Home » Faallo »

Intii aan qabyaaladda iyo balaayada bilaabay!

Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Wuxuu ahaa nin sheekha oo aan muddo dheer saaxiib ahayn, waayadaan dambena wuxuu dacwada ka dhex wadey soomaalida u qaxday Yurub. Markii salaadda cishaha laga soo baxay ayaan isa salaanay, ka dibna labadayadii iyo labo nin oo kale ayaa isla jaanqaadnay. Intuba inta ka dhaqsa lehe wuxuu hadal iiga bilaabay: ninyohow aad iyo aad baa laguu jeclaa intaadan qabyaaladda iyo balaayada bilaabin!.

Markiiba waxaa igu soo degdegtay in sheekha kuwo faacilu khayra[1] ugu tabarruceen sheeko been abuura oo ay iga sameeyeen. Waxaan weydiiyey oo walaalow maxay ahayd qabyaaladda iyo balaayadaas kale?. Waa tan aad beryahaan dambe qorqoraysey buu iigu jawaabay. Oo maxay ahayd?. Waa waxa aad ku magacawday: Haasaawe siyaasadeed ama Maqaaxida shaaha!.

Maqaaxida shaaha

Mar dhawr bilood laga joogo ayaan qoray dhawr maqaal oo taxane ah oo aan ku suntay Haasaawe siyaasadeed ama Maqaaxida shaaha. Waxaan uga gol lahaa in aan si dadban dadkayga u baro dadkooda iyo dalkooda, isla mar ahaantaasna aan muujiyo inay bulshada Soomaaliyeed ku jiraan dad leh diin, aqoon, ra’yi, khibrad, xoog, xoolo, waji iyo daacadnimo oo aan ahayn inta maanta dhariga isku haysata. Taas waxaa ka dhalanaya in la fahmo in ay danta ummadda u taagan yihiin dad ka baxsan, kana daacadsan, kana tiro badan inta haanta gadaankeeda isku haysata.

Waxaan kaloo uga jeeday in aan muujiyo in haddii la is waraysto oo la wada hadlo la is fahmi karo, lana midoobi karo ama wax la wada qabsan karo ama ugu yaraan la isu garaabi karo. Waxaan hoga-tusaalaynayey in aan is colaadin iyo is kala qoqobid meel lagu gaarayn ee cadawga uun uu ka faa’iidaysanayo.

Waxaa kale oo aan jeclaysaneyey in dadkeenu wada dareemaan qiimaha dadkoodu ugu fadhiyo ha ahaato qof qof, qabiil qabiil iyo deegaan deegaane; waayo dad badan baa bulshada Soomaaliyeed ka yaqaan qabaa’ilka ay ka dhasheen, deeganadana inta beelohoodu dagaan, dadka qiimaha lehna intay wada dhasheen. Si kastaba ha ahaatee qormooyinka maqaaxida shaahu waxay si aan la dareemayn wax uga badalayeen xogta, dareenka, hab fakarka iyo mawaaqifta akhristayaasha. Anigu waan isku ciilkaambiyayey, akhristayaasha qaarkood oo saaxiibaday u badana way igu darraabayeen kala goynta taxanahaas, haddana waxaan rajeynayaa in si dhaqso ah dib loogu ambaqaado kulamadii maqaaxida shaaha.

Qabyaaladda iyo balaayadu meeye?

Dadka fadhiyey maqaaxida shaaha oo ka kala yimid shanta Soomaaliyeed waxay isla garteen in la is barto. Waxaa la goostay in nin walba sheego magiciisa, qabiilkiisa, deegaankiisa, takhasuskiisa, shaqadiisa iyo khibraddiisa. Ninna qabiil kuma faanin, qabiil nin kale ka dhashayna lama durin, dulmina la isugu ma habarwacan, la isugu mana hiilin ee waxaa muuqata qabyaaladda sheekhu sheegayo inay tahay is haybsigii iyo abtirsigii ragga is baraneyey sameeyeen. Balaayada uu sheegayna kama badna kaftankii iyo dooddii meesha ka dhacday.

Waxaa hubaala in sheekhu aqoon dheer u leeyahay diinta, dhaqankii muslimiinta, taariikhda islaamka iyo, sida loo sheegan jirey qabiilooyinka iyo sida wanaagsan ee muslimiintu uga faa’iidaysteenba. Waxaase muuqata inuu sheekhu ku indha kala qaaday, uuna garaadsaday xilligii kacaanka barakaysan dalka maamulayey ee sida la yiri qabyaaladdu mamnuuca ahayd, dareenkaasna uu ka adkaaday cilmigii iyo taariikhdii uu yaqaanay.

Qabyaaladda iyo taxanaha Galdogob ilaa Jibbuuti

Qormadaan uga ma jeedin in aan ku difaaco taxanihii maqaaxida shaaha, sheekhana qoraalkaan ugu ma jawaabayn oo waxaan hubaa inuu aniga ii naxayey oo uu is lahaa wadaadku muxuu waxa aan munaasibka ahayn isugu ceebaynayaa ee waxaan hordhac uga dhiganayey qormo kale oo taxane ah oo aan ku suntay: (Socodkaygii Galdogob iyo Jibbuuti .. muuqaallo iyo dareeno), qormadaas oo aan ka marnaan doonin qabyaaladdii iyo balaayadii sheekhu sheegay in la igu nacay!. Taxanaha (Socodkaygii Galdogob iyo Jibbuuti .. muuqaallo iyo dareeno) maalmaha soo socda ayaa si is daba jooga loo faafin doonaa, haddii Alle idmo.

Gabagabadii inta badan waxaynu ka fakarnaa sixidda gafafka iyo is afgaranwaaga dhexmara dad wada xun ama qaarkood xunyahay, waxaanse ka hawlyarayn sixidda gafafka dadka wanaag doonka ah iyo is fahamsiinta inta khayrdoonka ah ee bal si inta wanaagsani isu la jaanqaaddo aynu marka hore ku dadaalno sixitaankooda iyo is waafajintooda.

Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

[1] ) dirdiraalayaasha ayaa falkooda fooshaxun ku sheega: faacilu khayrnimo!.
…………..

Akhri qoraaladdii:
Haasaawe siyaasadeed ama Maqaaxida shaaha!.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Intii aan qabyaaladda iyo balaayada bilaabay! "

  1. Adam Abuzuhri says:

    Qof kasta oo maanta doona inuu lahadlo umada Soomaaliyeed waa shardi inuu ogaada in dadka uu lahadlayo ay jirian tahay oo utaagan difaac iyo maxaa soo yeerey, yaa loola jeedey. Qoraal aad horey usoo qortey ayaan ka akhriyey Somalitalk in haddii aad xamar tagto lagu saarayo xukun adigoon hadlin ama aan cidi lasafan!
    Sheekh, qoraaladaada iyo dhaqdhaqaaqii aad kagaysatay arimha Soomaaliya -ayaamihii maxaakimta waxay astaahilaan in lagu abaalmariyo haddii lahi lahaa cid wax abaal marisa oo Somali ah.
    Aniga kashakhsi ahaan waxan kugu qadarinaya inaadan maanta daraf ka ahayn waxa kadhacaya Soomaaliya, balse waxan layaabanahay sida aad kaga badbaaday!
    Wasalaamu Alaykum Warahmatullah