Home » Sports »

G/X/ Xiriirka K/Cagta Salaad Gaab Oo Is Casilay Sheegayna Inuu Fashilmay Xiriirka

SYDNEY: Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubadda Cagta Salaad Macalin Maxamed {Salaad Gaab} ayaa markii ugu horeysay si weyn ugu hadlay khilaafaad xiriirka iyo sababahii dhaliyay isagoo qoraalkiisa ku soo qaatay waxyaabo badan oo uu sheegay inay ku dhaceen qaab lunsasho iyo adeegsi dano shaqsiyadeed. Haddaba Qoraalka uu na soo gaarsiiyay ayaa u qornaa sidan:-
 
Ugu horayntii waxan u tacsi u diriyaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday wasiirkii dhalliyarada iyo isboortiga Saleebaan Colaad Illaahay ha u naxariisto waxa uu ahaa wasiirkii ugu horeyey ee isku dayay in uu ka qayb qaato soo nolaynta isboortiga qaybihiisa kala duwan gaar ahaan K/Cagta iyo Kooxihii lagu yaqiinay dalka. Sidoo kale waxaan salaan gara aan u gudbinaa dhammaan bahda isboortiga Soomaaliyeed ee xilligan adag ku howlan ka shaqaynta iyo horumarinta isboortiga qaybihiisa kala duwan gaar ahaan guddiga Olombikada  Soomaaliyeed.
 
Isboortiga  waxa uu u baahan yahay dal ay nabadi ka jirto Sport-ga wuxuna ku nool yahay waa nabad meel aan nabadi ka jirina ma lagu qaban karo isboorti waana sababta keentay in dalka jabuuti lagu qabto Siminaarada,Tabarada iyo doorashooyinka isboortiga.
 
Anigoo aan jeclayn sidaan wax u ogahay in aan wax u sheego hadana waan ka aamusi waayey qaabka ay wax ku socdaa waqtigan waliba dhinaca K/Cagta oo aan in muddo ah an ku soo dhex jiray dhibatada uu soo maray X/K/Cagta waxaa sal u ah aqoon darro,kursi jeceyl iyo damac dhaqaale haddii la rabo in uu jiro Xariir waxaa loo bahan yahay in xariirku uu qabto howlaha loo doortay sida Siminaaro,Tababarada iyo Tartamo kuwa soo loo qabanayo kooxaha heerka koowad,heerka labaad,heerka seddexaad,gobalada,iskoolaadka iyo jamacadaha .Sidoo kale waa in la gaarsiiyo K/Cagta dhaman gobalada dalka.
 
Xariirka wuxu ku qasban yahay in uu qaybiyo qalabka ay ku hayan guryaha inta aan ogaa qalabka na soo garay wuxuu garaayey 2500 oo kubbadood oo aan isku afgaran waynay in la qaybiyo waxayna naga soo kala gareen FIFA 1000 kubbad MARIDIYAN 1000 kubaddood COCACOLA 500 kubaddood  waxa la filayey 350 kubaddood oo CAF ka timad qalab garsoore dhamman waxa logu talagalay horumarinta K/Cagta. Ma jirto koox,iskool,jamacad iyo gobal la siiyey hal kubbad mid laga leeyahay dano gaara ma`ahe.
 
Xariirka haddii uu dacad ugu shaqayn lahaa shaqada loo doortay maanta waxa uu ahan lahaa xariirka ugu magac wanagsan xariiradii soo maray dalka nasiib darro Soomaliya magac kama fekerto ee waxay ka fekeran siday u lunsan lahayd hantida ay mas uulka ka yihiin wana midda keentay in uu kasban waayo 25 koox oo laga aqoonsan yahay  FIFA,CAF iyo CECAFA hadda ka hor mar aan si gaara aan uga shirnay arimaha garoomada waxaan soo jeediyey siday FIFA wax noogu ogashay in aan  ka faa` idaysanayno oo aan garoomo  u dhisno meelasha ay nabadu ka jirto sida putland, Somaliland, Hiiran, Sh/hoose, Sh/Dhexe, Jubbada hoose iyo bay iyo bakool waxana uga maahmaahay warimayne war hanaga haro.
 
