Home » Maqaallo »

Xalinta Khilaafka Soomaaliya: 20kii Sano ee Aynu Saarneyn Qabiilka iyo Qori Caaradiis

W.Q. Axmed Q. Faarax1,

Hordhac

Tan iyo intii ay bur burtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa kasoo wareegatay kudhawaad 20 sano, oo ay bulshada Soomaaliyeed lasoo gudboonaadeen dhibaatooyin waa weyn iyo khasaarooyin naf iyo maalba leh. Waxaadse weli dareemeysaa in xaaladda Soomaaliya ay, “tahay faanoole fari kama qodna”. Dad badan oo Soomaaliya ka qaxay iyo kuwo iskood u hayaamay intuba waxaa soo wajahay dhibaatooyin farabadan, hasayeeshee, waxay intooda badan niyadda kudhisanayeen in mar un ay dowlad Soomaaliya ka dhalato oo ay soo noqoto kala dambeyntii, in la helo maamulka shaqeynaya iyo in laga degi doono qoriga caaraddiis oo aynu soo saarneyn 20kii sano ee ugu dambeeyay nolosheena, hadii aynu nahay Soomaali, yar iyo weynba. 

Qaxa iyo dhibaatada, is bar bar yaacii dhibaatada badnaa, nabad la’aanta, wax soosaar la’aanta, horumar la’aanta, waxbarasho la’aanta soo wajahday da’yarta Somaaliyeed, abbaaraha isdaba jooga ah oo isugu jira kuwo ay aadanaha keeneen iyo kuwo rabaani ah intaba waxaa uga sii diray bulsha weynta Soomaaliyeed dilka, dhaca, kufsigga, is miidaaminta aan loom meel dayin ee aan raad la taaban karo ku laheyn diinta Islaamka iyo difaaca danaha qolyo-diimeedka dhawaan ka soo ifbaxay Soomaaliya. 

Dagaaladdii Sokeeye

Waxaan sikooban maqaalkan diiradda kussaari doona sida uu dagaalkii sokeeye ku bilawday iyo wajiyada kala duwan ee uu hadba mar soo joogay iyo maanta meesha uu marayo iyo sida ugu haboon ee loo maareen karo in la joojiyo dagaal dambe oo Soomaaliya kadhaco, mustaqbalka dhaw iyo kan fog intaba. Hadii aan ku bilaabo, horaantii sanadka 1991kowdii waxaa Soomaaliya ka qarxay dagaalkii sokeeye ee aynu dhamaanteen kawada dheragsanahay sida ba’an ee uu qof walba oo Soomaali ah u saameeyay. Waxaa uu dagaalkii sokeeye soo maray wajiyo kala duwan oo isugu jira kuwo fool xun iyo kuwo laoran karo waxa ay ahaayeen horumar dhanka xoriyadda ganacsigga iyo suuqa xorta ah, hasayeeshee, sidoo kale waxa uu soo maray marar badan oo ay bulshada Soomaaliyeed ku habsadeen dhibaatooyin xanuun xagga maskaxda ah reebay oo isugu jira macluul iyo geeri aan kala go’laheyn. 

Waxuu soo maray, marar badan oo ay wiil iyo aabihiis hub isu qaataan iyo marar badan oo ay wiil iyo abtigii isu hub aruursadaan intaba. Balse, waxaa been yiri dhamaanba wajiyada uu soomaray dagaalkii sokeeye midka maanta taagan oo ah in uu isu rogay mabda’ diimeed. Hadii aynu nahay bulshada rayidka ah, waxaan oran jirnay mar hadii uu inaga dhamaan lahaa dagaalka sokeeye ee ku saleysan qabyaaladda! Balse marna isma aynaan oran, hadii uu istaago dagaalka sokeeye, maxaa badeli doona ee laga yaaba in ay yimaadaan? Run ahaantii, dagaalka mabda’a waxa uu ka kululyahay kana xanuun badan yahay kan qabiilka, waayo waa kan badelikara maskaxda da’yarta Soomaaliyeed ee u dhiibi kara miinooyin, kuna sababi kara in ay isku miidaamiyaan dadyow aan waxbo galabsan, sida; dhacdadii naxdinta laheyd ee bishii December 3deedii oo ay ku geeriyoodeen arday farabadan oo qalinjibineysay iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda kumeelgaarka.

