Home » Maqaallo »

Fiitamiin-D | Abdirahman Hashi

Fitamiinadu waxay aad muhiim ugu yihiin jidhka, waxaanay ka qeyb qaataan falgalo badan oo ka dhaca jidhka taas oo fududeysa in uu dheefshiidku si fiican u shaqeeyo.
 
Fitamiinada waxa loo qeybiyaa laba qeybood oo kala ah, qeyb ku milanta dufanka iyo qeyb ku milanta biyaha. Kuwa ku milma dufanka waxay kala yihiin: A, D, E iyo K, fiitamiinadani si uu jidhku u qaato waa in ay cuntada aad cunaysaa ku jirtaa dufan. Fiitamiinadani waa lagu sumoobaa hadii ay jidhku ku bataan sababtoo ah waxay ku keydsamaan oo ku ururaan jidhka, jidhkuna iskama soori karo. fiitamiinadani waxa laga helaa cuntooyinka ay ka mid yihiin saliidda, khudaarta wax lagu karsado, hilibka, beerka, subaga, kaluunka iyo beedka intiisa huruuda ah.
 
Fiitamiinada ku milma biyaha waxay kala yihiin: sideed nooc oo B fitamiino ah (B1, B2, B3, B5, B6, B12, Biotin iyo Folic acid) iyo fitamiin C. Fiitamiinadani jidhku wuu iska saari karaa oo waxay soo raacaan kaadida hadii ay ku bataan jidhka sidaas darteed laguma sumoobo kuwan, fiitamiinadani waxa laga helaa cuntooyinka ay ka mid yihiin khudaarta sideeda loo cuno iyo khudaarta wax lagu karsado, hilibka iyo caanaha.
 
Hadaba hadaan u soo noqono Fiitamiin-D sidaan hore u soo sheegnay waa fiitamiinada ku milma dufanka waxaanu jidhku sameystaa marka iftiinka cadceedu ku dhaco maqaarka, ka dib waxa uu jidhku ku keydsadaa fitamiinkan Beerka, Beeryaradda, Maqaarka iyo lafaha. Fiitamiinkani ma sameysmo hadii la isku dhigo cadceeda sanaaciga ah (Solarium) ama la isku dhigo falaadhaha cadceeda ee ka soo gudbaya daaqadaha qaruuradaha ka sameysan.
 
Shaqada fiitamiin-D
 
shaqada ugu weyn waa in ay gacan ka geysato in uu jidhku qaato macdanah muhiimka ah ee kala ah Kaalsyamka (Calcium) iyo foosforka (Phosphor) kuwan oo ka qeyb qaata dhismaha lafaha. Waxay fiitamiin-D door weyn kaga jirtaa xinjirawga dhiigga, waxa kale oo ay ka qeyb qaadataa shaqada unugyadda difaaca jidhka, unugyadda dareemayaasha iyo wadnaha.
 
Dhibaatada ay keento yaraanta fiitamiin-D
 
Yaraanta fiitamiinkan waxay caruurta u keentaa cudurka la yidhaahdo ”Rickets” kaas oo ah in ay caruurtaasi yeeshaan lugo jilacsan oo kala qalqalooca dadka waaweyna waxa uu ku keenaa cudurka isna loo yaqaano ”osteomalacia” cudurkan oo isna sababa in luguhu jilcaan oo ay xanuunaan dadka waaweyn. Waxa kale oo yaraanta fiitamiin-D keentaa ilko daadasho, daal, neerfas iyo tamar la’aan.
Baadhitaano la sameeyey sanadihii ugu danbeeyey waxa lagu ogaaday in ay qofka ay ku yartahay fiitamiinkani uu khatar ugu jiro cudurada ay ka mid yihiin, kansarka, wadna xanuunka, macaanka, romatiisamka ama lafo xanuunka iyo autismka ama cudurka aanay caruurtu hadlin.
 
In inee le’eg ayuu qofku u baahan yahay maalintii?
 
