Home » Warar »

Sheikh Mohamed Sayid Tantawi oo dalka Sacuudiga ku geeriyooday.

 
Alle ha u naxariistee waxaa xaley dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ku geeriyooday sheekhii jaamacada Al AZhar, Sheekh Maxamed Sayid Dandaawi.
 
Sheekh Maxamed Sayid Dandaawi waxaa uu dalka Sacuudiga u tegey si uu uga qeybgalo munaasabad abaalmarino lagu gudoonsiinayey ardey jaamacadeed, waxaana munaasabadaasi ku casumay boqorka dalka Sacuudiga Boqor Cabdallah.
 
Sheikh Mohammed Sayed Tantawi waaxa uu dhashay sanadkii 1928 iyadoo da’da 81 uu hada ku geeriyooday.
 
Madaxwaynaha dalka Masar Husni Mubaarak March, 2010 waxa uu Shiekh Tantawi u magacaabay in uu noqdo Imaanka Masjidka Al-Azhar sidoo kalle Shiekh Tantawi ayaa ahaa Madaxa Jaamacada Al-Azhar oo ah Jaamacad ay dadka Islaam-ka si weyn ugu weyn.
 
Allaha u naxariitee Sheikh Tantawi waxaa lagu xasuusan doonaa arrimo badan oo ay ka midyihiin Indha shareerka oouu si weyn uga hadlay  iyo arrimo kalle oo Muhiim ah.
 
Ibraahim Da’ud Abdalle
sayfudiin@gmail.com
Somalitalk-Kenya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.