Xalinta Khilaafaadka Soomaaliya

Sida aan wada ogsoonahay, si loo helo xal waara loona xaliyo khilaafaadka xaga siyaasadda qabiilka iyo halganka loogu jiro kursigga laguma fadhiistaanka ah ee ay Soomaali oo idil u loolameyso ee ah in mar un Soomaali loo taliyo, waxaa la qabtay shirar farabadan oo intooda badan ay ku dhamaadeen fashilaad iyo in qodobadii la’isla meel dhigay iyo heshiisyadii lakala saxiixday intuba ay noqdeen kuwo aan madashii shirka horay u dhaafin. Illaa iyo hada cid farta ku fiiqi karta sababaha dhabta ah ee dhaliyay in shirarkaasi badankood ay fashilmaan majiraan, hasayeeshee, inta badan waxaa afka lagu hayaa in ay dhamaantood ahaayeen kuwo ay isugu yimaadeen qolyo dana gaara watay, doonayayna un in tooda ay meel marto. Sidoo kale, inta badan dadka indha indheeya xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan, kuwa u dhashay dalkan dhibaateysan ahna seynis yahaniin xagga culuumta siyaasadda oo si gaar ah ula socota hadba meesha ay mareyso xaaladda Soomaaliya, waxa ay sheegaan in sababaha dhaliyay in ay shirarka badan kood fashilmaan ay tahay in dhamaanba qeybaha ay bulshada Soomaaliyeed ka koobantahay aysan kasoo qeyb gelin shirarkaas oo idil. Hasayeeshee, labadii shir ee ugu dambeeyay, ee lagu soo kala doortay Cabdullahi Yuusuf Axmed iyo Sh. Shariif, ayaa waxa ay ahaayeen kuwo rajo weyn geliyay dad badan oo Soomaali ah, ha ahaadaan kuwo kusugan Soomaaliya ama dibedda dalka.  

Sidoo kale, shirkii Carta ee lagu soo dhisay dawladdii Cabdiqaasim Salaad Xassan, isna waxa uu ahaa midkii ugu horeeyay ee ceynkii oo kale ah ee ay bulshada Soomaaliyeed u riyaaqday balse aan noqon sidii laga filayay ee durbadiiba ku dhamaaday, wax tar la’aan iyo gaabis xagga amaanka ah. Intaasi waxaa dheer in dhamaanba shirirkii guul dareystay aysan helin taageero caalami ah balse, labadii shir ee ugu dambeeyay waxa ay hantiyeen qalbigga bulshada caalamka oo markan aad moodo in uu u heelanyahay in loo helo xal khilaafaadka Soomaaliya. Waxa ugu weyn ee  bulshada caalamka ku dhaliyay in ay ka shaqeyso xal u helidda khilaafaadka Soomaaliya, waxa lagu sheegaa in ay tahay burcad badeedda iyo xoogeysigga kooxaha mayalka adag ee lawareegay qeybo badan oo katirsan koofurta Soomaaliya, loona arkay in ay kuyihiin qatar amaanka dawladdaha deriska la’ah Soomaaliya, waa Kenya iyo Ethiopia e. 

Diinta iyo siyaasadda

Dawladda mareykanka waxa ay caan ku tahay kala saaridda diinta iyo siyaasadda, marka laga eego dhanka tastuurka dalka qaabka uu u qoran yahay, isla markaasna waxaa aad looga dareemaa in ay labaduba isku dhex-milan yihiin ee uu midba midka kale lashaqeeyo, marka aad u kuur gasho qaab dhaqameedka bulshada reer Mareykan iyo dawladda mareykankaba. Soomaaliya ayaa waxaad moodaa in ay kusoo dhawdahay marka laga eego qaab nololeedka bulshada Soomaaliyeed. Waayo, Soomaliya waxaa kunool dadka isku afkaar-diimeed ah marka laga eego dhanka u heelanaanta isku xukumidda Shareecada Islaamka, balse waxa ay dadku isku khilaafsanyihiin, sideen isugu xunnaa diinta iyo goorma ayay ku haboontahay in aynu isku xukunno diinta Islaamka? Iyada oon loo helin jawaab suaalahan kore (ee kala ah, sidee iyo goorma,) waxaa aad u adag in loo helo xal, khilaafaad-diimeedka dhex yaal bulshada Soomaaliyeed. 