Taasi waxay ku xidhan tahay arimahan:
A: in intee le’eg ayaad banaanka u baxday oo aad cadceed satay waayo hadaad inta badan guriga ku jirto waxa yaraanaya fiitamiinka uu jidhku ka sameysan lahaa ilayska cadceeda.
 
B: da’daada oo marka qofka da’diisu weynaataba waxa yaraada awooda uu jidhku ku sameysan karo fiitamiinkaas.
 
C: nooca maqaarkaaga (madaw ama cadaan) waxa la ogaaday in dadka jidhka madawi u baahan yihiin wakhti ka badan qofka jidhka cad inta uu jidhkiisu ku sameysanayo fiitamiin ku filan waayo ”pigments” ama maadada midabka u yeesha maqaarka ayaa ku badan dadka madaw sababtoo ah maqaarka madaw ma sii daayo ileys badan oo ka cadceeda ha.
 
D: Waxa kale oo ay inta loo baahan yahay fiitamiinkani ku xidhan yahay xooga ay leeyihiin falaadhaha cadceeda oo falaadhaha cadceedda ee wakhtiyga xagaaga ee Yurub iyo Ameerika way ka daciifsan yihiin ama ka taag daran yihiin cadceeda ka jirta meelaha kulul sida afrika iyo Aasiya sidaas darteed waxa uu u baahan yahay qofka Yurub iyo ameerika jooga in uu wakhti badan qaato falaadhaha cadceeda.
 
Marka arimahaas laga soo tago hadan waxa la isla gartay in baahida qofeed ee maalintii tahay sidan:
 
Caruuurta ilaa 2 sano jir                             10 micrograms
Rag/Dumar                                                7,5 micrograms
Qofka ka weyn 60 jir                                 10 micrograms
Haweenka uurka leh                                   10 micrograms
Haween jaqsiinaya                                     10 micrograms
 
 
Cuntooyinka laga helo fiitamiinkan
 
Meesha ugu fiican ee laga heli karo waa falaadhaha cadceeda oo jidhka ku dhac ka dibna jidhku ka sameysto fiitamiinka. Waxa iyana jira cuntooyin laga helo fiitamiinkaas oo ay ka mid yihiin kaluunada dufanka leh sida, Herring, Mackerel, Sardines, Salmon. Waxa kale oo laga helaa subaga, Beerka, beedka intiisa huruuda ah, caanaha duxdu ku yartahay ee ay tahay 1,5% ama 0,5% iyo ciirta kuwaas oo lagu daray fiitamiin-D.
 
Sideen u heli karnaa fiitamiin-D inagu filan?
 
Dibada u bax wakhtiyada falaadhaha cacceedu jiraan gugga, xagaaga iyo deyrta waa hadaad ku nooshahay wadamada Yurub iyo Ameeraka iyo Kanada.
Cun Kaluun 2-3 sadex goor todobaadkii.
Cab caanaha dufanku ku yar tahay ee lagu daray fitamiinkan.
 
Sii caruurta da’doodu ka yartahay 5 jir dhibcaha fitamiin-D
 
Sidaan la socono caruurta ku dhaqan wadamada galbeedka badankooda waxa la sii yaa caruurta da’doodu ka yar tahay 5 sanadood maalin kasta 5 dhibcood oo ah fiitamiin-D, waayo waxa ku yar wadamadaas ileysa cadceeda gaar ahaan wakhtiga jilaalka ee qabaw iyo barafba jiraan. In caruurtaa loogu dadaalo siinta fitamiinkan maalin kasta aad ayey muhiim u tahay waana xil saaran labada waalid ee ilmahaas dhalay.
 
Ha isku badinin fiitamiin-D
 
Hadii la iska badiyo fiitamiin-D sida in ka badan 50 mikrogram maalintii waxay keenaysaa dhibaatooyin sida lalabyo ama yalaalugo, kaalsiyamta oo ku badata dhiigga, dhiig kar iyo cunto xumo.
 
