(Raashinka WFP waxaa lagu iibiyaa Suuqyada Guriceel )
Waxaa gudaha Magaalada Guri-ceel shir ku qabtay 40 oday dhaqameed oo si weyn looga yaqaan Magaalada kuwaas oo ka dacwoonaya sida loo maamulo raashinka gargaarkaa ee barnaamijka cunada aduunka ee WFP uu Magaalada Guri-ceel u keeno in loo qeybiyo dadka danyarta iyo barakacayaashaa ee badankoodu dagan yihiin kaamamka ama xeryaha barakaacayaasha ee ku yaal hareeraha Magaalada.
Waxayna kulankan odayaashu ay ku sheegeen inuu yahay mid cabasho ah iayadoo intuu socday ay ku lafagureen sida ay uga careysan yihiin sida loo maamulo raashinkaasi gargaarka ah ee WFP ay Magaalada keento,cunadaas oo odayaashu yiraahdeen maba gaarto oo lama siiyo Masaakiin danyarta iyo barakacayaasha isugu jirta ee iyaga awgood loo keenay,
Iyagoo yiri “waxaa masuuliyadda wax is dhaafintaasi leh wakiilada WFP uga wakiilka ah qeybinta raashinka ey keento Magaalada Guri-ceel.
Waxayna sidoo kale odayaashu eedayn u soo jeediyeen WFP oy yiraahdeen waxay Wakiiladeeda raali uga tahay iney sidaasi yeelaan
Waxaana sidoo kale odayaashu ey sheegeen inay hayaan caddeymo sheeegaya wax is dabamarsiintaas taas oo ay yiraahdeen hadda waxayba noqotay wax caadiya oo lagu iibiyo Suuqyadda Degmadda Guriceel
12kii bishan ayey ahayd markii Warqad cabashaa oo ay odayaashan 40 kaahi ay isla arrintan ku saabsan sida loo maamulo raashinkan WFP ay Magaalada keento ay u gudbiyeen Maamulka Dagmada Guriceel, taas oo yiraahdeen wax jawaaba kama eynaan helin.
Dhawaanahanba waxaa jiray arrimo isdiidan oo ku saabsan sida guud ahaan ay tahay howsha wax qeybinta cunada gargaarkaa ee magaalada guri-ceel ay keento WFP ,oo darraad ayay aheyd markii Boqolaal ka mida dadka kaamamka hareeraha Magaalada ku jiraa ay soo buuxiyeen afaafka hore ee saldhiga iyagoo ka cabanaya ineysan ka mid noqon dadka ay dhacday in la qoro, qoraalkaasi waa kan aalaaba la sameeyo raashin qeybin ka hor.
Amar usbuuc ka hor ka soo baxay saldhiga Dagmada Gurieceel ee Culuma udiinka Ahlusunna ayaa lagu sheegay in la baabi,inayo kaamamka ku yaal hareeraha Magaalada amarkaas oo u Muuqda inuusan shaqeynin kadib markii dadka kaamleydaahi ay ka dhaga adeygeen iney yeelaan sida lagu amray
Waxayna arrimahaan oo dhan ay ku soo beegmayaan xilli uu ku dagayo gudaha Magaalada Guriceel raashin gargaara oo WFP ay ugu talagashay in loo qeybiyo dadka danyarta iyo barakacayaashaa.
Odoyaasha oo Saxiixooda noo soo gudbiyey ayaa waxay na tusiyeen Sawiro la xiriira sida suuqyada Guriceel loogu iibiyo raashinka Hayadda WFP
Guji/Riix Sawirka korkiisa si aad u aragtid magacyada saxiixay
Maxamed Cismaan Dhakade
E-Mail dhakade1@hotmail.com
Waxaa soo tabiyey
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.