Xariirka oo ka faa` iidaysanayo horumarka FIFA ay la rabto. Wixii maalintas ka dambeeyey waxa bilowday in la iga qariyo shirarka iyadoo la ii arkayey in aan ahay nin waalan waxayna waxaas oo dhan ka jeclayeen arimo fool xun oo aan isboortiga dan ugu jirin inta taas la aaminsan yahayna ma sugaayo wax horumar ah oo in uu gaaro  XS/Cagta.
 
Goormaa u dambaysay tartan uu qabto xariirka K/Cagta waa la wada xasuusan yahay waxa u dambaysay horyaalkii 23aad ee la qabtay 2003 oo aan xilligaas aan ahaa guddomiyaha Xariirka K/Cagta oo ay joojiyeen Guddiga Olombikada Soomaliyed waxaana dib loo dhamaystiray 2006 markii dib loo soo doortay xariirka iyadoo ay FIFA iyo CAF ay goob joog ka ahaayeen doorashadas  waxaana qaaday horyaalkii 23nad kooxda B/Telcom .
 
MAXAA SABAB U AHAA KHILAAFKII DHEERAA EE XIRIIRKA?
 
Sida la xasuusan  yahay 2001 waxa la doortay Xiriirka K/Cagta waxana guddoomiye u ahaa Faarax Zindiko waxana ku xigeeno ka ahaa Darbo wayne,Salaad Gab iyo Cabdi Cadde  2002 waxa la gaxanay Faarax Zindiko Allaha ha u naxariistee. Murankii ka dhashay ganaxa FIFA  ay ganaxday Zindiko iyo damacii Darbo wayne ayaa sal u ahaa horumar la`aanta xiriirka maxa yeelay  Faarax isaga oo ganaaxan ayuu sii ahaa Guddoomiyaha xariirka K/Cagta Soomaaliyeed Intii uu guddomiyaha ahaa isagoo gaxan FIFA xariirka wax tixgalin ah ma siin jirin, maxa yeelay waxa madax noo ahaa Faarax  Zindiko oo ganaaxan waxaana ku xigeenka koowaad ahaa waqtigaas Darbo wayne wuxuuna xooga saaray Darbo Wayne sidii uu F.Zindiko meesha uga qaadi lahaa wado kasta ayuuna ku raadshay.
 
Darbo wayne wuxuu Farax ugu tagay shirkii Embaghati wuxuna u sheegay in uusan soconayn Xiriirkan inta uu isaga ka yahay madaxda isaga oo kaashanayey siyaasiyiin ay isku hayb yihiin. Markii uu soo dhawaaday Faarax oo uu go` aansaday in uu qato taladas ayey isku qabteen qabkii uu xilka u wareejin lahaa Faarax Zindiko. Darbo wayne wuxuu soo jeediyey in uu qabto Faarax shir jaraa` id isago ku cadaynayo in uu iska casilay Guddomiyenimada xariirka.
 
Arintasna Zindiko waa u ka soo horjeestay waana uu ka baxay arintii oo dhan isagoo fahmay in uu jiro heshiis uu la soo galay Darbo wayne qaar ka mid ah Staff FIFA.
 
Intas kuma ekaan Darbo wayne wuxuna xooga saaray sidii uu Faarax meesha uga tuuri lahaa Darbo wayne Muqdisho ayuu yimid  waxa uu bilaabay shirar hoose oo uu la galayo guddiga fulinta ee xariirka isagoo ka dhadhicinayo haddii aan F.Zindiko xilka laga qaadin in xariirka uusan helayn taagerada FIFA haddiise xilka laga qado in uu helayo tageerada FIFA arintaas waxay ahayd mid sax balse waxa uu meesha ka saaray qaabka sharciga ah ee loo mari lahaa xil ka qaadistaas awoodana waxa iska leh kooxaha ka diiwan gashan XSKC  waana uu xaqiray awooda kooxaha oo ah mid sharci ah cid kasta oo isku dayda in ay xaqirtana sidaas ayaa u dambeysa.
 
Warqad uu soo diyaarsaday ayuu mid mid  uga saxiixay guddiga fulinta ee xariirka waxaana waqtigas wax laga qarinayey aniga iyo allaha u naxariistee xoghayihii xarirka Macalin Kobay waana la socday wax walba balse waxba kuma darsan jirin ilaa aan ka arko wax dhab ah oo la ila yimaado.
 