Warbixin kale oo ku saabsan fiitamiin-D oo faa’iido leh
 
Waxaan mudo aan fogeyn la kulmay gabadh aqoon u leh cuntada iyo nafaqadeeda (Dietitian) waxaanay ii sheegtay baadhitaan aan wali la soo saarin ama la daabicin oo ay iyada iyo khubaro kale oo iskugu jira dhakhaatiir iyo cunto yaqaan ay ku sameeyeen Dumarka xijaabka qaata iyo kuwa aan qaadan ee wadamada bariga dhexe iyo qaar ka mid ah kuwa afrika oo ay Soomalidu ku jirto waxaanay ka baadheen xadiga fiitamiin-D ku jira jidhkooda waxaanay heleen in labadaa kooxoodba xijaabka iyo xijaab la’aantaba ay ku yar tahay fiitamiin-D sababtana waxay iigu micnaysay in ay tahay laba arimood. 1: dadka maqaarka madaw ay u baahan yihiin wakhti ka badan in ay cadceeda isku dhigaan sababtoo ah maqaarka madaw waxa uu leeyahay wax loo yaqaan ”pigment” taas oo ah maado midab u yeesha maqaarka oo ka celisa falaadhaha cadceeda jidhka, taas ayaa keentay in Dumar badan oo ka yimi wadamo kulul markii ay halkan yimaadeen heli waayey cadceed ku filan.
2: Ta kalena waxay tahay u bixitaanka dibada ama cadceeda ayaa ku yar Dumarkaas. Waxaan waydiiyey gabadhaas oo kuma xidhna xijaabka waxay iigu jawaabtay maya marka la eego natiijada aan helnay taasina waxay cadaynaysaa wax kasta oo Ilaahay aadamiga ku waajibiyey in aanay dhibaato lahayn. Waxa kale oo aan waydiiyey Ragga ka waran waxay tidhi waxaad dhaantaan Dumarka laakiin Raggiina madaw wuu yar tahay fiitamiinkaasi, markaasaan idhi malaha waxa u sabab ah Raggu way ka bix bixid badan yihiin Dumarka waxay iigu jawaabtay haa waa sidaad u tidhi.
 
Intaa ka dib waxay tidhi waxaan idinkula talinayaa in aad caruurtiina ka yar 5 jir siisaan kiniin fiitamiin-D ku jiro maalin kasta, Dumar iyo Raggba aad qaadataan kiniinka fiitamiin-D maalin kasta, waxa kale oo aan idiin kugula talinayaa in aad cabtaan caanaha dufanku ku yar yahay 1,5% iyo 0,5% caanahan oo lagu daray fiitamiin-D.
 
waxaan ka qeyb galay muxaadaro lagaga hadlayey fiitamiin-D oo ka dhacday Jaamacadda magaalada aan degan ahay, wax yaabaha ku jiray muxaadaradaa waxa ka mid ah in Ragga maraykanka madaw in ay yihiin Ragga aduunka oo dhan ugu badan ee uu ku dhaco kansarka xubinta taranka ee Ragga ee la yidhaahdo (prostate cancer) sababtoo ah waxa ku yar fitamiin-D taasina waxay ku timi ayuu yidhi Dhaktarkii casharka jeedinayey jidhkooda madaw oo u baahan mudo badan in falaadhah cadceedu ku dhacaan si uu u sameeyo fiitamiin-D.
 
Warbixin dhawaan ay soo qoreen warbaahinta Sweden waxay soo qoreen in caruurta soomaalida ee qaba autism ay 4 goor ka badan yihiin caruurta kale sababaha la tuhun sanyahay ee arintaa keentaana tahay yaraanta fiitamiin-D, laakiin wali la baadhayo si cilmi ah.
 
 
 
Wixii faaleyn ama talo ah iigu soo gudbi mailkan:
 
ahashi60@hotmail.com
 
© Abdirahman Hashi 2010

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.