Home » Warar »

Ururka Xisbul Islaami Oo Ganafka Ku Dhuftay Inay Ka Dmabeeyeen Qaraxii Ka dhacay Baar Ubax

Ururka xisbul islaam ayaa gaashaanka u daruuray inaysan ka dambayn qaraxyadii shalay (Feb 22) ka dhacay isgoyska baar ubax ee wadada wadnaha ee magaalada muqdisho taasoo la sheegay inay ku waxyeeloobeen dad shacab ah .

Afhayeenka ururka xisbul islaam sh,maxamed macalin oo maanta (Feb 23) shir jaraa,id ku qabtay gudaha magaalada muqdisho ayaa shaaca ka qaaday inaysan shaqo ku lahayn qaraxii dadku waxyeeloobeen ee ka dhacay isgoyska baar ubax islamarkaana aysan waxba ka jirin wararka sheegaya inay ka dambeeyeen ururka xisbul islaam .

Sidoo kale Maxamed macalin ayaa intaasi raaciyey inay waxba kama jiraan tahay hadalka kazoo yeeraya dhinacyada ku eedaynaya Ururka xisbul islaam inay ka dambeeyeen qaraxii ka dhacay isgoyska baar ubax ee wadada wadnaha taasoo wax laga weydiiyey inay saraakil ka tirsan Ururka xisbul islaam inay ku geeriyoodeen halkaasi islamrkaana uu ganafka ku dhuftay oo uu ku jawaabay inay baaritaan ku jiraan .

Afhayeenka oo saxaafadu wax ka weydiisay inay jiraan israsaayn dhex martay Iyaga iyo Xarakada mujaahidiinta alshabaab ayaa ku gaabsaday waxaanu ku jjrnaa baaritaan balse iminka kama jawaabi karo hadalkaasi .

Hadalka kasoo yeeray afhayeenka Ururka xisbul islaam ayaa kusoo beegmaya xili ay maamilntii shalay ilaa habeen hore ay ka jireen goobaha ay ka taliyaan islaamiyiintu rasaas Goos goos ah oo ka dhacaysay islamrkaana qarax habeen hore ah uu ka dhacay isgoyska baar Ubax ee wadada wadnaha ee magaalada muqdisho.

faytin yaasiin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.