Intaa waxaa dheer, bulshada Soomaaliyeed waxa ay caan ku tahay in ay marba ninka maamulka lawareegga ay u tamashleeyaan oo ay hadba ninka usita ay u sacaba tumaan, taasi oo aysan macnaheedu aheyn in ay taageersan yihiin (100%) qolyaha la wareegay maamulka balse ay un eeganayaan danahooda amaanka. Hasayeeshee, dadka kale ee kor kala socda xaaladda Soomaaliya waxaa aad ugu adkaaneysa in durbadiiba ay ka bixiyaan sawir maskaxeed macne buuxa sameyn kara, si loo fahmo khilaafaadka Soomaaliya iyo cidda ay tahay in lagu taageero hawlaha ay ka wado dalka Soomaaliya iyo cidda ay tahay in laga digo in uusan hoggaanka gacanta u gelin. Hadii aan dib u jaleeco, markii ay Maxaakiimta Islaamigga lawareegeen maamulka magaalada Muqdishu waxaa aad looga dareemay meel walba oo ay Soomaali kaga nooshahay caalamka in ay tahay fursaddii ugu dhaweyd ee ay Soomaaliya sharafteeda kusoo noqon laheyd balse ay noqotay un bilowgii is bar baryaac kale oo dhibaato badan oo weliba wax weyn ka badalay sooyaalkii siyaasadda Soomaaliya oo kusaleysneyd qabiilka, kana dhigtay mid jahwareersan kuna saleysan mabda’ diimeed. 

Xal u helidda khilaafaadka 20 jirsaday

Hadaba side baa loo xalin karaa khilaafaadka Soomaaliya ee labaatan jirsaday? Jawaabta su’aashan, cid heysaa hadii ay jirto, waxaa aad u sahlanaan laheyd in islamarkiiba laga gudbo dhibaatooyinka ay bulshada Soomaaliyeed ku sugantahay, loona gudbo waji ah in la helo amni iyo kala dambeyn iyo horumar lataaban karo oo la hiigsado amaba la gaaro. Jawaabta su’aashan ayaase ah mid aan la heyn, balse agtaal qof walba oo Soomaali ah ayna tahay in uu iska bilaabo isaga iyo qoyskiisa, qabiilkiisa, deriskiisa, xaafaddiisa, tuuladiisa, degmadiisa iyo magaaladiisa illaa heer gobolna ay noqoto mid kasoo bilaabata heer hoose una soo ifbaxda ilaa heer kore. Taasi macnaheedu, waa in aysan isku haleyn dadyowga maanta horboodaya siyaasadda guracan ee ay Soomaaliya soo saarneyd 20kii sano ee ugu dambeeyay, taas oo aheyd, taqasuskii qabiilka iyo qorigga caaraddiis ee ahaa un qaabka kaliya ee ay tahay in aad u noolaato hadii aad dooneyso in aad ku noolaato Soomaaliya oo aadan dooneyn in aad ka qaxdo ama aad ka hayaanto Soomaaliya.  

Gunaanad

Dadka lafagura xaaladda siyaasadda iyo xal u helidda khilaafaadka Soomaaliya, waxa ay inta badan afka ku hayaan in loo xaliyo khilaafaadka Soomaaliya qaab kusaleysan diblomaasiyad, ayna tahay in aan laguba dayin xal u helidda khilaafaadka Soomaaliya qaab hubeysan. Sidoo kale, waxa ay in badan ka dhawaajiyaan in la helo ciidamo cududoodu xoogantahay oo ka baxsan kuwa dawladaha deriska la ah Soomaaliya si ay u fuliyaan hawlgallada hub kadhigista ah ee aad muhiim u ah si loo helo nabad waarta oo ka dhalata Soomaaliya. Iyo weliba in la dhiso ciidan xoogan oo Soomaali ah oo kara in ay sugaan amaanka bulshada Soomaaliyeed. 

Hadii aynu ka bilowno maanta, sidee loogu heli karaa xal waara khilaafaadka Soomaaliya? Si loo helo nabad waarta, loona hakiyo dagaalo kale ee ay ku dhintaan bulshada Soomaaliyeed, waxaa dawladda maanta jirta lagudboon in ay xoogga saarto dibuheshiisiinta, iyada oo ugu baaqeysa dhamaanba kooxaha kasoo horjeeda, una yabooheysa in ay u sameynesyso tanaasulaad xagga maamulka ah hadii ay doonayaan qolyahaas ka soo horjeeda in xal loo helo khilaafaadka Soomaaliya. Sidoo kale, dawladda waxaa lagudboon in ay cadeyso qorshaheeda, qaab-maamulkeeda iyo ahmiyadaha hawlaheeda, oo ay ka dhigto, arinta dibuheshiisiinta midda koowaad.

W.Q. Axmed Q. Faarax
Department of Government, Uppsala University
caatoos@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.