Darbo wayne markii uu ka soo wada saxiixay dhaman guddigii fulinta ee xiligas jiray warqadii uu Farax xilka loga qaadayey oo aan waa faqsanayn sharciga ayuu ii soo diray Taxi wuxuna iga codsaday in aan ugu imado gurigiisa waan u tagay wuxuna ii sheegay in xariirka uu go`aansaday in Faarax xilka laga qaado oo aan aniga ka dhimanahay in aan saxiixo warqadda. Waxa ila socday galabtaas nin ka mid ah xariirka waxan u sheegay Darbo wayne in waxan ay yihiin wax aan sharci ahayn lagana fiican yahay qaabka uu wax ku doonayo wuxuu igu yiri inta badan guddiga fulinta waa ay saxiixeen adigana waan kaa badanahay ee ma saxiixee mise ma saxiixaysid . Ninkii ila socday ayaan ku iri sharciga waad taqaan ee maad ka hadashid arintaan si kooban ayuu igu yiri aniga meesha cod kuma lihi maxad ii soo raacday ayaan ku iri wuxu igu jawabay guddomiyaha ayaa ii yeeray  waan istaagay waxan u sheegay Darbo wayne haday shaqayso warqadaan in aan ka tagayo xariirka marka aan sidas leeyahay waxan ogaa awooda qof xilka looga qadayo inay leeyihiin kooxaha wax doorta oo kaliya waana sida sharciga ah.
 
Waxan imid xafiiska xariirka oo ku yalay siinay F.zindikana waqtigas waxa uu joogay xafiiskii uu ku lahaa caf…Waxan xafiiska ugu imid abkow,wiish iyo nin la yiraa m/ed muqtaar oo raba in ay wacaan faarax arimo ayaga ugaar ah kala hadlayey..Abkow iyo Wiish waxan u shegay arintii aan la soo kulmay in kastoo ay la socden arimaha jira waxana u shegay in aan u imid xafiska in aan Faarax Zindiko u shego arintan cusub iyo in qilaabka darbo wayne wado wayna igu racen wana ku war galiyey faarax wixii aan soo arkay wadahadal badan iyo falaqayn badan oo maalmo socotay ka bacdi waxan isku raacnay in faarax uu dalka yimado arintana uu wax ka qabto.
 
Faarax  Zindiko dalka ayuu yimid wuxuna shir deg deg ah la qaatay guddigii fulinta ee xariirka intii markaas diyaarka ahayd oo ka soo noqotay waxay u saxiixeen Darbo wayne iyagoo ka bixiyey raaligelin. F. Zindiko waxaan la qaadanay shir gaar ah aniga,Cabdi Cadde,Kobay iyo C/qani waxana si hoose ugu sheegnay in uu badbadiyo xariirka uu naftiisa iyo maalkiisa uu u soo huray waana uu naga ogalaaday waxana la qabtay shirwayne aan caadi ahayn  18 sebtembar 2003 maalintas ayuu si sharci ah ku wareejiyey xilka waana xiligii la ii doortay in aan dhamaystiro inta ka dhiman waqtiga u harsan xariirka waxana loo maray wado sharci ah oo waa faqsan xeerka caamaliga. FIFA iyo CAF waa ay ogaladeen sidasna waxa aan ku noqday guddomiyaha xariirka k/cagta isla sanadkas 2003 waxan ka qayb galnay shirkii 54 ee FIFA oo ka dhacaayey Qadar waxana dhanka kale sheeganayey in uu yahay guddoomiyaha xariirka Darbo wayne waana meesha aan ku kala baxnay wuxuuna ogaaday wixii uu samayey in ay ahaayeen sharci darro.
 
