Home » Warar »

Gudiga Dastuurka Madaxa Banaann ee DFKMG oo Siminaar Uga Furmey Jabuuti

25 -Xubnood oo ka mid ah Gudiga Dasruurka ee madaxa banaann ayaa markii ugu horeysey siminaar socondoona laba todobaad uga furmaya Hoteel Kempniski ee caasimada dalka Jabuuti 04/03/2010.
Siminaarkan oo ay wax ka dhigidoonaan Khubaro isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib oo ay hogaamiso Hay’ada UNDP iyo Ururka isutaga caalamiga ee taageera Dastuur u sameynta Soomaaliya ayaa waxaan wax ka weydiiney Prof, Cumar Aadan Qaadi oo ka mid ah xubnaha shaqaalaha Hay’ada UNDP ujeedada siminaarka waxaa uu yiri

“ujeedadda siminaarku waxay tahay sidii ay isula jaan qaadi lahaayeen xubnaha cusub iyo xubnihii hore ee gudiga dastuurka madaxa banaann oo in mudo ah hawlo isugu jira baarintaan iyo aqoon kororsi ay ku yeelanayeen dalka gudihiisa iyo dibadiisa, doodo laga sameynayo hidise sharciyeedkii Wasaaradda Dastuurka iyo arrimaha federaalka ay u gudbisey Baarlamaanka, ka doodida qaab dhismeedka Gudiga Dastuurka, xeer hoosaadyada gudiga dastuurka, gudi hoosaadyadiisa iyo waajibaadkooda guud ee gudiga dastuurka”.

Prof, Cumar Wuxuu keloo ii sheegey “ in looga doodi doono geedi socodyada dastuur u sameynta Jamhuuriyada Soomaaliya, Dastuuradii hore iyo dastuurada maamulada macmalka ah ee mudadii dowlad la’aanta dalka ka jirtey, lafagur lagu sameynayo xaalada Soomaaliya halka ay mareyso, dibu-heshiisiinta iyo doorka dastuurku uu ku leeyahay wax-barashada madaniga iyo dasaatiir laga soo aruuriyey 130 dowladood” ayuu yiri.

Cumar Qaadi waxaa kale oo uu ii sheegey “in siminaarku qaybaha dambe ay ka soo qayb gelidoonaan sida Wasaarada Dastuurka iyo arrimaha federaalka, Gudiga Dastuurka iyo arrimaha federaalka Baarlamaanka, xubno ka socda maamulada Putland iyo Galmudug, gunaanadka siminaarka waxaa la filayaa in ay ka soo qaybgelaan Mas’uuliyiinta UNPOS iyo saaxiibadeed, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka” ayuu yiri

Gudigan Dastuurka oo shaqeynayey mudo 4-sano ah ayaa intiin uu jirey waxaa soo wajahay caqabado badan, waxaana hor yaal hawlo badan oo mustaqbalka kicin kara xasarado waaweyn, hadii aan wax badan laga fiirsan, inkastoo ay isku bedeleen intii uu jirey Wasiiradda, kala ah Marxuum Xildhibaan Cabdalla Deeroow Isaaq, Prof Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, Md, Cabdirisaaq Ashkir iyo Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo xiligan ah Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.