Home » Warar »

Tripoli: Shirkii Ururada arimaha bulshada dalalka Greate Sahra oo arimaha somalia lagu falan qeeyay

Waxaa  lagu soo xiray magaalada Tripoli ee dalka Libya, shirwayihii 5 ee dallada Ururada arimaha bulshada ee wadamada Greate Sahara . shirkaas waxaa kasoo qayb galay 400 oo isugu jira NGO iyo odayaal dhaqameed iyo culuma udiin iyo aqoon yahan.

Halkan ka daawo sawirada
 
Shirkkaan balaaran oo socday 3 malmood ayaa waxaa looga hadlay arima badan oo khuseeya wadamada Sahara wayn, oo ay dhamaan wadamada carabta ah iyo kuwa Africa iyo wadama Asia ah ay kubahoobeen, shirkaani waxuu Diirada saaray dhibaatada ka jirta wadamada Sahara , ururka ay ku midoobeen ururadaani, waxaa  uu soo bandhigay Guulihii ay dallada ururada arimaha bulshada ee Greate Sahara ka gaadhay xalintii daagaalo muda ka socday Dalka niger iyo maali , iyadoo labada wadan Beelaha daga ee loo yaqaano ( Dawaaqir) ay bishii oct 2009  kusaxiixeen hishiis ayna ku wareejiyeen hubkoodii labadooda dowladeed.


 
Waxaa sidoo kale lasoo bandhigay kaalintii ay dalladu ka qaadatay qalalaasaha  ka dhacay wadamada Greate Sahara,  Moritania oo 6-6-2009 ay afganbi  ciidamadu kula wareegeen xukunka , waxaana wafdi  golaha Kasocda ay qayb ka noqdeen dadaal kusoo dhamaaday in is afgarad halkaas ka dhoco.
 
Xaalada Somalia.
 
Sidoo kale shirkaan waxaa looga hadlay arinta Somalia oo lagu falan qeeyay shirkaan. wafdigii Somalia uga qayb galay waxaa masalayay. hay’ada SAFOD (Somali-arab Foundation for Development) ayaa  soo bandhigay baahida wayn oo loo qabo in Dallalado ay arinta somalia ay ku darsato qorshaheeda.
 
Waxaana  halkaas uu madaxa hay’ada (SAFOD) Abdulrahman Abdulrizak kusoo bandhigay warbixin ka hadlaysa xaalada cakiran ee Somalia ay manta ku sugan tahay . iyadoo laga cabsi qabo in Somalia ay gasho god modow hadaan laga gaarin. Waxaana ay hay’ada SAFOD codsatay in Somalia wafdi loo diro ka qayb qaata wada hadal dhex mara TFG iyo kooxaha kaso horjeeda.
 
Dhanka kale Madaxwaynihii hore ee Sudan suwaar aldahab ayaa khudbadiisii ku xusay Somalia isagoo sheegay in ay tahay wax aan loo dulqaadan Karin Somalia oo ka maqan dalalka Greate Sahara , waxaana uu sheegay in loo baahan yahay Somalia inaan la ilaawin , isagoo ku nuux nuuxsaday meesha ay kutaalo oo uu yiri waa iridii Africa iyo dalalka carabta.
 
Waxaa isaguna ka hadlay arinta Somalia Dr raafi almadani oo ah madaxa Dallada ururada arimaha bulshada ee Greate sahara , isagoo xusay in ay Somalia xaaladeeda cakiran ay sabab u tahay aduunkii oo dhabarka u jeediyay Somalia , waxaana uu xusay almadani  in ay dagaaladii Somalia ka socday oo dhan ay dadal kale oo aan rabin xaalada Somalia inay dagto ay shidayeen , isagoo ugu yeeray shacabka Somalia  inay midoobaan meeshana kasaaran khilaafka dhexdooda ah oo ay eegan dalkooda oo khariidada kabixi raba.
 
Gaba gabadii shirka ayaa waxaa kasoo baxay go’aano khuseeya Somalia iyadoo qoraalkii kasoo baxay shirka lagu xusay in Somalia loo diro Gudi xaqiiqa raadin ah oo ay kamid noqdaan aqoon yahayn culumo iyo odayaal dhaqameed magac kuleh Dalalka Greate sahara , waxaana la filayaa in kulanka labaad ee dallada oo ka dhici doona dalka Qatar lagu soo bandhigi doono ,meesha looga anbaqaadi karo in la helo nabad waarta oo Somalia ka dhacda.
 
Waxaa xusid mudan in gabagabadii shirka ay ka qayb galeen ururada dalladu saladii uu magaalada Bangaazi (1500km-Tripoli) ku tujiyay Hogaamiyaha dalka Libya mu’amar al gathaafi kasoo ay kasoo qayb galeen  madaxwanayaasha sudan omar al bashiir , madaxwaynaha dalka chad idris diibi madaxwaynah dalka moritania iyo raisul wasaraha Somalia omar adbulrashiid , madax kale , sidoo kale waxaa kasoo qayb galay salaadaas 2000 oo caalim iyo aqoon yahan ka yimi dhamaan dalalka islaamka iyo yurup iyo maraykan. 

  • Waxaa diyaariyay SAFOD, nuqulkiisa Originka ah wakaalada Alqarnil afriqi www.hornafricaonline.net , waxaana u tarjumay afsomali Ahmad GuureTripoli-libya.

La xiriir
Somali Arab Foundation <safodd@gmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.