Xaflad ay soo qabanqaabisay Naadiga Hal-Abuurka iyo Qorayaasha Soomaaliyeed ee Somali-Pen laantiisa Koonfurta Somalia oo lagu xusayay maalinta Afka Hooyo ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somalia.
Munaasabdda oo lagu qabtay Hotel Naasa-hablood 2 ayaa waxaa ka qaybgalay Dr. Xuseen Sheekh Axmed (Kadare), Abwaan Siciid Harawo, Prof. Mustafa Dheer, qaar ka mid ah madaxda Bulshada Rayidka, Suxufiyiin iyo marti-sharaf kale
Xoghayaha guud ee Naadiga Somali-Pen laanta Koonfurta Somalia Axmed M. Dhicisow oo hadal ku furay xafladda ayaa ka sheegay in sannad walba 21-ka Feberaayo la xuso afafka Calaamka oo uu ka mid yahay Afka Somaliga.
“Maanta waxaa jira 50-Idaacadood oo ku hadla Afka Soomaaliga, 3500-Joornaal oo Af-Somali kusoo baxa iyo 12-Telefishin oo ku hadla Afkeenna, waxaana taas ay inoo muujinaysaa in afkeennu uu horumar ku socdo” ayuu yiri Dhiciso.
Naadiga Somali-Pen ayuu sheegay in la aasaasay sannadkii 1997-kii uuna maanta yahay 13-jir, waxaana ku mideysan 120-Hal-abuure oo Somali ah, wuxuuna xogyahuhu sheegay in Naadigan uu u ololeynayo in la horumariyo afka Hooyo.
“Ururkeennu ma ahan mid lagu doonayo dhaqaale, ma ahan mid siyaasadeed, waa mid u taagan in la horumariyo Afka Hooyo” ayuu yiri Dhicisow oo sheegay in maanta laga xusayo caalamka oo dhan 6-kun oo luuqadood oo caalamka looga hadlo.
Dr. Xuseen Sheekh Axmed (Kadare) oo ka mid ahaa guddigii qoraalka Afka Somaliga ayaa si kooban uga hadlay Taariikhda qoridda Afka Soomaaliga oo la sheego inay ku hadlaan dad ku dhow 30-Milyan oo qof.
“Guddigii ugu horreeyay ee qoraalka Afka Somaliga waxaa la sameeyay 1958-kii, waxaana doodo badan kaddib lagu guulaystay in afka Soomaaliga lagu qoro Laatiin, waxaase ka hortimid caqabad, taasoo keentay in la qoro 1972-kii” ayuu yiri Kadare.
Dr. Xuseen Kadare wuxuu sheegay in guddigooda oo ka koobnaa dadkii raad-raaca ku sameynayay qoraalka Afka iyo Aqoonyahanno kale ay doonayeen in maalinta calanka la qaato lasoo saaro wargeysyo ku qoran Af-Somali si loo hirgeliyo Afka
“Culummadii xilligaas joogtay waxay sameeyeen mudaaharaad ay ugu magacdareen LAATIIN LAA DIIN, iyagoo doonayay in lagu qoro afka Carabiga, waxaana joojiyay Madaxweynihii xilligaas Aadan Cabdulle in farta la qoro” ayuu yiri Kadare.
Guddigii loo saaray inay farta Soomaaliga soo qoraan ayaa waxaa ka mid ahaa: Yaasii Cusmaan Yuusuf Kaynadiid, Xaaji Muuse Galaal, Prof. Ibraahim Xaashi, Shire Jaamac Axmed iyo Dr. Xuseen Sh. Axmed Kadare
Prof. Mustafa C/llaahi Cali (Dheeg) oo ka mid ah barayaasha wax ka dhiga Jaamacadda Muqdisho oo isaguna ka hadlay xafladda ayaa si weyn uga hadlay baqdinta laga qabo in afka Soomaaligu noqdo mid dunida ka baaba’a.
“Afka Soomaaligu wuxuu ka mid yahay luuqadaha Kushitiga loo yaqaan ee ka kooban 30-luuqadoo, loogana hadlo 7-dal oo Afrika ku yaalla, iyadoo luuqadda Somaligu ay ka tahay midda labaad ee ugu dadka badan” ayuu yiri Prof. Dheeg.-Sidoo kale wuxuu sheegay in Afka Soomaaligu uu ku jiro 10-ka luuqadood ee Afrika ugu horreeya, isagoo sheegay in celcelis ahaan ay ku hadlaan 25-Milyan oo qof oo ku kala nool Somalia, Jabuuti, Kenya iyo Ethiopia.
Prof, Dheeg wuxuu sheegay in luuqadda Somaliga aan baqdin looga qabin inay lunto boqolaalka sano ee soo socda, balse ay cabsidu tahay inay yaraadaan waxa ku kordha, isagoo sheegay in dadka ku hadla ay ku xiran tahay koboceeda.
Abwaan Siciid Max’ed Harawo oo ka mid ahaa dadkii xafladda ku sugnaa iyo Abwaan Max’ed Warasame Hadraawi oo isagana uga qaybgalay taleefoonka isagoo ku sugan Magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegeen in suugaantu ay tahay mid qayb weyn ku leh koboca Afafka Adduunka.
Waxay labadan abwaan sheegeen in Afka Soomaaligu uu yahay mid hodan oo laga helo karo erayo ka badan kuwa laga helo Afafka ka horreeya, ayna qabaan inuusan dunida ka baabi’in inuu kordho mooyee.
Guddoomiyaha Naadiga Hal-Abuurka iyo Qorayaasha Soomaaliyeed ee Somali-Pen laanta Koonfurta Somalia C/naasir Yuusuf Macallin oo soo xiray xafladda oo saacado socotay ayaa magacaabay xubno sharafeed ka mid noqonaya Somali-pen.
Sidoo kale guddoomiyaha wuxuu halkaas ku bixiyay shahaadooyin uu guddoonsiiyay dadkii qaybta libaax ka qaatay kobcinta Afka Hooyo ee Soomaaliga, kuwaasoo ku kala sugnaa dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.
Ugu dambeyn wuxuu mahad ballaaran u jeediyay Hay’adihii qaybta ka qaatay qabsoomidda xafladda lagu xusayay maalinta calaamiga ah ee Afka Hooyo oo kala ah: INXA, SOCFEX, SWA, IIDA IYO SOYDEN
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.