Cali Khaliif Gallayr Ra’iisal-Wasaarihii hore ee dowladdii lagu soo dhisay tuulada Carta ee dalka Jabuuti ayaa sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in Somaliland lagala hadlo sidii shirweyne loogu qaban lahaa magaalada Hargeysa, iyadoo la waafajinayo danaha Somaliland.
Raiisul Wasaarihii hore wuxuu dhaliilay hab uu sheegay inay ka jirto Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland, taas oo la xiriirta in lacag lagu qaato ciidan aan jirin oo Mushahar loo qoro sida uu yiri.
“Somaliland iyo Puntland waxaa ka jira Ciidamo aan jirin oo lacag lagu qaato, Miisaaniyadda Somaliland ma arag sanadkii ilaa labadii sano ee u dambeeyay oo malaha maba jiro, laakiin way jirtaa Ciidankaasi oo dadka ayaa lagu naas-nuujiyaa, miisaaniyadda Puntland-na waan ogahay oo iyana way ka jirtaa” ayuu yiri Cali Khaliif oo isaga oo ku sugan magaalada London Waraysi gaar ah siiyey Telefishanka Universal.
Mudane Galeyr wuxuu sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro sida uu yiri in iyada oo Somaliland danaheeda la fulinayo Ummadda Soomaaliyeed ee Koonfurta Shirweyne loogu qabto Magaalada Hargeysa. “Meelaha qaarkood laga raadinayo xalka Soomaaliya inay Hargeysa ka mid noqon karto ayaan qabaa, inta marba Gogol la dhigi lahaa meel aan dalka, dhaqankii iyo dadnimadii aanay oolin oo lagu qabanayo shirar, in Hargeysa lagu qabto ayaa wax badan uga suurtogalsan. laakiin, waa haddii rag ka fikiraan oo iyaga oo is-cunsiinaya danta Somaliland iyo danta Ummadda Soomaaliyeed ee kale lagala hadlo” ayuu yiri Cali Khaliif Gallayr, oo intaasi ku daray “Sababtoo ah, waynu ognahay Somaliland lafteeda ayaa dan leh oo ugu baahi badan, anigu waan ka qeyb galay shirarkii Burco iyo Borama ee lagaga dhawaaqay Somaliland, hadda 19-sano ayey maraysaa jirtaa Somaliland, markaas si dadka reer Somaliland u dan ah ha la yeelo.”
Mar uu Galeyr ka hadlayay qaddiyadda Madax banaani Somaliland hesho wuxuu sheegay in aanay ahayn in la qasbo, isla markaana wuxuu ka hadlay gobolka Sool oo uu sheegay in Xukuummaddu ka qaaday tallaabooyin isaga qalad ula muuqday.
“Anigu ma qabo in cidna la qasbo, laakiin sidii aan u diidanaa Diyaaradihii iyo Ciidamadii garaacayey Hargeysa waqtigii Siyaad Barre ayaan u diidanahay waxyaabaha aragtidayda ka socda Laascaanood” ayuu yiri Cali Khallif, hase yeeshee mar la waydiiyey in marka uu ka hadlayo Laascaanood ay tahay ujeedadiisu inuu u dhashay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yiri, “Maaha waan u dashay ee waxaan noqonayaa qof fikirka aan qabo (Soomaaliweyn) ay dhab ka tahay” wuxuuna intaasi ku daray oo uu yiri, “Waagii hore waxaan ogaa Somaliland oo tiri waan goosanay, Puntland lafteeda ayaanay ka marneyn oo uga orod badan {Somaliland} inay ka go’odo Soomaaliya inteeda kale, waxaana qabaa haddii dhulkooda ay nabad ka dhalinayaan Puntland iyo Somaliland oo aanay cidna wax ka qabin in loo daayo iyaga ayaa u faro-dhuudhuubane”.
Mudane Galeyr wuxuu naqdiyey xiriirka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya. “Kornaylo Itoobiyaan ah ayaa dhexfadhiya Garowe iyo Hargeysa, Koonfurtana iskaba daa hadalkooda, kuwaasina mid iyo laba toona maaha. Kama hadlayo oo in xiriir la yeesho lama diidin, gaar ahaan in Somaliland xiriir ka raadiso Itoobiya waa wax aan garan karo, laakiin waxa ii muuqata in wixii ay Soomaalidu lahayd ay meesha ka baxayso” ayuu yiri Cali Khaliif.
