Home » Announcements »

Buug: Bandhiga lagu qabtay Degmadda Qardho ( Sawiro/Warbixin)

Waxaa maantay (02/03/2010) Lagu qabtay Xarunta Dowladda Hoose ee Qardho, bandhiga lagu soo bandhigayey Buug Cusub oo ka hadlaya guud ahaan Taariikhada Qardho iyo Marxaladda ay haatan taagan tahay.

Buug: Halkan ka akhri buugga oo ka kooban 62 bog

Sawiro: Halkan ka daawo sawirada Xafaladii Bandhigga Buugga

Ugu horey Waxaa lagu soo dhaweyey, Cusman Buux Cali Duqa Degmadda Qardho, oo in bandan ka hadlay sababah Maamulkooda ay uga golleyihiin Buugaan Cusub.

Aqoonyahano, Waxgarad, Siyaasiyiin, Haween, Dhallinayaro iyo dad kale oo Degaanadda Puntland Magac ku leh oo goobta ka hadlay, ayaa wax ay sheegeen in ay aad ugu farax san yihiin bandhiga Buugaan Cusub oo ay Qardho leedahay.

Waxaa sidoo kale Jaaliyaddaha dibadda ee Puntland iyo dadka Aqoonyahanadda ah laga codsaday ee Qardho u dhashay in ay wixii Feker ah ku soo biiriyaan Buugaan oo aan weli si rasmi ah loo soo saarin.

Aqoonyahanadda goobta ka hadlay ayaa wax ay dhiibteen sida ay ugu faraxsan yihiin, in ay ka qeyb qaatan arimaha wax tarka u yeelan kara horumarinta degaanka, iyo weliba sida ay gacan u siin lahaayeen Duqa Degmadda oo isku howlay sidii uu Buugaan u noqon lahaa mid Taariikhda reeba.

Maxamed Muuse oo ah Masuul sare oo ka tirsan Maamulka Gobolka ayaa wax uu goobta ka sheegay, in qorista buugani ay qaadatay mudo dheer isla markaana ay ugu dambeyntii aad ugu faraxsan yihiin in ay Bandhiga u sameeyaan maantay.

Ugu dambeyntii talooyinka dadka wax garadka ah oo la dhageystay ka dib ayaa waxaa lagu soo dhaweyey Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Karkaar Cabdulquraan Maxamed Aadan oo isugna, kan Maamul ahaan u muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in Maantay Buugii ugu horey oo ka kooban Taariikh hore ay Qardho yeelato.

Bandhigii ayaa ku soo dhammaaday, iyadda oo Halkaasina laga shaaciyey in lagu soo hagaajiyo talooyinka Buuga.

Masuul ka tirsan Dowladda Hoose
Waeys Caydaruus Guure
E-mail: waeys68@hotmail.com
Cabdi Cali
Wariye Madax Banaan
Qardho,Puntland

gooni@hotmail.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Buug: Bandhiga lagu qabtay Degmadda Qardho ( Sawiro/Warbixin) "

  1. Hussein says:

    aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maantay ka mid noqdo dadka jecel in ay gacan ka geystaan soo saarista Buuga cusub ee Qardho