, 2009 anyna garwadeen ka aheed Qaramadda Midoobay.

“Waxaan ku celinayaa hadalkii aan horey u iri oo aan aad u rumeysanahay kaas oo ah in Soomaaliya ay hada ka guureyso habkii ahaa dawlad fashilantay una guureyso dawlad jilacsan. Waxaan ku qanac sanahay in ficilkaani ka danbeyn doono isu-soo dhawasho farabadan oo dhowaan ka dhexdhico ummadda Soomaaliyada. Kala qoqobiddi horey looga dhex sameeyey habkii lagu nabadeyn lahaa ummada Soomaaliyeed ayaa hadda si tartiib tartiib ah loo burburinayaa”.

“Waxaan jecelahay in aan ka mahadceliyo dowrka muhiimka ahaa ee ay ka qaateen arrintan Ururka Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, Midowga Yurub, Norway, iyo Dawlada Mareykanka. Sidoo kale waxaan u mahadcelinaya wadamada xubnaha ka ah Urur Gobaleedka IGAD, gaar ahaan shirgudoonka Etoobiya sida ay uga go’aneed iyo dadaalka ay ka geysteen meel-marinta heshiiskaan”.

“Aniga oo u mahad celinayaa dhamman dhinacyada iyo qeybaha gacanta ka geeystay heshiiskan, ayaa haddana waxaan ugu baaqaya dhammann saaxibadeyda iyo walaalaheyga Soomaaliyeed in ay hirgeliyaan xaqiiqada soo muuqaneysa, ee ah dib-u dhalashada dawladnimadda Soomaaliyeed”.

Wixii war dheeraad ah fadlan kala xiriir: Susannah Price ama Donna Cusumano, saraakiisha qaabilsan isgaarsiintab guud, Xafiiska Qaramad Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, Nairobi
Tel. +254 20 762 7132/7133 ama +254 733902020 ama 737400133
Fadlan eeg rugta Internet-ka (website) www.unpos.unmission.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.