Home » Warar »

Odayaasha Dhaqanka Degmada Guriceel oo si kulul u beeniyay warar sheegay in la lunsaday mucaawinada hay,adda WFP.

Kulan ay isugu yimaadeen odayaasha Dhaqanka Degmada guriceel iyo Maamulka Degmadaasi ayaa waxa ay si caro leh u beeniyeen warar warbaahinta qaar lagu qoray oo sheegayay in la bililaqaystay Raashinkii Mucaawinada ee Hay,adda WFP ugu tala gashay dadka barakacayaasha ah ee ku jira xeryaha ku yaala dagmadaasi iyo tuulooyinka hoosyimaada.

”Waa arin la yaab leh ayay yiraahdeen in dacaayad intaa la,eg warbaahinta la marsiiyo iyada oo uusan ka war heyn Maamulka Degmada iyo odayaasha Dhaqanka kuwaa oo ah dadka dagmada wax laga waydiiyo”ayey yiraahdeen Odoyaasha iyo Maamulka

. Waxayna odayaasha Dhaqanka sheegeen in dadka warkaasi faafiyay ay ahaayeen dad Hay,adda ka doonayay dano u gaar ah markii ay waayeena ay adeegsadeen dacaayadani.

odayaasha Dhaqanka ee maanta kulanka ku yeeshay Degmada Guri-ceel oo ay ka dhax muuqdeen nabadoono caan ah oo ay ka mid ahaayeen Nabadoon Cartan Shiikhdoon,Nabadoon Jaamac Bootaan iyo Nabadoon Jaamac Cujubeey ayaa waxa ay hay,adda WFP ugu baaqeen in ay arimaha deegaanka ay wax ka waydiiso Maamulka Degmada iyo odayaasha Dhaqanka ee degmada laga yaqaan.

Sido kale Gudoomiyaha Gegmada Guriceel Cismaan Ciise Nuur (Taar-Dhuleed) oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dadka warkani beentaa faafiyay Maamulkiisu uu talaab ka qaadayo isla markaana xusay in waligeed Degmada Guriceel aan wax dhiba loogu geysan Sharafta Sama Falayaasha kuwa waxaasi faafiyana ay yihiin dad doonaya in Hay,addaha samafalka aysan Gargaar siin dhibanayaasha wuxuu u soo jeediyey Hayadda WFP in aysan dhag jalaq u siin kuwa danaha gaarka ah wata

W/D AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.