Home » Warar »

Faahfaahin Dheeraad ah Dagaalkii Arbacadii ka dhacay Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxayso dagaalo iyo duqeymo Arbacadii  ilaa maqribnimadii Khamiistu soo geleysey ka dhacayey Magaalda Muqdisho iyo sheegashada dhinacyada ee guulaha ay kala gaareen

Dagaal iyo duqeymo is barbar socday oo ka soconayey qeybo ka tirasan xafadaha Magaalada Muqdisho oo soo garey gabaldhicii

Dagaaladan oo bilowday Arbacadii aroortii xiliga salaada ayaa waxay ku faafeen xaafadaha waqooyiga Magaalada Muqdisho sida Cabdicasiis, Shibis, Yaaqshiid, Maanbolyo ,kaaraan waxaana ay risaastu gareysay qeyb ka fogfog halka dalaaku ka soconayey sida ay ku soo waramayaan dad ka fog fog halka dalaaladu ka dhacayaan waxaana dhinacyadu isu adeegsanayaan madaafiicda hobiyaha qoryaha lidka diyaradaha ,B-M ka iyo madaaficda garbaha laga rido .

Meelaha ay madaafiicdaasi ku dhacday waxaa ka mid ah suuqa arjantiin ee dagmada kaaraan iyo sidoo kale suuqa juungal ee dagmada yaaqshiid Magaalada Muqdisho .

Mid ka mi dah dadka degaanka suuqa juungal oo saxaafada u waramayey ayaa sheegay in uu indhihiisa ku aryey inta dhimasho iyo dhawac ay geysteen madaafiicda ku hoobaneysay xaafada ajantiin ee magaalada Muqisho .

Goobjogahaan oo diiday in magaciisa la xuso sababo amaan darted  in xaafada juungal ay ku dhaceen “madaafiic said ah in ka bada 15 madfac ayaa ku soo dhacaday waxaana ugu daran suuqa juungal iyogoob kale oo uu ku sheegay afarta geed oo isla xaafada ka tirsan .

Goobjoogahaan ayaa sidoo kale sheegay in uu indhihiisa ku arkay dhimashada ilaa 9 qof oo rayid ah isaga oo sheegay inuu sidoo kale arkayey 13 qof oo qaba dhawacyo kala duwan
Madaafiicdaan ayaa socotay maanta oo dhan, balse 10-saac xilliga magaalada Muqisho ayaa waxaa la soo rakibtay qoryaha BM-ka, kuwaas oo raxan raxan u dhacayey markiiba 21 madfac ayaa isku meel ku hoobaneysay ayuu yiri isaga oo codkiisa caro lag adareemayey
Dadka deegaanka ayaa bilaabay in ay guryahooda isaga cararaan tiiyoo aysan garaneynin meel ay aadaan kuuna sheegaya in aysan meelna u qorsheysneyn

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dadka dhintay iyo kuwa dhawacmay ay dhamantood wada yihiin dadkii deegaanka oo waa la wada garanayaa isaga oo intaa raciyey in meydadkii guryahay lagu xareeyey
Intii ay socdeen duqeynaha iyo dagaalada waxaa dadka daad gureynayey gaadiidka gurmadka deg deg ah ee ambalaazta oo ay keenta shirada isgarsiinta ee nation link .
Dadka qaar ayaa kala garan wayey meel ay ka yimaadeen iyo halka ay u socdaan ka dib markii ay madaafiicdu bilaabatay deegaanka oo u badan guryo jiingado ka sameysan darted waxay waayeen meel ay gabaad ka dhigtaan inta badan dadka rayidka ah ee ay waxyeeladu soo gaadhay .
 
Duqeymahaan galabta ilaa saaka lagu garaacayey qeybo ka tirsan waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka horeeyey dagaalo iyo duqeymo maalmihii la soo dhafay ka dhacay inta badan xaafadaha Magaalada Muqdisho waxaana ka mid aha kuwa ay isaga horimanayeen ciidamo ka wada tirsan kuwa dowlada KMG Somaliya kuwaas oo geystay qasaara isugu jira dhimasho iyo dhawac kala duwan iyo sidoo kale dilal si gooni gooni ah uga dhacay deegaana ay gacanta ku hayaan xoogaga Muqaawimada kuwaas oo shalay oo iyo doraad lagu dilay tiro gareysa 5 ka isugu jirta xarakada mujaahidiinta alshaab iyo ururka xisbul islaam kuwaas oo aan weli jirin cid sheegatay in ay ka danbeysay dilalka loo geystay xubnaha iyo saraakiisha xarakada shabaab iyo xisbul islaam

