Safiirada dalallka Sudan, Kenya, Somalia, Ethiopia, Uganda ee ku sugan dalka Jabuuti iyo saraakiil sare oo ka socdey wasaaradda arrimaha dibadda dalka Jabuuti ayaa Shir Al-baabada u xiran ku yeeshay xarunta Ururkaasi ee caasimada dalka Jabuuti 28/02/2010.
Shirkan oo socdey saacado badan ayaa warar aynu ka helney dadd goob joogeyaal ah waxay sheegeen in looga hadlayey arrimaha ammaanka gobolka iyo maamulka xarunta dhexe ee urur goboleedka IGAD, sidoo kale waxaa la iskula soo qaadey heshiiskii dhowaan dalka Qadar ay ku gaareen Dowlada Suudan iyo mucaaradka dalkaasi ee Justice and Equality Movement.
Ambaasadooran ayaa gunaanadkii shirkooda la sheegay in ay bulshada caalamka ugu baaqeen in la taageero dowladda Soomaaliya, lana xoojiyo tirada iyo agabka ciidamada AMISOM, sidoo kale dalka Suudaana u soo jeediyeen in si cadaalad ah lagu qaado codbixinta ka dhicidoonta dhowaan dalkaasi.
Inkastoo shirkan saxaafada aysan ka qayb galen hadana dadka arrimaha siyaasada gobolka xiiseeya waxay ku sheegeen in uu qayb ka yahay shirar is-daba jooga ah oo uu wado Urur Goboleedka IGAD oo wax badan looga bedelayo arrimaha murugsan ee soowahay sanadahan dambe Gobolka, ayna ugu weyn tahay arinta Soomaaliya, maadaama dalka Suudaan xaaladiisa ay ka muuqato isu soo dhawaan, hadana dowladaha ku jira Ururkan qaarkood waxay ku hayaan xagal daacin weyn miraha shirarka dibu-heshiisiineed ee loo qabto siyaasiinta fashilina ee dalka Soomaaliya oo wax kasta u nugul.
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.