Sanadkii 2004 bishii May waxaan ka qayb galnay shirkii 55aad ee FIFA kaas oo ahaa 100 guuradii FIFA maxa yeelay FIFA waxa la aas aasay 1904 markii aan dalka dib ugu soo laabanay ayaan ka helnay FIFA casumaad gaar ah isla sanadkas 2004 bishii Oktobar arintas oo xariirka u ahayd guul iyo horumar dhinaca guddiga olombikadana ay u arkayeen arin aan loo bahnayn xilligas in la aado FIFA.Iyagoo fiirinaya ganaxa FIFA ay saartay allaha u naxariistee  F.Zindiko. Intii aynan dalka ka dhoofin ayaa waxa na soo gaartay warqad uu ku saxiixan yahay Abkow oo xiligaas ahaa kusimaha G/GOS taas oo lagu joojinaayo horyaalka 23aad ee K/Cagta ayadoo aysan jirin wax sharci ah oo loo cuskanayo joojinta horyaalka oo ku socday si habsami leh waxaan u safarnay xarunta FIFA waxana kala kulanay soo dhawayn aan horteen lagu soo dhawayn xarunta FIFA wafdi ka socda Soomaliya.
 
FIFA waxay noo balan qaaday in ay wax walba nala garab tagan tahay waxa kale oo aan ku soo heshinay in wafdi ka socda FIFA ay imaan doonaan dalka Soomaaliya 2005 bisha Febarayo 14ka inta aysan imaan wafdigas waxa dalka yimid Faarax Zindiko wuxuuna bilaabay dhaqdhaqaaq uu ku doonayo in uu nala heshiiyo isagoo meel walba naga soo galay runtii aniga waxan u hayey tixgalin gaara ah maxa yeelay waxa uu ahaa nin aqoon badan u leh K/Cagta balse xalada jirta waqtigaas ayaa ahayd in la badbadiyo xariirka Soomaaliyeed ee K/Cagta iyo in ka badbaadiyo magaca Faarax waxaana qaatay in aan badbaadiyo magaca XSK/Cagta markii dambana waan isku afgaranay labadeena nasiib darro xiriirka oo u diyaar garoobay soo dhawaynta wafdiga FIFA ayaa hotel-kii aan dajin lahayn oo ahaa hotel Saxafi hortiisa lagu dilay gabar wariye ah oo u dhalatay UK 9-kii Febarayo 2005 isla malintii ku xigtayna FIFA waxay noo soo dirtay warqad ay ku leedahay xiligan waan joojinay in aan nimaadno Soomaaliya arimo nabad galyo awgeed wixii maalintas ka dambeyey waan  ka niyad jabay hogamintii aan hogaminayey xariirka waxaana go`aansaday in aan iska casilo xilkii aan hayey oo aan ku warejiyo ciddii samati bixin karta xariirka waqtigaas nasiib darro waxa dhashay gadashay 3 nin oo mid walba sheeganayo in uu yahay guddomiye markii ay FIFA ku wareertay arinta Soomaliya FIFA waxay go`aansatay in la qabto shir lagu dooranayo hogaanka xariirka 2006 wafdina ay u soo diray doorashadas.
 
Nasiib wanaag 2006 bishii May 16-keeda ayaa la qabtay doorashadii waxaana ku gulaysatay Muxiyadiin Darbo wayne wixii maalintas ka dambeyey xariirka waxa uu noqday hal xariir oo laga aqoonsan yahay caalamka oo dhan waxan ku soo labanay Muqdisho anagoo faraxsan waxan gudogalnay howlihii sugaayey xiriirka in aan qabano waxaan ku heshinay in aan dhamaystirno horyaalkii hakadka galay waxan degnay xafiis cusub oo aan wax qalab ah aysan oolin marka laga reebo xafiiska guddoomiyaha iyo kan ka soo horjeedo oo ahaa kan xoghaynta Darbo wayne qorshe ayuu watay rag xiriirka ka mid ahna qorshe ayey wateen waxana bilabeen in ay iska hor keenan madaxda xariirka runtii waxaan ahaa nin fahmayo waxa ay wataan ragga qaarkiis guddomiyaha waxa laga dhaadhiciyey in aan xariirka ku ahay halis uuna iska kay ilaaliyo waana uu qaatay taladaas balse ninka loo socdo aniga mahayn ee waxa uu ahaa guddomiyaha isagana waxa uu watay dan kale taas oo ahayd in uu helo lacagta u soo dhacayso xariirka taas oo ahayd lacag aan u dalabnay shaqalaha garoomada,isgaarsiinta telcom iyo kirada xafiisyada waxana dhamayd $110 kun oo doolar.


