Home » Announcements »

CALEEMO SAARKA BEELDAAJAHA CALI-BARI

Maanta oo taariikhdu tahay 28/02/2010 waxaa magaalada Calula ee Gobolka Bari ka dhacay xaflad lagu caleemo saarayeyBeeldaaje Ismaaciil Beeldaaje yaasiin (Beeldaajaha Cali-bari), waxaa ka soo qayb galay isimada puntand oo dhan,qaar ka mid ah madaxda puntland, Ganacsatada ugu magac wayn degaanka, waxaa sidoo kale khadka telefoonka uga qaybqaatay madaxwaynihii hore ee somaliya, mudane: C/lahi Yusuf Axmed; Ra’isal wasaaraha Somalia, Mudane:C/rashiid Cali Sharma’arke; madaxwaynaha puntland mudane: C/raxmaan Faroole; General Moorgan; jaaliyada Somalida ee Londan; Jaaliyada Somalida ee Cummaan.

Haddaba, waa nin Caynkee ah Beeldaaje Ismaaciil?

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin Beeldaaji Cali, wuxuu noqday Beeldaajihii 11aad ee Cal-Bari, uguna da’da yaraa, inta taariikh ahaan la xasuusto. Waxaa caleemo saarkiisa hareeyey dareen xiiso iyo xamaasad leh. Soo dhowayn ballaaran oo kal iyo laab ah ayuu kala kulmay guud ahaan deegaanka uu hogaamiye dhaqameedka u noqday. Si kastaba ha’ahaatee, waa sidee qofnimada Beeldaaje Ismaaciil? Maxaa se laga fili karaa?

Beeldaaje Ismaciil wuxuu ku dhashay magaalada Ceelquud oo ka tirsan Degmada Caluula, 1980aadkii sida la ii sheegay. Balse wuxuu intiisa badan deegaan ku ahaa magaalada Bosaso. Wuxuu ka mid noqday dhalinyarada ku garaadsatay burburka dabada dheeraaday ee dhammaan wadanka halaakeeyey.

Nasiib wanaag, waxaan hubaa in waxbarashadiisa Hoose, Dhexe, Sare(BPSS) ilaa heer-Jaamacadeed(Muqdisho University) uu ku guulaystay. Sidoo kale waxaan ku aqaan in barashada diinta islaamka uu aad ugu fiicnaa, isagoo waliba jaamacada kuliyada shareecada islaamka doortay. Wuxuu ku caan noqday , sida aabihiis allaha u naxariistee, in uu waqtigiisa inta badan ku qaato ku negaanshaha masjidka.

Shakhsi ahaantiisa marka la iswaydiinayo waxaa la isku raacaa, inta aqoonta u lihi, in uu yahay nin xishood badan, dadka si wanaagsan u xurmeeya, oo aad u samo jecel. Waxaa sidoo kale lagu tilmaama in uu yahay nin caadil ah oo oraahdiisu qeexantahay –dabcan kuna habboon xilligan.

Goor hore ayaa, dhab ahaan, dad badan oo aan ka mid ahay la jeclaadeen in uu hogaamiye noqdo; dhowrsoonaanta iyo hawlkarnimada ka muuqata awgood. Waxay ahayd afar sano (4 sano) ka hor, mar aan shir qaab-bulsho ah oo dood badan ku kulanay, wada xaajood dheer ka dib, waxaan barasho dheeri ah u yeeshay afkaarta Beeldaaje Ismaaciil, markaas oo aan is iri: allaylehe ninkani waa hogaamiye wanaagsan! Talooyinkiisi ayaa waxay ii yeesheen xusuus iyo maan-ku-hadh.

28ka February 2010ka waxay noqotay maalintii gudoonka dhaqanka ee Cal-bari loo dhiibay Beeldaaje Ismaaciil, waxay ahayd ammin si wayn loo sugayey. Waxaa rajo wacan lagu qabi karaa in uu yahay ruux wanaag badan la imaan doona. Hogaamiyayaasha danaysiga iyo annaani-nimadu la fokaatay iyo qaarka sandareertada lagu sabo looma filayo in uu ka mid noqdo. Marka la isu geeyo:

Dabcigiisa qofnimo ee wanaagsan iyo Ilaah aqoontiisa
Waxbarashadiisa
Iyo bii’ada uu kasoo jeedo ama uu sida gaarka ah u hogaaminayo oo, ilaa xad, dhaqan nololeedkeedu toosan yahay
Waxaa laga rajaynayaa in uu dhaqan siyaasadeed hufan oo waxtar leh ku meel maro inta uu shaqaynayo –Waxaan leenahay ilaahay hakuu fududeeyo si aad adduunka iyo aakhiroba ugu guulaysato.

W/Q: Xareed Saalax Cadaawe
xareed130@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.