Dagaalada manta ka dhacayey muqdisho ayaa waxaa ay u dhaxeeyaan ciidamada xarakada Mujaahidiinta alshaab iyo cidamada dowlada oo garab iyo gaashaanba ka helayo ciidamda Midowga Africa ee AMISOM .
Dagaaladii ugu danbeeyey ee ilaa manata ka socday qeybo badan oo ka tirsan xafadaha Mgaalada Muqdisho ayaa la soo warinayaa in ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 20 qof halka dhawacana u garayo 52 qof .
Dagaalka ayaa waxaa guulo ka kaal sheegtay xarakada mujaahidiinta alshaab iyo dowlada fadaaalka KMG somaliya

Afahyeenka Mujaahidiinta alshaab Sh Cali Maxamed Raage ayaa saxaafada u shegay in ay guulo wax ku ool ah ka gaareen dagaalkii ay la galeen cidamada AMISOM iyo ciidamada Dowlada Fadaralka KMG somaliya ka dib markii ay saaka weerar kadis ah ku qaadeen fadhiisimo ciidamada dowlada KMG somaliya ay ku lahaayeen qeybo ka tirsan dagmooyinka waqooyiga Muqdisho wuxuuna afhayeenku intaa ku daray in intii badneyd ay la wareegeen goobihii saaka uu iska horimadku ka dhacay wxuuna shegay in xiliga uu haladyey uu ku sugnaa hotel gbolab ee magaalada Muqdisho isaga oo shegay in ay jiireen difacodii labaad Afahayeenka ayaa shaki ka mujiyey in mardhow ay isku wareysan donaan mujaahidiintu dagmada xamar weyne iyo gudaha madaxtooda waa sida uu hadalka u dhigaye .
 
Sidoo kale Afhayeenka wasarada warfaafinta ee dowlada Fadaralka KMG somaliya Cabdirasaaq Maxamed qeylow ayaa ka hadlay dagaaladii manta oo ahaa kuwo faraha la isula tagay wuxuuna carabka ku adkeeyey in aysan jirin wax goobo ah oo lagala wareegay ciidamada dowlada Fadaraalka KMG Somaliya  fadhiisimihii ay ku lahaayeen dagmooyinka waqooyiga Magaalada Muqdisho

    
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666 

Dagaalo culus oou dhaxeeyo ciidamada dowlada & AMISOM iyo xoogaga dagaalka kula jira oo ka dhacay qeybo ka tirsan xaafadaha waqooyiga Muqdisho

Dagaalkaan oo la isu adegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan iyo madaafiicda lidka diyaradaha ayaa waxaa ka qeybqaadanaya tangiyada iyo gawaarida Gaashaaman qoryahay B.M -ka ciidamada Midowga Africa ee AMISOM kuwaas oo garabsiinaya ciidamda dowlada FKMG .

Saaka waaberigii xiligii salada subax ayaa waxaa magaalada oo dhan wada gaarey gugaca madaafiicda lidka diyaradaha iyo taangiyada dhawaqaas naxdinta leh ayaa inta badan dadka muqdisho hurdada ka toosiyey inkasta oo ay jiraan figrado kala duwan oo laga bixinayey qaabka uu dagaalku ku socdo .

Dagaalka xoogiisa ayaa ka soconaya qeybo ka tirsan waqoyiga Magaalada Muqdisho sida kaaraan iyo cabdicasiis iyada oo ciidamadu haatan iskuhorfahdiyan inta u dhaxeyso hotel GLOBAl iyo bar FIAT oo waayadii u danbeysay ahaa xadka kala qeybiya dhulka ay ka taliso dowlada FKMG iyo xoogaga muqaawimada

dagaalka oo weli soconaya ayaan laga warheynin inta uu la egyahay qasaaraha soo gaarey dhinacayada dagaalamaya iyo dadka rayidka ah ,warar hordhac ah oo ka soo baxaya goobaha ay dagaaladu ka soconayaa ayaa shegaya ay dhimashadu si cagacageyneyso ilaa Afar ruux halka dhaawacuna garayo il 9 kale. ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalka isaga soo horjeedo.

Waxaana jiri kara in ay so bataan isku dhacyada iyodagaalada ka dhacaya qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho waxaana dhinac socdo madaafiic waaweyn iyo qoryahay lidka dilyaradaha iyada oo ay jiraan barakac ay bilabeen dadkii yaraa ee ku harsanayaa xaafadaha dagaalku ka soconaya .

base maxaa jira daganaansho laga dareeemayo xaadafada la jaarka ah halka dagaalku ka soconay sida xafadaha boondheere shangani ,mana bolyo iyo yaqshiid 
 
 
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.