 
FIFA waa ay soo dirty lacagtaas waxana Account nooga furnaa shirkadda Dahabshiil waxaana ku wada qornaa in ay wax ka soo bixin karaan xoghayaha iyo guddomiyaha markii loo bahdo in wax laga soo bixiyo xariirkuna uu ka shiro dhaqalaha baxayo.
Waxaa dalka ka dhoofay kooxda Qaran waxaana hogaamiyey gudomiyaha iyo xoghayaha cayaartana waxay ka dhacaysay dalka Itoobiya markii la furay tartankii waxa dib u soo laabtay guddomiyaha wuxuuna badalay qaabka lacagta loo soo bixinayo saxiixana isaga ayaa isku koobay waxa soo dhacday lacagtii la sugaayey markay soo dhacday waxa uu ka soo baxshay $4500 oo doolar wuxuuna ku gatay koox ka mid ah kooxaha ka diiwan gashan xariirka.
 
Xariirkii waa uu ka war helay waxana ka dabaqaatay raggii awalba isaga la damacsanaa in ay bananka dhigaan waxaana bilowday qilaaf kale iyadoo aan la gaarin hal sano intii uu socday muranka ayuu intii hartayna kala soo baxay Accoun-ka shirar badan ka bacdi isaga ayaa meeshii laga qaaday waana la ganaaxay.
 
Su’aashu waxa ay tahay yaa iska leh awooda qof xilka looga qaadi karo ama wax lagu dooran karo
 
Waxaa jira 25 koox oo kala leh seddex darajo waana kuwa leh awooda xiriirka haddii xiriirka loo samayno qorshe sanadeed markii la dajiyo oo ay isku racaan guddiga fulinta ee xiriirka markii xariirku isku raaco in uu sannadkan qabto tartamo markii xiriirku isku raaco in uu dalka u qabto siminaaro haddii uu xiriirka soo gaaro qalab loogu talagalay horumarinta K/Cagta. Xariirka waxa uu ku qasban yahay in uu hor keeno dadka leh in ay ansixiyan qorshaha xariirka kuwaas oo ah kooxaha ka diiwan gashan xariirka ee la aqoonsan yahay waxay diidaan waa lala noqonaa waxay ogaladaana waa ansax sida sharciga uu qabo.
 
Doorashadii dhacday 2006 waxa xiriirka laga rabay in ay diyaarshaan si ay uga qayb qaataan guddiyadaan.
 
1. Guddiga Garsoorayaasha ee XSKC
2. Guddiga Tababarayaasha ee  XSKC
3. Guddiga Futsalka ee XSKC
4. Guddiga Iskooladka ee XSKC
5. Guddiga Jamacadaha ee XSKC
6. Guddiga Haweenka ee XSKC
7. Guddiyo ka socda gobalada dalka
 
Markii intaas la diyaarsho waxa la horkenaa guddiga fulinta ee xiriirka kubbadda cagta markay ansixiyaana waxa la horgaynaa oo iska leh go`aanka ugu dambeeya waa kooxaha ka diiwan gashan xariirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta markay ansixiyaan ayey noqonayaan ansax.
 
Warka aan helaayo waxay yihiin in hogaanka xiriirka uu ku mashquulsan yahay in uu diyaarsho inta aan soo sheegay wax ka baxsan ayna ka talaabsadeen kooxihii awooda lahaa waxaan maqlay
 
* In ay muddo ku darsadeen waqtigii loogu talagalay oo aysan shaacin karin ayoo ka baqaayo buuqa igu imaan karo kooxaha.
* In ay diyaarinayaan kooxo ay wataan oo ay booskooda ku buuxiyaan kooxaha ka soo horjeeda si mar kale iyaga loo doorto.
* In doorashada lagu qabto dalka jabuuti ayna gaystaan kooxo ay diyaarsadeen iyo guddomiyayaal ka socda gobolada qaarkood.
 
Haddii ay sidaan wax u dhacaan waxa la filaayo waa burbur kale oo ku yimaad XSKC  waxan talo ku soo jeedaa in xariirku uu ku dhaqaaqo waqtiga la ay dhacayso doorashada saxaafadana ay la hadlaan oo aysan ka dansan Mobile-da  haday rabaan in ay ka qayb galaan waxay u yihiin xor haddii la doorto howsha ha sii wadaan haddii aan la doorana booska ha ka wareegaan si loo helo madax cusub oo wax ka qabata waxay qaban waayeen.
 
