Home » Warar »

Dowlada FKMG ah Oo Soo Bandhigtay Ciidamo Kasoo Goostay Ururka Xisbul Islaam Oo Dowlada Usoo Galay

Maamulka degmada Wadajir ee gobolka banaadir ee dowlada FKMG ah ee soomaaliya ayaa maanta saxaafada usoo bandhigay todobo askari oo kasoo goostay Ururka xisbul islaam ee dowlada sida weyn uga soo horjeeda islamrkaana usoo galay ciidanka dowlada gaar ahaan kuwa fadhiogoodu yahay deegaanka kaxda ee degmadaasi wadajir .

Halkan ka daawo sawirada

Gudoomiyaha degmada wadajir Axmed xasan cadoow (axmed Daaci) oo saxaafada ugu waramayey xaruntiisa degmada wadajir ayaa tibaaxay inay soo dhoweeyeen islamrkaana soo dhoweyn doonaan cid kasta oo kasoo goosata xoogaga dowlada kasoo Hor jeeda taasoo uu tilmaamay inay si farxadi ku dheehan tahay ula dhaqmeen todobadan dhalinyarada ah oo iyagu hubkoodii lasoo goostay islamarkaana kasoo goostay Ururkla xisbul islaam

Sidoo kale Dhalinyaradan la sheegay inay kasoo goosteen Ururka Xisbul islaam ee loosoo Bandhigay saxaafada oo tiradooda ay gaareyso ilaa Todobo askari ayaa mid kamid ah oo sheegay inuu ahaa sarkaalkii watey askartan soo goosatay ayaa sheegay inay u badheedheen inay usoo galaan dowlada FKMG ah islamarkaana tilmaamay inay tahay mid ku talo jireen in mudo ah .

sarkaalkan watey askarta ka tirsanaan jiray Xisbul islaam oo magaciisa ku sheegay Abdiraxiin ayaa iska fogeeyey inay ku kaliftay in dhaqaalo iyo weliba waxyaabo kale ku kalifeen goosashadooda islamrkaana tilmaamay inay dowlada FKMG ah kusoo biireen balse aanay jirin waxyaabo kale oo ku kalifay goosashadooda.

Dhinaca kale Ururka Xisbul islaam ayaa si weyn U beeniyey inay kasoo Goosteen Xubnahan ay dowlada FKMG ah gaar ahaan maamulka degmada wadajir ay soo bandhigeen islamrkaana ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin waa siday hadalka u dhigeene

Afhyeenka Dhinaca Howl galada Ururka xisbul islaam maxamed Cismaan caruus oo saxaafada la hadlay ayaa beeniyey inay ciidan kasoo goosteen.

Yaasiin faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.