Gabagabadiina mar la waydiiyey Cali Khaliif inuu Siyaasadda ka baxay iyo in kale, ayaa waxa uu sheegay in hadda uu howl-gab yahay, isla markaasna uu kaba fariistay Macalinimada Jaamacad uu wax ka dhigi jiray oo ku taalla dalka Mareykanka, laakiin buu yiri Siyaasadda Soomaalidu Albaab laga galo ayey leedahay ee Albaab laga baxo ma leh oo meel un baa la dhex wareegaa ayuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisa Mr. Galeyr.
W/D Amiin Yuusauf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Aniga markii iigu horesay oo aan Cali Khaliif galeyr magaciisa maqlo waxey aheyd waagii hirkii Eldoret. waxuu magaciisa igu soo noqday markuu dhacayey shrkii dib u heshiisiinta Djibouti ee TFG iyo maxakamdah (qebta Shariif). Labadaa shir dhexdooda waa tuu geed gaaban iyo mid hdeer u fuulay ciid cunsiinta dawladii Ina Yuusuf. Haseyeeshee, goortii djabuuti la tagey waxaan ka war helay in uu isa sharaxey. Hade, waxa ka yeeray waan wada ogsoonahay marku ku guul dareystay doorashadii.
haatannna waaba kan doonaya inuu Puntland ciida afka u daro. Sabatuse nin waliba waa uu garan karaa.
Waxaa igu yaab ah, ninakan miyeysan afkiisa iyo maskaxdiisa iska war qabin. Waxaa la leeyahay waa Professor Public Policy iyo Management ah… Mindhaa caqligu wuxuu ku eg yahay Jaamacadda Minissota. Haatanna uu ka hawlgabey, waxaan isleeyahay caqligiina ka hawlgab. Marka yaanan wax xigmad leh laga sugin.
Wa billaahi Tawfiiq
Arinka uu Cali ka dhawaajiyey waa mid weyn.
Waxa uu ka niyad jabay siyasadii Muqdisho waxa uu la hadlayaa Somaliland iyo Puntland oo uu rabo in uu dhinac ka soo galo,waa anigu sida aan u fasirtey Cali hadalkiisa waxana wada nahay rag isku deegaan ah oo ka wada yimi,Hawdka,,arinku waxa weeyaan Geeljire Geela waa isku darsada marka ay is fahmi waayaana waa ay kala soocdaan,,Somaliland iyo Puntlandv ayuu dhiira galinaya in ay rajo beeshay siyaasadii Muqdisho?
Prof-ka hadalkiisa iyo siyaasadiisaba waala fahmay, waana siyaasi weyn, oo soomaalinimadana ay ku weyntahay, wuxuuna tilmaamay is soomaaliland ay laf toobin ku heyso, iyadoo heysata fursado ay kaga faa’iideysan karto haddii ay lahaan laheyd siyaasad wax loo soo jiito in ay gogol soomaalinimo ay u fidiso kooxaha magaalada Muqdisho ku dagaalamaya si ay uga dhameysato danaheeda…taas ayuu utilmaamay.
Prof..dadkaan hadalkaaga ma fahmi karaane…iskadaa yeysan ku wareeerinine.
Ali Khalif waxaa la gudboon in uu faraha kala baxo siyaasadda somaliya .
Nin wayn wedkiisa waa yaqaan .
Waxay ila tahay in aad caliyow cashar fiican ka baratay doorashaddii ugu dambaysay ee jabuuti ka dhacday .
Waxaa la gaaray wakhtigii aad iska nasan lahayd .
Odaygu siyaasdiisu waa mid ka tarjunta hadba meesha dantiisa uu u malayo in ay ku jirto. Siyaasada kuma fiicna.. laakiin macalinimo ayuu ku fiicanyahay..
Yaa fahmay Cali Khalif Galeyr hadalkiisa nuxurka ku jira iyo sababta uu ugu soo beegay hadda?