Waxaan amaan iyo bogaadin aan u diraa guddoomiye ku xigeenkii ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka wuxuuna ahaa ninkii igu dambeeyay ee ku soo biiray Xiriirka Axmed Nuur wuxuna ogaaday in meesha uusan ka jirin wax nidaam ah iyo howl la isku tixgalinaayo waana uu ku mahadsan yahay waana talaabo wanaagsan oo tixgalin mudan.
 
 
– Ka dib markii aan arkay horumar la` aanta xiriirka waqtigiisu uu sii dhamaanayo.
– Markii aan arkay damaca kursi jeceylka markii aan arkay xaqiraadda kooxaha xiriirka ka diiwangashan.
– Markii aan arkay hanti lunsasho badan iyo wax qarsi badan oo aan dadka laga tixgalinayn waxan go` aan saday anigoo ah Salaad Macalin Maxamed {Salad Gaab} kana mid ah Guddoomiye ku xigeenada xiriirka kubbadda cagta waxan halkaan ku caddaynaa in aan iska casilay xilkii aan u hayey xiriirka Soomaaliyed ee kubbadda cagta sidoo kale saxiibaday waxan u soo jeedinayaa in ay iska casilan xilka waan ogahay in aysan meeshas ku haysan tixgalin ragga an la hadlayo waxa ka mid ah Bashir Geesay,Gaabshe,Rashka iyo Amiin Khasaaro waxan idin leeyahay shaatigiina ka caddaysta ceebta ku soo socoto xiriirka kubadda cagta.
KOOXAHA SHARCIGA AH EE LA AQOONSAN YAHAY OO AAN WAXBA LAGA BADALI KARIN.
 
  1. B/TELCOM                                  WAXA GUDDOOMIYE U AH C/RASHIID
  2. ELMAN                                         FARXAAN
  3. SITT                                             GEELE XEEF
  4. DEKEDAHA                                  CABDI JIINOW
  5. SUPER SHELL                              CABDULAHI XAJI
  6. FAYNUUS                                     CABDI BILE
  7. BADBAADO                                  TOWFIIQ
  8. GASKO                                          AWEYS BELAY
  9. SAVAANA                                     MAXAMED FARAX
10. GAHAYR                                      ILKA CASE
11. GMT                                              YUUSUF XUSEN
12. FC BANAADIR                             Saciid Mugaanbe WALAALKIISA
13. DAALO                                         XUURSHE
14. STANDAR                                     ???????
15. DAHAB SHIIL                               FADHI
16. ALBADAR                                      CAADDAY
17. KESCO                                          JUSLE
18. GANTALAHA AFGOYE                 C/MAAN
19. GEESKA AFRIKA                          ABUKAR SAFANA
20. BARIGA DHEXE                           C/AABBOW
21. CAMEL                                         BASHIR DHERE
22. TOP                                              INA MARIYO
23. JAMHURIYO                                MAXAMED TAAKO
24. HILLAC                                        CALI BARRE
25. QADXALAY                                  XUSEEN QOBAY 
 
 

 KOOXAHAN WAXAY KALA LEE YIHIIN SEDDEX DARAJO
 
1. KOOXO MAAMUL LEH OO AAN LA TAABAN KARIN SIDA: DEKEDAHA,ELMAN IYO B/TELCOM
 
2. KOOXO MAAMULKA XARIIRKA UU LEEYAHAY OO ISKU HAYSTA IN AY XIRIIRKA AYAGA  LEE YIHIIN.
 
3. KOOXO AAN WAX KA NAXAYO AYSAN JIRIN WANA KUWA KU TAGAN XAQA WAXAYNA
    ISBAHAYSI LA YIHIIN KUWA AAN LA TAABAN KARIN QAARKOOD.
 
 
 
Qoraalkii: Guddoomiye Ku xigeenka XSKC
Salaad Macalin Maxamed [Salaad Gaab]
 
 
 
    Isboorti Chief Editor
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone:+2525-0-982912
Email:buuna@isboorti.com
Website:www.isboorti.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.